Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi ka socda Jamhuriyadda Jabuuti oo soo gaaray Muqdisho.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Wafdi ka socda Jamhuriyadda Jabuuti oo soo gaaray Muqdisho.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa soo dhoweeyay Xubnaha Wafdiga Reer Jabuuti oo maanta ka soo dagay Garoonka Aadan Cabdulle ee Caalmiga ah ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyay.
Wafdiga Dowladda Jabuuti ayaa waxaa horkacaya Wasiirka Dhalinyarada, Hidaha iyo Dhaqanka Jamhuuriyadda Dalka Jabuuti, Marwo Hibo Muumin Casawe oo ay ku wehlinayaan Safiirkii hore ee Soomaaliya u joogay magaalada Muqdisho ahna La taliyaha xagga Dhaqanka ee Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Aadan Xasan Aadan, Maxamed Ducaale oo ah Agaasimaha wadamada Carabta ugu Qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jabuuti iyo Jaamac Maxamed Xasan oo ah Guddoomiyaha Jaamacadda Jabuuti.
Saraakiil ka tirsan Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya ayaa qeyb ka ahaa soo dhoweynta Wafdiga reer Jabuuti oo maanta soo gaaray Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa leh xiriir walaalnimo oo soo jireen ah waxaana cilaaqaadkaasi uu soo socday muddo ku dhow nus qarni.
Imaatinka wafdiga Jabuuti oo ay horkacayso wasiirka Dhallinyarada, Hidaha iyo Dhaqanka Jabuuti Marwo Hibo Muumin Casaqe ayaa lagu wadaa in ay kulan la qaadato Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyadoo labada wasaaradood ee labada dal lagu wado in ay ka wadahadlaan iskaashiga iyo Horumarka xagga Iclaamka, Wacyigelinta iyo Dhaqanka.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
Previous Post

Safiir ku-xigeenka Safaaradda Soomaaliya ee Jabuuti oo la kulmay Safiirka Qatar ee dalka Jabuuti

Next Post

Japan oo agab difaac geyneysa Jasiirad u dhow Taiwan.

Next Post
Japan oo agab difaac geyneysa Jasiirad u dhow Taiwan.

Japan oo agab difaac geyneysa Jasiirad u dhow Taiwan.

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In