Saxaafaddu waa muraayad laga daawan karo dal kasta horumarka uu ka gaaray dhinacyada waxbarashada,tiknolojyada iyo guud ahaan waxqabadka dhaqan dhaqaale ee ay ku faanto bulshada caalamla.
Labaatankii sano ee u dambeeyay gudaha dalka Soomaaliya waxaa ka ka hanaqaaday ama ka hirgalay saxaafad xor ah oo ay taabagalinteeda iska lahaayeen ama iska kaashadeen aqoonyahanno isugu jiray kuwo wax ku bartay dalka iyo kuwo kale oo ku soo barbaabaray dibadda isla markaana doorbiday in ay wax ka badalaan warbaahinta Soomaalida oo muddo badan ku soo jirtay gacan mileteri iyo caburin xad dhaaf ah.
Dhismaha warbaahinta Soomaalida oo ku bilowday qaab ganacsi,kuwo siyaasad gaar ah leh iyo mid guudba ,haddana waxaa sanado badan ay fursad u heleen in ay soo saaraan suxuufiyiin badan oo ku guuleystay aasaasidda ururo saxaafadeed oo ilaaliya danaha iyo xuquuqda suxuufiyiinta ,isla markaana diyaariyay shuruucda lagama maarmaanka u ah warbaahinta.
Xilligaan waxaa la oran karaa warbaahinta Soomaaliya,waxa ay ku tallaabsatay horumar lixaad leh ,kadib kolkii qeybaha bulshadu ay heleen saxaafad xor ah oo ay ku gudbin karaan fikradaha isdiidan,kuwa wax dhisaya iyo iyo kuwa kale ee lagu dhaliilayo hogaamiyaasha umadda.
Inkastoo warbaahinta Soomaaliya ay gaartay guulo wax ku ool ah haddana waxaa muuqda dhaliillo ka imaanaya qaar kamid ah suxuufiyiinta ka howlgala gudaha dalka iyo dibadda,kuwaas oo u qaatay in saxaafadda lagu soo bandhigi karo qoraallo ama hadal kasta oo laga dheehan karo wax dumin,caadhifad iyo nin jecleysi.
Iyadoo la dareemayo in doorka saxaafadda uu yahay mid qiimo weyn ku leh bulshada dhexdeeda xillgaan , waxaa soo ifbaxaya suxuufiyiin badan oo kaalin muhiim ah ka qaatay geedi socodka nabadda iyo rajo soo celinta umadda wallow dhinaca kale ay jiraan dayac ka muuqda suxuufiyiinta oo la xiriira maqnaanshaha xagga tababarka iyo guud ahaan kor u qaadidda garaadka ama aqoonta suxufiga.
Qaladaadka dhinaca warbaahinta ah ah ee ay galaan suxuufiyiinta ama madaxda xarumaha,waa kuwo si toos ah u taabanaaya shaqada ay u hayaan bulshada isla markaana sumcad xumo ku abuuraya kalsoonida kala dhexeysa umadda,si taasi looga fogaadana waxaa lama huraan ah in jagooyinka loo magacaabayo tifatirayaasha iyo madaxda barnaamijyada ay noqdaan kuwo aqoon durugsan u leh Saxaafadda.
Suxufiga dhabta ah waa midka ka shaqeeya horumarka dadka iyo dalka ee ma aha kan u adeega dad gaar ah isla markaana buunbuuniya ceebaha iyo dhaliilaha kooban ee lagu tilmaamo qaar kamid ah hogaamiyaasha qeybaha bulshada,adigoo aeegsan kara qaab asluubeysan oo aad ku gudbin karto dhibaatooyinka jira.
Suxuufiga waa in waxa uu gudbinaayo uu latashiyo kala sameeyo madaxda si meesha ay uga baxdo tayo xumo soo wajahda qaab dhismeedka waxsoosaarka warbaahinta iyadoo maanka la galinaayo in dadka lala hadlaayo ay yihiin aqoonyahan ,kuwo kula siman iyo kuwo kaa liita.
Ogoow suxufi in haddi aad ku xadgudubto anshaxaaxaafadda ay jiraan hey’ado amni oo awood u leh in ay kaa qaadaan tallaabo horseedi karta in lagu soo taago maxkamad,kadibna aad wajahdo sumcad xumo,mana ahan ceeb-sheegidda iyo dhaliilaha waxa suxufigu uu ku gaaro magaca iyo maqaamka.
Shire Xasan Kulmiye