Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Warbixin: Dowladda iyo Xorriyadda Saxaafadda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
Warbixin: Dowladda iyo Xorriyadda Saxaafadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Amnesty International waa hay’ad caalami ah oo sumcad wanaagsan ku leh adduunka iyo arrimaha xuquuqul insaanka, laakiin waxaan rabaa in aan sheego in  warbixinta ay soo saartay ee la xiriirta saxaafadda Soomaaliya, ay tahay mid aan isu dheelli tirneyn oo ay ku jiraan xogo badan oo aan sugneyn iyo kuwo qabyo ah.

Tusaale ahaan hay’addu intii ay warbixinta diyaarineysay waxba nagama weydiin, sidoo kale ma jirin dad iyaga ka socda oo noo yimid ama wax naga weydiiyay xaaladda saxaafadda dalka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

January 25, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026

Sidoo kale lama aysan kulmin hay’adaha kale ee dowladeed ee arrintu khuseyso.

Sida isla warbixinta ku cad, waxaa diyaariyay dad aan dalkaba joogin, taas oo wax u dhimeysa sugnaanta macluumaadka iyo fahamka dhabta ah ee xaqiiqada jirta.

Maalmo ka hor ayay noo soo direen template su’aalo diyaarsan ah, jawaabihii aan siinneyna aad ugama muuqdaan warbixinta.

Dowladda Soomaaliya waxa ay xurmad u haysaa oo dhowreysaa xorriyadda Saxaafadda iyo xorriyadda hadalka guud ahaan.

  • Ma jirto cago jugleyn iyo ciriiri gelin lagu hayo saxaafadda iyo saxafiyiinta.
  • Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ma jiro wariye u xiran, ama makamadeyntiisu socoto ama maxkamadi doondooneyso.
  • Waxaa jiray askar si xun ula dhaqmay saxafiyiin tallaabo laga qaaday lana xiray.
  • Ma jirto xog helis laga hor joogsday saxaafadda, waxaase jirta in xilliyada qaar la xaddido galista goobaha ay qaraxyadu ka dhacaan, taas oo loogu daneynayo wariyeyaasha iyo dadka rayidka ah inta laga hubinayo in aan khatar kale ka jirin goobta.
  • Marar badan waxaa dhacda in qarax labaad ka dhaco goobta, taas oo ay wariyeyaal iyo dad kaleba wax ku gaaraan, waxay horay uga dhacday Hoteel Saxafi, Dayax, Hooyooyinka, Jazeera iyo goobo kale oo mararka qaar wariyeyaal wax ku noqdeen.
  • Nasiiba darro wariyeyaasha qaar ayaa goobaha qaraxyada taga oo si toos ah (live) ugu soo tabiyay dad gubanaya, kuwo dhiig baxaya iyo maydad dhulka waran, taas oo ka soo horjeedda qawaaniinta caalamiga ah iyo anshaxa saxaafadda.
  • Dowladdu waxay ku dhaqantaa sharci, dastuurkeenna iyo shuruucda kale ee dalka ayaa damaanad qaadaya xorriyadda hadalka.
  • Ma ogin facebookyo dad laga xiray, dowladduna ma oggola arrintaas oo ah sheegasho aan caddeyn loo hayn.

W/D: Hon. ADAM ISAK ALI

#NabadiyoNolol.

#SoomaaliyadaCusub.

Previous Post

Wasiir Beyle oo sharaxay waddada loo marayo deyn cafinta Soomaaliya

Next Post

Cutubyo ka tirsan Kumaandooska Xoogga Dalka ee Gorgor oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Cutubyo ka tirsan Kumaandooska Xoogga Dalka ee Gorgor oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho “SAWIRRO”

Cutubyo ka tirsan Kumaandooska Xoogga Dalka ee Gorgor oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

January 25, 2026
0

  RADIO MUQDISHO:-Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLADA HOOSE):-Ciidamada Xoogga Dalka oo sii wada howlgallada lagu baacsanayo maleeshiyada Khawaarijta ayaa dilay horjooge lagu magacaabo Timaweyne, ka...

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
0

Bannaan bax looga soo horjeedo faragelinta Isra’iil ay ku sameysay dalkeenna ayaa ka dhacay degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir. Bannaan...

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026
0

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa toddobaadkan mar kale muujiyay kaalintooda beni’aadannimo, kaddib markii ay biyo-dhaamin degdeg ah u sameeyeen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In