Friday, September 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wabiga ku fatahay degmada Jalalaqsi oo xaalad go’doon ah geliyay (Warbixin).

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 11, 2023
in Wararka
0
Wabiga ku fatahay degmada Jalalaqsi oo xaalad go’doon ah geliyay (Warbixin).
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Jalalaqsi, waxay ka mid tahay degmooyinka uhu qadiimsan gobolka Hiiraan, waxayna ku taala degmadu cirifka Koonfureed gobolka dhaca bartamaha Soomaaliya ee Hiiraan, waxayna xuduud la leedahay xadka kala qeybiya gobollada Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan.

Bulshada ku dhaqan degmada Jalalaqsi, waxay caan ku yihiin tacbashada beeraha iyo dhaqashada xoolaha nool, inta badan dalagyada ka soo go’ qudaartaasi waxaa loo iib-geeyaa dhammaan gobollada duwan ee Dalka.

Related posts

Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay Guddoomiyaha SoDMA iyo Wafdi uu hoggaaminayo

Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay Guddoomiyaha SoDMA iyo Wafdi uu hoggaaminayo

September 11, 2025
Dowladda oo lagu wareejiyay qalab casri ah oo ka hortagga walxaha qarxa

Dowladda oo lagu wareejiyay qalab casri ah oo ka hortagga walxaha qarxa

September 11, 2025

Balse, maanta dhulkii bilicda lahaa iyo dalagyadii ku yaalay waxaa wada gaaray fatahaadda wabiga Shabeelle uu ka geystay degmada, dusha sare markaad ka eegto degmada indhahaadu ma qabanayaan bar-qaleel ah oo biyihii ayaa wada gaaray.

Inta badan dadkii degganaa Jalalaqsi waa ay ka barakaceen, waxayna dadka u qeybsameen qaar ka mid ah wali ku go’doonsan iyo qaar kale, biyaha bannaabka ka joogta oo guryahoodii ka barakacay.

Guddoomiyaha Dhallinyarada degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan Cismaaciil Cilme Guure oo dooni isaga kala goosta xaafadaha degmada ayaa sheegay in fatahaadda wabiga Shabeelle uu kala go’doomiyay isku socodkii xaafadaha.

Dhnaca kale, guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufurow oo garwaaqsan muhiimadda ay leedahay ka warqabidda dadka ay saameeyen fatahaadaha wabiga oo booqasho ku tegay degmada Jalalaqsi ayaa kormeeraya goobaha ay ku nool yihiin qoysaska ka barakacay fatahaadda.

” Soomaaliya oo dhan iyo state-ka dhan ayuu dhibkani uu ku dhacay, waxaan u soconaa in ay indhaheennu arkaan dhibaatada idin haysato, Alle ayaa idin baryeynaa inuu idinka dul qaado dhibta”, ayuu yiri guddoomiye Sufurow.

Fatahaadda uu wabiga shabeelle ka geystay gobolka Hiiraan ayaa guud ahaan saameysay deegaannada iyo degmooyinka gobolka Hiiraan, waxaaba socda gurmad xooggan oo ay Dowladda Federaalka wato, kaas oo loogu gurmanayo dadka ay waxyeelada soo gaartay.

Previous Post

Soomaaliya iyo Canada oo ka wada-hadlay kor u qaadidda xiriirka diblumaasiyaddeed ee labada dal

Next Post

Maxay tahay muhiimadda Soomaaliya ugu jirto kursiga ku xigeenka xoghayaha guud ee IGAD?

Next Post
Maxay tahay muhiimadda Soomaaliya ugu jirto kursiga ku xigeenka xoghayaha guud ee IGAD?

Maxay tahay muhiimadda Soomaaliya ugu jirto kursiga ku xigeenka xoghayaha guud ee IGAD?

Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay Guddoomiyaha SoDMA iyo Wafdi uu hoggaaminayo

Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay Guddoomiyaha SoDMA iyo Wafdi uu hoggaaminayo

September 11, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye, ayaa caawa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta...

Dowladda oo lagu wareejiyay qalab casri ah oo ka hortagga walxaha qarxa

Dowladda oo lagu wareejiyay qalab casri ah oo ka hortagga walxaha qarxa

September 11, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad ay Dowladda Boqortooyada Ingiriiska ku wareejinaysay...

Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Laascaanood

Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Laascaanood

September 11, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay magaalada Laascaanood, caasimadda dowlad...

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

September 11, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuurriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii gardarrada ahaa ee maamulka Israa’iil u gaystay dalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In