Monday, May 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

WACYIGELINTA WAXYEELADA CUDURKA CAGAARSHOWGA

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
July 28, 2015
in Wararka
0
WACYIGELINTA WAXYEELADA CUDURKA CAGAARSHOWGA
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

World Hepatitis Day 28, July, 2015

Prof/Dr. Osman Mohamud Dufle

Cudurka cagaarshowga ama jooniska waa cudur dhibaato weyn ku haya bulshada caalamka ku dhaqan , sidaas darteed sanad kaste 28 July waxaa loo asteeyay maalinta cagaarshowga aduunka (World Hepatitis Day) si bulshada caalamka loogu wacyi galiyo qatarta iyo ka hortaga cudurkaan helista ah oo sida amusan dadka u dila (Silent Killer).

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Doorasho dadban waxa ay dan u tahay, qof aan ka shaqeyneyn danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.”

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Doorasho dadban waxa ay dan u tahay, qof aan ka shaqeyneyn danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.”

May 19, 2025
𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮: “𝗤𝗼𝗳 𝘄𝗮𝗹𝗯𝗮 𝘄𝗮𝗮 𝗶𝗻𝘂𝘂 𝗸𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗮𝗴𝗮 𝗮𝗮𝗱𝗱𝗮𝗻 𝗸𝗮 𝗾𝗮𝗮𝘁𝗼 𝗱𝗶𝗳𝗮𝗮𝗰𝗮 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗵𝗶𝗿𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗱𝗼𝗼𝗿𝗮𝘀𝗵𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮”

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮: “𝗤𝗼𝗳 𝘄𝗮𝗹𝗯𝗮 𝘄𝗮𝗮 𝗶𝗻𝘂𝘂 𝗸𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗮𝗴𝗮 𝗮𝗮𝗱𝗱𝗮𝗻 𝗸𝗮 𝗾𝗮𝗮𝘁𝗼 𝗱𝗶𝗳𝗮𝗮𝗰𝗮 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗵𝗶𝗿𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗱𝗼𝗼𝗿𝗮𝘀𝗵𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮”

May 19, 2025

Cudurka cagaarshowga waxaa keena feyrusyo kala duwan kuwaas oo keeno burbur iyo dhaawac ku dhaca unugyada beerka (Hepatitis), feyrusyadaas waxaa ka mid ah: Virus A, B, C oo ah kuwa ugu badan iyo D, E.

Cagaarshowga A ( Hepatitis A Virus – HAV).

Waa nooca ugu badan sanadkii wuxuu ku dhacaa tiro dhan 1.4 milyan , wuxuu ku badan yahay caruurta dadka waaweyn waa ku dhacaa, hab saf mar ah (Outbreak) ayuu leeyahay. Wuxuu ku badan yahay goobaha nadaafadoodu hooseyso dadka badan ay ku nooloyihiin (Crowded area) sida xeryaha qaxootiga IWM.

Feyruska wuxuu soo raacaa saxarada , waxaana gudbiya gacamaha kadib marka la cuno cunto , khudrad , miro oo aan si fiican loo nadiifin iyo marka la cabo biyo aan nadiif aheyn oo jeermiga ku jiro.

Cagaarshowga A (HAV) marka qofka dhiigiiso galo ilaa calaamooyinka ka soo if baxayaan waxey qaadaneysaa mudo dhan qiyaastii 30 maalmood , xiligaas qofka saxarada ayuu ku gudbinayaa cudurkii ama feyruskii.

Noocan A dhaqso ayaa looga bogsadaa , wax raagis ahna ma yeesho (Chronic Form).

Cagaarshowga B (Hepatitis B Virus – HBV)

Cagaarshowga noocaan waxaa keena feyrus B ( HBV), wuxuuna ka mid yahay kuwa ugu qatarsan. Cudurkan waxa uu keenaa in qofka uu ku noqodo mid wakhti kooban haya (Acute) ama joogta ah ( Chronic). Qiyaastii waxaa cudurkaan qaba aduunyada ama soo marey tiro dhan 2 bilyan oo qof,waxaa cudurkan la nool ama qabta 350 milyan ( Chronic Infection) waxaa sanadkii u dhimata tiro ku dhow hal milyan.

Marku feyruska dhiiga galo ilaa iyo calaamooyinka ka soo ifbaxayaan waxey qaadaneysaa muddo dhan qiyaas ahaan 75 maalmood. wuxuuna leeyahay raagis(Chronic infection).

