Thursday, April 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

War-Saxaafadeed: Ciidanka qaranka oo gacanta ku dhigay horjoogayaal ka tirsanaa Khawaarijta

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
3 years ago
in Wararka
0
Ciidamada Qaranka oo dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mogadishu, 19 December 2022: koox ka Tirsan Khawaarijta Shabaab kuwaas oo ka kooban Afar Xubnood uuna hogaaminayay Horjooge Maxamed Cali Xasan oo loo yaqaano Macalin Xudeyfa ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan Dowlad Goboleedka HirShabeelle.

Horjooge Macalin Xudeyfa ayaa horkacayay maleeshiyaadka Khawaarijta ee dhowaan lagu jebiyay dagaaladii ka dhacay Shabeelaha dhexe.

Related posts

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

April 9, 2026
Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

April 9, 2026

Dhinaca kale, Ciidamada Qaranka ayaa gacanta ku dhigay 8 ka tirsan Khawaarijta kuwaas oo isku dayay in ay isku qariyaan Dhulka hawdka ah ka dib Jabkii cuslaa ee Khawaarijtu ay kala kulantay Dagaalkii ay Ciidamada Qaranka iyo Shacabka Deegaanku kula galeen Hirshabeelle.

Maalin ka hor isla aaggaaas waxaa Ciidamada Qaranka isku soo dhiibay Siciid Raage oo Khawaarijta ugu magacawnaa nabadoon iyo mid ka mid ah Maleeshiyada Kooxda Khawaarijta ah.

Isisoo dhiibayaasha ayaa si wanaagsan ay usoo dhaweeyaan Ciidamada Qaranku waxaana ka go’an Dawladda Soomaaliya in ay daryeesho kuwa ka tanaasula Fikirka Khawaarijta iyo ficilladooda gurracan.

Dawladda Soomaaliya waxaa ka go’an in Cadaaladda la marsiiyo dhagarqabayaasha ku adkaysta kusii jirista Khawaarijta kuna dhiiranaada dhaqamadooda foosha xun

Dowladda oo Khawaarijta Al-Shabaab kula jirta Dagaal toos ah oo dalka looga saarayo iyo mid dhinaca dhaqaalaha ah ayaa waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta, si shacabka Soomaaliyeed ugu noolaadaan Nabad iyo Barwaaqo.
-Dhammad-

Previous Post

R/W Xamse oo Wasiirada Kalluumaysiga iyo Dekadaha ka guddoomay qorshe-howleedka sanadka cusub

Next Post

Madaxweynaha JFS oo sheegay in bishaan dalka lagu soo celinayo ciidanka tababarka u jira Eritrea

Next Post
Sawirro: Shir Muqdisho uga furmay madaxda DF iyo dowlad goboleedyada

Madaxweynaha JFS oo sheegay in bishaan dalka lagu soo celinayo ciidanka tababarka u jira Eritrea

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

April 9, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, Mudane Mohamed Osman Mohamed, ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga (Letters...

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

April 9, 2026
0

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qeyb galay...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

April 9, 2026
0

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista shidaalka Soomaaliya ee Çağrı Bey, kaas oo hore uga soo shiraacday...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, mudane Daud Aweis , iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cabdihakim...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In