Sunday, August 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wararkii u dambeeyay COVID-19 ee Dunida

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
December 23, 2021
in Wararka
0
Wararkii u dambeeyay COVID-19 ee Dunida
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Labo daraasadood oo ka soo baxay dalka UK ayaa tilmaamay in nooca cusub ee Amicron oo cudurka corona ka tirsan uu ka sahlan yahay noocii isaga ka horeeyay ee Delta.

Saynisyahnada waxay caddeeyeen in natiijada xilli hore tahay balse hadda waxaa Amicron uu yahay waxay u baahan tahay baaritaan iyo qiimeyn kale ilaa iyo hadda waxaa la ogaaday in Amicron oo ka faafis badan yahay Delta sidoo kale waxaa la quudaraynayaa in tallaalka uu wax ka qaban doono Amicron inkastoo bukaanada uu soo ridday ay buux dhaafiyeen isbitaalada.

Related posts

Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Khawaarijta ka tirsanaa oo lagu soo qabtay dagaalkii Bariire

Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Khawaarijta ka tirsanaa oo lagu soo qabtay dagaalkii Bariire

August 10, 2025

Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay hubkii ugu badnaa ee Khawaarijta looga furtay dagaalkii Bariire

August 10, 2025

Daraasaddan oo shalay oo Arbaco aheyd daah laga rogay ayaa u muuqata in baaritaanada ay soo jeediyeen in halista Amicron ay ka yar tahay Delta, sida uu sheegay Manuel Ascano oo ka tirsan culimada sameysay cilmi baaristan.

Qiimeyn lagu sameeyay xarunta ka jawaabista COVID-19 ee UK Imperial College London ayaa lagu sheegay in tirada Amicron ee isbitaalada la geeyay ay ka yar tahay 20% marka loo eego intii uu ku dhacay Delta oo isbitaal ka jiifayay oo aheyd 40%.

Si kastaba, Agaasimaha guud ee hey’adda WHO Dr. Tedros Adhanom ayaa sheegay in caafimaad qabka dalalka in ay ku xiran tahay sida ay u isticmaalaan tallaalka isagoo ku booriyay in tallaalka la kordhiyo qaadashadiisa

South Korea ayaa laga soo wariyay in uu faro ba’an ku hayo cudurka COVID-19.

Hey’adda Kuuriyada Koofureed u qaabilsan xakameynta cudurada iyo ka hor taggooda ayaa sheegtay in khamiistan maanta ah laga diiwaan geliyay dalkaas 109 oo cudurka corana soo ritay, saraakiisha waxay ka digeen in Amicron uu si deg deg ah ugu faafayo dalkaas.

Todobaadyadii la soo dhaafay Kuuriyada Koofureed waxay la daalaa dhacayasay tirada dadka cudurka ku dhacayo oo sii kordhaysay ka dib markii horaanta bisha November ay dabciyeen xayiraadihii la soo roday kal hore.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in tirada bukaanada cudurka corona ee halista ku jira ay hadda marayso 1,083, iyadoo dadka laga heley cudurka ay guud ahaan gaarayaan 6,919 qof.

Inta badan dalka Kuuriyada Koofureed waxa nooca caronaha waa Delta.

Philippines waxay ansixisay in carruurta aad u yar yar la siin karo talaalka corana ee ay soo saartay shiradda Pfizer.

Hey’adda cuntada iyo dawooyinka wadanka Philippines ayaa ku dhawaaqday in carruurta la siin karo talaalka Covid-19 oo ay soo saartay shirkadda Pfizer.

Eric Domingo oo ah maamulaha hey’addan ayaa khamiistan maanta ah sheegay in dalka uu bilaabi doobo tallaalka corona ee carruurta da’dooda u dhexeyso shan jir ilaa 11 sano jir.

Qiyaastii 45 million oo reer Filipin ah ayaa qaatay tallaalka iyadoo tirada dadka wadankaas tahay  in ka badan 110 million.