Cagaarshowga nooca B wuxuu ku gudbaa dhiiga iyo dhecaanka qofka jiran marka uu gaaro dhiiga qofka fiyow sida:-

  • Hooyada uurka leh oo cunuga u gudbin karta xiliga dhalmada (Perinatal Transmission) xiligaas oo ah kan ugu badan ee raagista yeesha 90%.
  • Dhiig ku shubid (taasoo waayahan yaraatay).
  • Cirbid lagu duray qof jiran oo qof kale loo isticmaalo,
  • Qalabka ama Sakiinta Gar xiirka , madax xiirka oo wadar loo isticmaalo.
  • Wuxuu ku gudbi karaa galmada (Sexual Intercourse).
  • Wuxu kaloo ku gudbaa daawo dhaqameedka sida:-
  • Dalqa goynta , qun goynta , ilka bixinta , gudniinka fircooniga , gudniinka raga si wada jir ah ,dhalma dhaqameedka , sarsarmada , toobinta oo intaba qalabka loo isticmaalayo aan la jeermi dilin.

Cagaarshowga nooca B waxaa halis u ah:-

  • Bukaanada dhiig dareerka qaba (Hemophilia) oo mar kasta dhiig lagu shubo.
  • Bukaanada kiliyaha ka jiran oo la dhaqo (Renal Dialysis)
  • Shaqaalaha caafimaadka iyo kuwa sheybaarka
  • Buukanada HIV qaba oo difaacooda hooseyo.

Waxaa xusid mudan in cagaarshowga B (HBV) oo boqal jeer (100%) ka dhaqso badan yahay HIV xowliga fiditaanka cudurka.

Feyruskan cagaarshowga B 7 maalmood ayuu dibada ku noolaan karaa asagoo waqtigaasku gudin kara cudurka.

Cagaarshoowga C ( Hepatitis C Virus – HCV).

Waxaa keena feyruska cagaarshowga C (HCV), tirade aduunka qabta cagaarshowga nooca C-ga waa 170 ilaa 200 milyan qof ; sanad kaste tirade bukaanka cusub uu ku dhaco waxey gaareysaa 3 – 4 milyan.

Feyruska cagaarshowga nooca C-ga waxaa la helay 1989 , horay waxaa la dhihi jirey (NON A NON B) oo aan ahayn cagaarshowga noocyada A iyo B, taariikhdaas wixii ka horeeyay , wuxuu aad ugu gudbi jiray dhiiga dadka lagu shubo, asagoo keeni jiray cagaarshowga ka yimaada dhiig ku shubida (Post-transfusion hepatitis).

Wuxuu ku gudbaa dhiiga iyo dhecaanka qofka jiran marka uu gaaro qofka fiyow.

Marku feyruska dhiiga galo ilaa iyo calaamooyinka ka soo ifbaxayaan waxey qaadaneysaa muddo dhan qiyaas ahaan 60 maalmood (45 -180 maalmood).

Cagaarshowga nooca C (HCV) wuxuu yeeshaa raagis (Chronic Hepatitis) 75% ilaa 80%, khatarta kale uu leeyahay waxaa ka mid ah in calaamooyinkii cudurka badanaa aysan soo If baxin 60% ilaa 80% (Asymptomatic), taas ayaa keentay magaca la siiyay oo ah dilaga aamusan (Silent Killer).

Calamooyinka Cudurka Cagaarshowga.

Calaamooyinka cudurka waxaa loo qeybiyaa 3 qeybood:-

Qeybta Hore :Waa xiliga cagaarkii wali soo if bixin (Pre-icteric Phase): Xiligaas bukaanka waxuu qabaa calaamooyinka sida labolabo , bog xanuun, madax xanuun, matag , cuntada uu qaadan kari waayo , daal badan, xumad, qun xanuun , murqo xanuun , xubno xanuun, shuban yar. Calaamooyinkas waxay ay jiri karaan muddo dhan 10 ilaa 14 casho.

Qeybta labaad: Waa xiliga cagaarka muuqanaayo (Icteric Phase): Xiligan waxa soo muuqanaayo cagaarki indhaha , oogada, kaadida oo gaduud noqota sida shaah rinji ah (Dark Urine), saxarada oo midib cadaata iyo kor cuncun. Xanuun yar oo dhinica beerka ku aadan iyo qanjiro barar. Calaamadahaan waxey jiri karaan muddo dhan 2 ilaa 3, 4 usbuuc.

