Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

waa kuma Suxufiga dhabta ah?

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
waa kuma Suxufiga dhabta ah?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Saxaafaddu waa muraayad laga  daawan karo   dal kasta horumarka uu ka gaaray dhinacyada waxbarashada,tiknolojyada iyo guud ahaan waxqabadka dhaqan dhaqaale ee ay ku faanto bulshada caalamla.

Labaatankii sano ee u dambeeyay gudaha dalka Soomaaliya waxaa ka ka hanaqaaday ama ka hirgalay saxaafad xor ah oo ay taabagalinteeda iska lahaayeen ama iska kaashadeen aqoonyahanno isugu jiray kuwo wax ku bartay  dalka iyo kuwo kale oo ku soo barbaabaray dibadda isla markaana doorbiday in ay wax ka badalaan warbaahinta Soomaalida oo muddo badan ku soo jirtay gacan mileteri iyo caburin xad dhaaf ah.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Dhismaha warbaahinta Soomaalida oo ku bilowday qaab ganacsi,kuwo siyaasad gaar ah leh  iyo mid guudba ,haddana waxaa sanado badan ay fursad u heleen in ay soo saaraan suxuufiyiin badan oo ku guuleystay aasaasidda ururo saxaafadeed  oo ilaaliya  danaha iyo xuquuqda suxuufiyiinta ,isla markaana diyaariyay shuruucda lagama maarmaanka u ah warbaahinta.

Xilligaan waxaa la oran karaa warbaahinta Soomaaliya,waxa ay ku tallaabsatay horumar lixaad leh ,kadib kolkii qeybaha bulshadu ay heleen saxaafad xor ah oo ay ku gudbin karaan fikradaha isdiidan,kuwa wax dhisaya iyo iyo kuwa kale ee lagu dhaliilayo hogaamiyaasha umadda.

Inkastoo warbaahinta Soomaaliya ay gaartay guulo wax ku ool ah haddana waxaa muuqda dhaliillo ka imaanaya qaar kamid ah suxuufiyiinta ka howlgala gudaha dalka iyo dibadda,kuwaas oo u qaatay in saxaafadda lagu soo bandhigi karo qoraallo ama hadal  kasta oo laga dheehan karo wax dumin,caadhifad iyo nin jecleysi.

Iyadoo la dareemayo in doorka  saxaafadda uu yahay mid qiimo weyn  ku leh bulshada dhexdeeda xillgaan  , waxaa soo ifbaxaya suxuufiyiin badan oo kaalin muhiim ah ka qaatay geedi socodka nabadda iyo rajo soo celinta umadda wallow dhinaca kale ay jiraan dayac ka muuqda suxuufiyiinta oo la xiriira maqnaanshaha xagga tababarka  iyo guud ahaan kor u qaadidda garaadka ama aqoonta suxufiga.

Qaladaadka dhinaca warbaahinta ah ah ee ay galaan suxuufiyiinta ama madaxda xarumaha,waa kuwo si toos ah u taabanaaya shaqada ay u hayaan bulshada isla markaana sumcad xumo ku abuuraya kalsoonida kala dhexeysa umadda,si taasi looga fogaadana waxaa lama huraan ah in jagooyinka loo magacaabayo  tifatirayaasha iyo madaxda barnaamijyada ay noqdaan kuwo aqoon durugsan u leh Saxaafadda.

Suxufiga dhabta ah waa midka ka shaqeeya horumarka dadka iyo dalka ee ma aha kan u adeega dad  gaar ah isla markaana buunbuuniya ceebaha iyo dhaliilaha kooban ee lagu tilmaamo qaar kamid ah hogaamiyaasha qeybaha bulshada,adigoo  aeegsan kara qaab asluubeysan oo aad ku gudbin karto dhibaatooyinka jira.

Suxuufiga waa in waxa uu gudbinaayo uu latashiyo kala sameeyo madaxda  si meesha ay uga baxdo tayo xumo soo wajahda qaab dhismeedka waxsoosaarka warbaahinta iyadoo maanka la galinaayo in dadka lala hadlaayo ay yihiin aqoonyahan ,kuwo kula siman iyo kuwo kaa liita.

Ogoow suxufi in haddi aad ku xadgudubto anshaxaaxaafadda ay jiraan hey’ado amni oo awood u leh in ay kaa qaadaan tallaabo horseedi karta in lagu soo taago maxkamad,kadibna aad wajahdo sumcad xumo,mana ahan ceeb-sheegidda iyo dhaliilaha waxa suxufigu uu ku gaaro magaca iyo maqaamka.

 

Shire Xasan Kulmiye

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Toos u Daawo Doorashada aqalka sare ee ka socoto Puntland.

Next Post
Hay’adda Shaqalaha rayidka ah ee Puntland oo imtixaano qaaday

Toos u Daawo Doorashada aqalka sare ee ka socoto Puntland.

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In