Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Caalamka

Wadahadalladii Militariga iyo Hamdok oo heer wanaagsan maraya

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
5 years ago
in Caalamka
0
Wadahadalladii Militariga iyo Hamdok oo heer wanaagsan maraya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wadahadallo u dhexeeya Ra’iisul wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok iyo hoggaamiyeyaasha afgambigii millatari ee 25 October ayaa horumar laga sameeyay, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters ka soo xigatay ilo ku dhow Hamdok.

Il-wareed labaad ayaa sheegay in Sudan ay dhawaan dhisi karto gole cusub oo maamul kaasi oo ka koobnaan doona 14 xubnood, waxayna noqoneysaa tallaabadii u horeysay ee militariga ee ku aadan dhismaha hay’addo cusub oo ku meel-gaar ah.

Related posts

KULANKA XOGHAYAASHA BAARLAMAANKA CARABTA OO TAAGEERAY MADAX BANAANIDA DHULEED EE JAHMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA.

KULANKA XOGHAYAASHA BAARLAMAANKA CARABTA OO TAAGEERAY MADAX BANAANIDA DHULEED EE JAHMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA.

January 13, 2024
Cabdiqaasim Salaad Xasan ”Somaliland waa gobol ka mid ah Soomaaliya heshiisna lama gali karo dal sida Ethiopia“.

Cabdiqaasim Salaad Xasan ”Somaliland waa gobol ka mid ah Soomaaliya heshiisna lama gali karo dal sida Ethiopia“.

January 12, 2024

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Khamiistii la hadlay madaxa ciidamada Abdel Fattah al-Burhan, isagoo ku booriyay in uu soo celiyo dastuurkii dalkaasi, iyo hannaankii KGM ahaa.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken iyo Burhan oo Khamiistii wadahadal ku yeeshay telefoonka ayay isku raaceen baahida loo qabo dardargelinta dhismaha dowlad, sida uu sheegay xafiiska Burhan

“Labada dhinac ayaa isla gartay in loo baahan yahay in la ilaaliyo tubta kala guurka ah ee dimoqraadiyadda, dhameystirka haykalka KMG ah iyo in la dardargeliyo dhismaha dowlad” ayuu xafiiska Burhan ku yiri qoraal uu soo saaray.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in Blinken uu ku booriyay Burhan in si degdeg ah loo sii daayo dhammaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee xiran tan iyo afgenbigii militari, iyo in ay dib “ugu soo laabtaan wadahadal ah in shaqadiisa uu ku soo laabto Ra’iisul Wasaare Hamdok, dibna loo soo celiyo maamulkii ay rayidku hoggaaminayeen ee Sudan.”

Qaramada Midoobay ayaa isku dayeysay in ay dhexdhexaadiso sidii loo soo afjari lahaa qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhashay afgambigii lagu xiray siyaasiyiintii ugu sarraysay ee rayidka ah, iyadoo Xamdook-na la geliyay xabsi guri.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Sudan, Volker Perthes, ayaa sheegay in wada-hadallada ay ka soo baxeen qodobbada heshiis suurtagal ka dhigaya in dib loogu laabto awood qaybsigii, oo ay ku jirto in ra’iisulwasaarihii la riday howshiisa sii wato.

Previous Post

Wasaaradda Diinta ee XFS oo 3-qodob ka soo saartay baneysiga dhiigga Islaamka ee Nabadiidka Al-Shabaab 

Next Post

Wasiiru dowlaha Tamarta iyo Kheyraadka biyaha Soomaaliya oo soo dhaweyn loogu sameeyay Dhuusamareeb “SAWIRRO”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026
0

Xubno sare oo ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo ay Hogaaninneeysay Senator Duniyo Maxamed Cali ayaa olole doorasho...

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

September 26, 2026
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Sophos Sophianos, Madaxa Barnaamijyada ee Hay’adda UN-Habitat Somalia, oo booqasho shaqo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In