Qeybta Sadaxaad: waa xiliga ka bogsashada cudurka (Convalescence phase):Xiligaan calaamooyinkii cudurka waa yaranayaan ilaa ay ka baaba’aan sida cagaarka indhaha iyo oogada oo baaba’aya, bukaanka waa ka soo fiicanaayaan calaamadihii hore laakin taas macanaheedu ma ahan in bukaanku ka reestey cudurkii balse beerkii wali waa dhaawacan yahay oo waa bukaa , waxeyna qadaneysaa bogsashadiisa buuxda muddo 2 ilaa iyo 4 bilood ah.

 

Dabka iyo Cagaarshowga:

Bulashada soomaaliyeed qaar badan waxey aminsanyihiin in cudurka cagaarshowga lagu daaweyo dabka bukaanka la gubo.

Hadaba dabka iyo cudurka cagaarshowga haba yaraatee wax xariir ah oo ka dhaxeeya ma jiran.

Arintaas si cilmi ah hadaan u fasirno, waa tii horay aan u soo xusney sadaxdii qeybood ee calaamooyinka gaar ahaan xiliga cagaarka indhaha iyo oogada ay soo if baxo in uu jiri karo 2,3 ilaa 4 usbuuc kadibna ay baabi doonaan calaamooyinkaas oo dhan, hadabo waxaa isku soo beegmaya xiliga bukaanka la gubo iyo dhamaadka caadiga ahaa ee calaamooyinka taas ayaana keentay in dadka qaarkiis u qaataan in bukaanka uu dabka ku reestey , taasana waxey keeneysaa in bukaanku dib u bilaalbo socod iyo dhaqaaqiisi nolol maalmeed midaas oo sii xumeyn doonto xaalada caafimaad ee beerka ayadoo bilooyin kadib (6 bilood) uu cudurkii u gubaayo nooca raagiska yeesha (Chronic Hepatitis).

Cawaaqibta Dambe ee Cudurka Cagaarshowga

Cudurka cagaarshowga noocyada B (HBV) iyo C (HCV), wuxuu noqon karaa nooca cusub (Acute Hepatitis) iyo nooca raagiska yeesha (Chronic Hepatitis).

Cagaarshowga nooca B infekshankiisa cusub (Acute Hepatitis) badanaa waa laga restaa muddo kadib , waxana ugu wacan difaaca qofka 90%, halka 10% uu noqdo kan raagiska yeesha (Chronic Hepatitis).

25% – 30% wuxuu u gudbayaa nooca beerka adkaada (Liver Cirrhosis) caloosha oo biyo galaan (Ascites) (20% – 25%) wuxuu u gudbaa kansarka beerka ku dhaca ( Liver Cancer – HCC).

Cagaarshowga nooca C (HCV) 75% – 80% wuxuu noqdaa kan raagiska yeesha (Chronic Hepatitis). 20% – 25% wuxuu u gudbaa beerka adkaada calooshana biyo galaan (Liver Cirrhosis) iyo kansarka beerka ku dhaca (Liver Cancer – HCC).

Siyaabaha looga hortago Cagaarshoowga

Ka hortagga cudurka cagaarshowga waxaa muhim ah in laga fogaado qaabkii aan soo sheegnay uu cudurka ku gudbo.

Ugu horeen waa in la xoogiyaa nadaafada gacmaha cuntada ka hor iyo markii musqusha lagalo, waa in la xoojiyaa nadaafada guriga iyo musqusha, waan in si fiican loo mayraa qudaarta, waa in lailaaliyaa nadaafada raashiinka lacuno.

Waxaa kaloo muhiim ah cirbadaha leesku duro,sakiinta garxiirka iyo cadayga ilkaha in aan wadar loo isticmaalin, laguna tuurin dibadda. Sidoo kale waxaa muhiim ah qalabka loo isticmaalo ilka bixinta dalqa gooynta qungooynta gudniinka wiilasha dhaga durista uu nadiif yahay lana jeermi dilo taaso laga helo xarumaha caafimaadka. Lamaanaha isguursanaya waa in ay iska baaraan feyruska cagaarshowga nooca B.

Ka hortagga ugu muhimsan waa tallaalka cagaarshowga nooca A (HAV) iyo nooca B (HBV), oo ka hortagaya in cudurka cagaarshowga qofku haleelo wuxuu siinayaa awood difaac oo joogto noqota.

Tallaalka Cagaarshowga B ee (HBV) 95-98% ayuu ka hortagaa in cudurkii u gudbo ama yeesho raagis (Chronic Hepatitis) ama u gudbo Beerka oo adkaada biyana galaan (Liver Cirrhosis) ama u beddelmo kansarka bani’aadamka khatarta ku ah ee beerka ku dhaca (Liver Cancer).

