Kulankan oo uu soo qaban qaabiyay Ururka suxufiyinta haweenka ee ka dhisan Muqdisho ee (Sowjra) ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray arrimo badan ay kamid yihiin dowrka haweenka ee horumarka,caqabadaha ku hor gudban suxufiyiint agabdhaha ee kujira warbaahinta qeybohoodi kaladuwan, guud ahaan xaquuqda haweenka, sida looga hortagi karo tacadiyada haweenka ka dhanka ah,iyo sidii loo hei lahaa wacyigelin arrimahaasi la xirira,iyagoo uga faaideysanayay sagootinta maalinta caalamiga ah ee haweenka adduunka oo la xusay.
Waxaa badasha goob joog ka ahaa gabdhaha suxufiyiinta ee Sowjra,haween ka kala socday qeybaha bulshada,haween ka socday Qurba joogta ee Muqdisho ku dhaqan iyo gabdho kale oo kamid ah aqoonyahanada,kuwaasi oo dhamaantoodi xooga saaray ka hadalka xaaladaha kaladuwan oo la gudboon haweenka haddii ay ahaan layad horumar,dib u dhac iyo sida looga gudbi karo mushaakilaadka ay inta badan gabdhuhu ay la kulmaan.
Carafo Macalim Siciid oo ah gabdhaha ka soo laabatay qurbaha qasatan Mareynka ayaa xustay in gabdhaha saxafiyiinta looga baahan yahay in ay codka haweenka meel dheer geeyan si haweenku ay u helaan xuquuqdooda iyo dowrkii ay ku lahaayeen guud ahaan bulshadooda,iyadoo cambaareysay falalka tacadiga ah ee lagula kacayo gabdhaha Soomaaliyeed,islamar ahaantaasina haweenka suxufiyiinta ay maqaam fiican ka gaari lahaayeen mihnadoodi saxaafadeed.
Guddoomiyaha Ururka udooda xaquuqda gabdhaha saxafiyiinta Somaaliyeed ee SOWJRA Leyla Cadceed Osman ayaa ka hadashey xaaladda adag oo ay wajahaan haweenka,iyadoo ku talisay in lagu garab istaago haweenka sidii ay u muujin lahaayeen doorkoodi,iyo in gabdhah asuxufiyiinta ah ay saameyn weyn ku yeeshaan hay’adaha warbaahineed ee dalka.
Ururka SOWJRA iyo dhamaan ka hweenkii goob jooga ka ahaa waxaa ay ugu dambeyn si wada jir ah u cambaareeyeen falalkii ugu dambeeyey ee lagu la dhaqaaqay gabdho Soomaaliyeed ee kufsi iyo dil la isugu daray,kaar kusi iyo dhibaatooyin kale loo geystay iyo haweenkii dhawaan koxda argagixisada Shabab ay ku dileen deegaanka lafoole,iyadoo ku guda jira gudashada howlmaalmeedkoodi.