Monday, July 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

War Saxafadeed Guddiga Xaquuqul Insaanka ah ee Soomaaliya ku aadan munaasabadda maalinta caalamiga ah ee xuska xaquuqul Insaanka.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
War Saxafadeed Guddiga Xaquuqul Insaanka ah ee Soomaaliya ku aadan munaasabadda maalinta caalamiga ah ee xuska xaquuqul Insaanka.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026

Maanta oo ay ku aadan tahay munaasabadda maalinta caalamiga ee xuska Xaquuqul Insaanka, ayaa Guddiga Xaquuqul Insaanka ee Soomaaliya , oo ka kooban Midowga Yurub , dalalka xubnaha ka ah , Norway , Switzerland iyo Maraykanka , waxay amaanayaan doorka Dowladda Federaalka ah ay ka qaadatay la shaqeynta Ururadda Caalamiga ah ee Xaquuqul Insanka , sida ka qayb -galka firfircoon ee barnaamijka Universal Periodic Review (UPR) loo yaqaano iyo sidoo kale marti gelinta Khabiirka Madaxabannaan ee Xaaladda Xuquuqda Insaanka ka jira Soomaaliya iyo Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Xuquuqda Aadanaha. Geedi socodka loo yaqaano UPR iyo ansixinta Qorshaha Xuquuqda Aadanaha waa guulo muhim u ah wax ka qabashada qaar ka mid ah caqabadaha ugu muhiimsan ee soo food saartay Soomaaliya

Halkudhega Sanadkan ee Maalinta Xuquuqda Aadanaha waa “Xuqquqdeena, Xoriyadeena”, wuxuu ina xasuusinaysa afarta xorriyaadood ugu muhiimsan Sharciga Caalamiga ah ee Xuquuqda oo kala aha: Xorriyadda hadalka , Xorriyadda cibaadada , Xoriyadda Baahida, iyo Xoriyadda cabsida. Xoriyadda cabsida ayaa ina xusuusinaya baahidda amni , xadgudubka sharciga iyo in ay dadku dareeman xuquuqdooda asaasiga ah.

In kasta oo guulo badan ay Soomaaliya ka gaadhay dhinaca nabadda iyo amniga , Dhimashada dadka rayidka mar walba uu hawlgal military jiro , ayaa ah mid walaac weyn keeneysa, Xayndaabka sharciga joogtada ah iyo dilka la banaystay, iyo xarigga dad rayid ah oo ay fuliyaan maxkamado milateri iyo weliba falalka xadgudubka galmada ayaan aad uga walaacsannahay. Guddiga Xaquuqul Insaanka ee Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada Soomaaliya ka howlgela oo ay ka mid yihin Ciidamada Milateriga ah ee Soomaaliya, AMISOM iyo ciidamada kale ee shisheeye inay qaadaan tallaabooyin wax ku ool ah si looga hortago xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada inta lagu jiro hawlgallada milateriga ah oo iminka ka socda Soomaaliya.

“Horumarka wanaagsan ee siyaasadeed laga gaaray Soomaaliya waa in mid la mid ah lala imaada oo xambaarsan go’anno adag sidii loo xoojin lahaa arrimaha xuquuqul insaanka. Tallaaboyinka la qaadi karo waxaa ka mid in la aqoonsado dambiyada kooxaha kala duwan gaystan iyo in la qaado talaabooyin lagu xoojinayo maamul wanaaga,” Sas waxaa yiri laba Guddoon ee Guddiga Xaquuqul Insaanka Soomaaliya, Mikael Lindvall, Safiirka Sweden ee Soomaaliya iyo Mette Knudsen, Safiirka Denmark ee Soomaaliya iyo Kenya.

Previous Post

Golaha Wasiirada oo Kulankoodii Maanta ku meel mariyay Nidaamka Siyaasadda Arrimaha Dibadda Soomaaliya” Dhagayso”

Next Post

Maalinta xuquuqul insaanka oo Muqdisho laga xusay-Sawirro

Next Post
Maalinta xuquuqul insaanka oo Muqdisho laga xusay-Sawirro

Maalinta xuquuqul insaanka oo Muqdisho laga xusay-Sawirro

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay duqeymo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta ee...

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026
0

Qaar ka mid ah gabdhaha saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulan dhiirigelin iyo hambalyo ah u sameeyay Caaliya Maxamed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

July 12, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya,...

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

July 12, 2026
0

Waxaa si rasmi ah u soo gebageboobay Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026, oo socday muddadii u dhexeysay 1-da Juun...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In