Tallaalkaan nooca B ee (HBV) waxaa la soo saaray 1982 helitaankiisa waddamada soo koraaya waa ka wanaagsan yahay waqtiyadii hore, waxaana loo qaataa marka hore Bil kadib 6 bil kadib ( 0, 1, 6) ,Ururka caafimaadka adduunka wuxuu ku daray oo laga mid dhigay tallaalada joogtada ah ee caruurta la siiyo (EPI) isagoo la raacsiiyey tallaalka DTP looguna magac daray Pentavalent  kaasoo waddaankeena soomaaliya manta laga heli karo.

Talo-siinta qofka qaba cudurka cagaarshowga

Bukaanka qaba cudurka cagaarshowga waxaan kula talinayaa marka uu cudurka isku arko in durbadiiba uu la xiriiro dhaqtar, isla markaasna qaato talada iyo daawada uu siiyo dhaqtarka.

Ugu horeyntii waxaa la faryaaa:

  1. Nasasho dheer oo sariirta korkeeda uuku nasto, wax shaqo ahna uu ka fogaado muddo dhan ugu yaraan 3 ilaa 4 usbuuc.
  2. Raashinka: Qofku haduu afka wax ka qaadan karo waa in uu badsadaa qaadashada cuntada macaan ama malabka shinnida si uu helo tamar badan (energy). Dabcan arrimahaas aan soo sheegnay waa ka reebban yihiin qofka kaadi-macaanka qaba.

Waa in uu aad u yaraystaa cunista subagga iyo cuntada shiilan. Brotiinka qiyaas ayuu u qaadan karaa. Waa in uu ka fogaado bukaanku cabdidda khamiriga , sigaarka iyo cunidda daawo aan dhaqtar u qorin.

Ugu dambeyntii waxaa ku soo gunaadadayaa in bulashadeena soomaaliyeed ay xoojiyaan ka hortagga cudurrada faafa iyagoo kordhinaaya wacyigooda caafimaad si loo helo bulsho caafimaad qabta. Waxaana hubaal ah in ka hortagga cudurrada ka wanaagsan yahay daaweynta.

W/D: Prof/Dr. Osman Mohamud Dufle.

 

 

 

 

 

 

Previous Post

Taliyaha Nabad sugidda Qaranka oo bogaadiyay amniga ka jira Kismaayo

Next Post

DAAWO SAWIRRADA: Wasaaradda Tacliinta sare oo shahaado sharaf howl karnimo ah guddoonsiisay Jaamacadda SIU

Next Post
DAAWO SAWIRRADA: Wasaaradda Tacliinta sare oo shahaado sharaf howl karnimo ah guddoonsiisay Jaamacadda SIU

DAAWO SAWIRRADA: Wasaaradda Tacliinta sare oo shahaado sharaf howl karnimo ah guddoonsiisay Jaamacadda SIU

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Doorasho dadban waxa ay dan u tahay, qof aan ka shaqeyneyn danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.”

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Doorasho dadban waxa ay dan u tahay, qof aan ka shaqeyneyn danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.”

May 19, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, isagoo si gaar ah u...

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮: “𝗤𝗼𝗳 𝘄𝗮𝗹𝗯𝗮 𝘄𝗮𝗮 𝗶𝗻𝘂𝘂 𝗸𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗮𝗴𝗮 𝗮𝗮𝗱𝗱𝗮𝗻 𝗸𝗮 𝗾𝗮𝗮𝘁𝗼 𝗱𝗶𝗳𝗮𝗮𝗰𝗮 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗵𝗶𝗿𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗱𝗼𝗼𝗿𝗮𝘀𝗵𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮”

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮: “𝗤𝗼𝗳 𝘄𝗮𝗹𝗯𝗮 𝘄𝗮𝗮 𝗶𝗻𝘂𝘂 𝗸𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗮𝗴𝗮 𝗮𝗮𝗱𝗱𝗮𝗻 𝗸𝗮 𝗾𝗮𝗮𝘁𝗼 𝗱𝗶𝗳𝗮𝗮𝗰𝗮 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗵𝗶𝗿𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗱𝗼𝗼𝗿𝗮𝘀𝗵𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮”

May 19, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in difaaca dalka uu yahay waajib diini ah...

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

Madaxweynaha JFS oo maanta Baqdaad uga qeyb-gali doona meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta

May 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq kaga qaybgali...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

May 16, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa Khamiistii kulan-doceed kula yeeshay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In