Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi Uu Hogaaminayo Danjire Jamaal oo Mombasa Ku Booqday Maxaabiis Ku Xukuman Burcad Badeednimo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wafdi Uu Hogaaminayo Danjire Jamaal oo Mombasa Ku Booqday Maxaabiis Ku Xukuman Burcad Badeednimo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdigan uu hogaaminayay danjiraha DFS u fadhiya dalkani Kenya Ambaasadoor Jamaal Maxamed Xasan ayaa booqasho waxa ay ku taageen xabsiga Shimo la tewa ee magaalada Mombaasa oo ay ku xiranyihiin ku dhowaad 100 maxaabiis Soomaali ah oo ku xukuman falal burcad badeednimo ah.

Xubnaha wafdiga ayaa waxaa kamid ah qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalkani Kenya mudane Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi), taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliay Generaal Bashiir Maxamed Jaamac “Bashiir Goobe”  taliyaha xabsiyada ee dalka Kenya, Isaya Osugo, wasiirka Cadaaladda ee maamulka Puntland Saalax Xabiib Jaamac, Agaasimaha la dagaallanka burcad badeeda ee maamulkaasi C/risaaq Ducaysane iyo xubno ka socday hay’adda Q.M midoobay u qaabilsan dambiyada ee magaceeda loo soo gaabiyo UNODC.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Dajire Jamaal ayaa maxaabiista ka dhagaystay warbixin la xiriirta xaaladda dhabta ah oo ay ku suganyihiin, waxaana Telefishinka Qaranka la hadlay qaar kamid ah maxaabiista la xukmay,iyagoo sheegay in ay dhibaatooyin badan ku haystaan xabsiga,islamarkaana ay jeclaan lahaayeen in ay xabsigooda ku dhameystaan dalkooda hooyo ee Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Genraal Bashiir Maxamed Jaamac iyo wasiirka cadaaladda ee maamulka Puntland Saalax Xabiib Jaamac oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa maxaabiista la xukmay la wadaagay sida ay uga xunyihiin dhibaatada ku haysata gudaha xabsiga,waxana ay sheegeen in ay kuy dadaali doonaan sidii mudada uga harsan xukunkooda ay ugu dhameysan lahaayeen dalkooda.

Safiirka DFS u fadhiya dalkani Amb. Jamaal Maxamed Xasan ayaa maxaabiista guddoonsiiyay deeq dhar ah oo ka koobneed Shaarar, macawiisyo iyo funaanado, kuwaasi oo uu ugu talo galay in ay uga qeyb galaan damaashaadka Ciidul Adxaa, waxaana uu u ballan qaaday in goor dhow uu arrintooda wax ka qaban doono.

Waa booqashadii u horreysay oo uu safiirka safaaradda Soomaaliya ee dalkani Kenya Amb. Jamaal Maxamed Xasan uu ku tago xabsiga Shimo La tewa ee magaalada Mombaasa, tan iyo markii loo magacaabay xilka safiirnimo.

 

Previous Post

Qoysas danyar ah oo deeq hilib ah loogu qaybiyay Cadaado+Sawirro

Next Post

Marwo Sahra Cumar Xasan:waxa uu Soomaalidu Horumarkeedu yahay in ay dhammaan isku tashadaan

Next Post
Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda dalka oo hambalyo u dirtay Haweenka Soomaaliyeed

Marwo Sahra Cumar Xasan:waxa uu Soomaalidu Horumarkeedu yahay in ay dhammaan isku tashadaan

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In