Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi ka socda Jamhuriyadda Jabuuti oo soo gaaray Muqdisho.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Wafdi ka socda Jamhuriyadda Jabuuti oo soo gaaray Muqdisho.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa soo dhoweeyay Xubnaha Wafdiga Reer Jabuuti oo maanta ka soo dagay Garoonka Aadan Cabdulle ee Caalmiga ah ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyay.
Wafdiga Dowladda Jabuuti ayaa waxaa horkacaya Wasiirka Dhalinyarada, Hidaha iyo Dhaqanka Jamhuuriyadda Dalka Jabuuti, Marwo Hibo Muumin Casawe oo ay ku wehlinayaan Safiirkii hore ee Soomaaliya u joogay magaalada Muqdisho ahna La taliyaha xagga Dhaqanka ee Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Aadan Xasan Aadan, Maxamed Ducaale oo ah Agaasimaha wadamada Carabta ugu Qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jabuuti iyo Jaamac Maxamed Xasan oo ah Guddoomiyaha Jaamacadda Jabuuti.
Saraakiil ka tirsan Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya ayaa qeyb ka ahaa soo dhoweynta Wafdiga reer Jabuuti oo maanta soo gaaray Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa leh xiriir walaalnimo oo soo jireen ah waxaana cilaaqaadkaasi uu soo socday muddo ku dhow nus qarni.
Imaatinka wafdiga Jabuuti oo ay horkacayso wasiirka Dhallinyarada, Hidaha iyo Dhaqanka Jabuuti Marwo Hibo Muumin Casaqe ayaa lagu wadaa in ay kulan la qaadato Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyadoo labada wasaaradood ee labada dal lagu wado in ay ka wadahadlaan iskaashiga iyo Horumarka xagga Iclaamka, Wacyigelinta iyo Dhaqanka.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
Previous Post

Safiir ku-xigeenka Safaaradda Soomaaliya ee Jabuuti oo la kulmay Safiirka Qatar ee dalka Jabuuti

Next Post

Japan oo agab difaac geyneysa Jasiirad u dhow Taiwan.

Next Post
Japan oo agab difaac geyneysa Jasiirad u dhow Taiwan.

Japan oo agab difaac geyneysa Jasiirad u dhow Taiwan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In