Monday, September 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi heer sare ah oo ka socda Aqalka Sare oo ka qeyb galay Shirweynaha 8-aad ee Baarlamaanka Carabta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 months ago
in Wararka
0
Wafdi heer sare ah oo ka socda Aqalka Sare oo ka qeyb galay Shirweynaha 8-aad ee Baarlamaanka Carabta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi heer sare ah oo ka socda Aqalka Sare ayaa ka qeyb galay Shirweynaha 8-aad ee Baarlamaanka Carabta iyo Guddoomiyaasha Baarlamaannada Carabta, kaas oo ka qabsoomay xarunta Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira.

Wafdiga Aqalka Sare waxaa hoggaaminayay Senator Cabdixakiim Macallim Axmed Maalin, Intii uu shirka socday, Senator Cabdixakiim Macallim ayaa khudbad uu ka jeediyay madasha ku soo bandhigay aragtida Soomaaliya ee ku aaddan muhiimadda iskaashiga dowladaha Carabta ee dhinacyada isbeddelka dhijitaalka ah, ilaalinta xogta qaranka, xoojinta amniga internet-ka iyo horumarinta sharciyo casri ah oo la jaanqaadaya tiknoolajiyadda cusub.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

September 20, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

September 20, 2026

Sidoo kale, Shirku wuxuu ansixiyay dhowr qaraar oo uu ka mid ahaa mid si gaar ah uga hadlayay Soomaaliya kaas oo si adag cambaarayn loogu jeediyay Israa’iill, diiraddana lagu saaray faragelinta iyo xadgudubyad ay ka waddo dalalka Carabta, gaar ahaan Soomaaliya, Lubnaan iyo Suuriya, isagoo adkeeyay ixtiraamka madaxbannaanida, midnimada dhuleed iyo u hoggaansanaanta sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

Gunaanadkii, qaraarrada iyo aragtida laga soo saaray shirkan ayaa loo gudbin doonaa Madaxda Dowladaha Carabta si loogu tixgeliyo Shir-madaxeedka Jaamacadda Carabta ee soo socda.

Previous Post

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

Next Post

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeeray Saldhigga Ballidoogle

Next Post
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeeray Saldhigga Ballidoogle

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeeray Saldhigga Ballidoogle

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

September 20, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa kulan la qaatay Guddiga Madaxa Bannaan ee...

MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

September 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay...

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil ciidan ah oo...

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In