Mareykanka ayaa  sharciyeeyay in kiniiniga shirkadda  Pfizer ee  COVID-19 loo soo saaray lagula tacaali karo feyraska Omicron

Dowladda Mareykanka ayaa go’aamisay in kiniiniga corona ee shirkadda Pfizer ay soo saartay la siin karo bukaanada uu soo ritay feyraska Amicron sida ay sheegtay hey’adda cuntada iyo dawooyinka Mareykanka ee loo soo gaabiyo FDA, talaabadan ayaana ka dambeysay markii la ogaaday in bukaanadii halista ku jirey ee la siiyay ku roonaadeen qiyaastii 88%.

Kiniiniga Paxlovid ayaa ka kooban labo nooc uu kiniini ah hey’adda FDA ayaana aaminsan in uu waxtar badan u leeyahay dadka halista ugu jira cudurka corona.

Isu duwaha arrimaha COVID-19 ee Aqal Cad Jeff Zients ayaa war fidiyeenka u sheegay in Mareykanka ku bixiyay $5.3bn sidii loo soo saari lahaa dawooyinka cudurkan sida uu qorshuhu yahay qeybta ugu horeysa waxaa ay dad weynaha la gaarsiin doonaa bisha Janaayo ee sanadka cusub.

Ku dhowaad 150,000 oo Amerikaaan ayaa maalin kasta cudurka ku dhacaa iyadoo 7,800 oo dadkaas kamid ah la seexiyo isbitaal halka 1,200 oo ayaga kamid ah u dhintaan xanuunka, sida laga soo xigtay hey’adda xakameynta cudurada faafa oo CDC loo yaqaano ee dalkaas.

Agaasimaha CDC Rochelle Walensky ayaa warbaahinta u sheegtay in kiisaska Mareykanka laga diiwaan geliyay ee feyruska Amicron ay gaarayaan 90%.

Dhinaca kale, madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa soo dhaweeyay talaabada lagu ansixiyay isticmaalka kiniiniga loo soo saaray in lagu daweeyo bukaanada cudurka COVID-19.

Scotland waxay diiwaan gelisay tiro yar oo COVID-19 ah oo qaba feyraska Omicron

Gobolka Scotland oo ka tirsan boqortooyada UK, ayaa lagu soo waramayaa in kiisas yar oo  fayraska Omicron ah laga heley marka loo eego fayraskii hore ee Delta.

Tiro koobyada ku saabsan fayraskan ayaa lagu ogaaday in meelaha uu ku badan yahay ay yihiin dalalka England iyo Koofur Afrika.

Cilmi baariyaasha jaamacadda Edinburgh ee UK ayaa dabagalay, ku dhowaad 152,500 oo bukaan oo laga heley COVID-19, oo ay ku jiraan 22,205 oo haleeley fayraska cusub ee Omicron. Kala bar tirada Amicron ku dhacay waxay da’dooda ka hooseysay 40 sano jir.

Bukaanada fayraska Omicron oo isbitaal u baahday ayaa noqotay 68% taas oo ka hooseysay filashada cilmi baariyaasha oo tixraacayay.

Previous Post

Madaxweynaha oo xalay la kulmay maamulka gobolka Banaadir iyo laamaha ammaanka gobolka +Swirro

Next Post

Biyo dhaamin loo sameeyay dad abaari ku heshay Galmudug +Sawirro

Next Post
Biyo dhaamin loo sameeyay dad abaari ku heshay Galmudug +Sawirro

Biyo dhaamin loo sameeyay dad abaari ku heshay Galmudug +Sawirro

Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Khawaarijta ka tirsanaa oo lagu soo qabtay dagaalkii Bariire

Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Khawaarijta ka tirsanaa oo lagu soo qabtay dagaalkii Bariire

August 10, 2025
0

Weriye Zakariye Qaasim Bagax oo ku sugan Bariire ayaa la kulmay labo ka mid ah maxaabiista dagaalka ee Khawaarijta looga...

Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay hubkii ugu badnaa ee Khawaarijta looga furtay dagaalkii Bariire

August 10, 2025
0

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay ay warbaahinta la wadaagtay, hubkii ugu badnaa ee Khawaarijta looga furtay, hawlgalkii gobolka Shabeellada Hoose ee...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray dalka Algeria

August 10, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, oo ay wehliyaan wufuud sare...

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo kormeeray deegaanka Bariire

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo kormeeray deegaanka Bariire

August 9, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay deegaanka istiraatiijiga ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In