Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warbixin:- Maleeshiyaadka Al-shabaab oo cabsi soo wajahday

caqiil by caqiil
December 17, 2017
in Wararka
0
Warbixin:- Maleeshiyaadka Al-shabaab oo cabsi soo wajahday
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Khilaaf aad u xoogan ayaa soo kala dhex galay Horjoogayaasha ugu sareeya Argagaxisada Al shabaab, taasoo sababtay in Horjoogaha ugu sarreeya Nabad diidka Axmed Diiriye uu u baxsado Gobalka Gedo, sida uu ku waramayo Taliyaha Qeybta 43 Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya General Ismaaciil Saxardiid, islmarkaana waxa uu Wakaalada SONNA u sheegay in Horjooge Axmed Diiriye oo ugu sareeya Maleeshiyada Jid iyo Jiha diidka ee Al shabaab ay isku dhaceen Horjooge la yiraahdo Fiidow oo inta badan Argagaxisada u qaabilsan Koonfurta Soomaaliya.

Horjooge Fiidow ayaa ka mid ah kuwa ugu sareeya Aragagaxisada Al shabaab, waana shaqsiyada ay ka go’do talada kooxda marka laga soo tago Axmed Diiriye oo ah Horjoogaha kooxda,Fiidow waa shaqsi Galaagal xoog badan ku dhex leh Al shabaab, taasoo keentay inuu Axmed Diiriye Gobalka uu muddooyin badan ku noolaa ka cararo.

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

Taliyaha ayaa sheegay in ay heleen xogo ku aadan sababaha keenay Khilaafka Horjoogayaasha Al shabaab, waxaana ka mid ah, ka dib markii ay kordheen Hawgalada Dhulka iyo Cirka oo ciidamada xoogga dalka iyo Saaxibada Beesha Caalamka ay ku ciribtirayaan Maleeshiyada Al shabaab waxaa soo kala dhex galay kala shaki ah dhexdooda ah.

Ka dib markii uu dhacay Qaraxii Isgoyska Soobe 14-kii bishii Octoober ee sanadkan waxaa dagaalka guud ahaan dalka looga saarayo Argagaxisada Al shabaab ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, walwal iyo cabsi xoogan oo soo wajahday Maleeshiyada ayaa sidoo kale sababay Khilaafkooda oo gaaray heerkii ugu xumaa, waxaana ay isku mari la’yihiin deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan oo qaarkood ay cabsi ka qabaan in ay is shirqoolaan waana wax lagu yaqaano Maleeshiyada inay is dilaan.

Shacabka Soomaaliyeed oo fahmay Ujeedada guracan ee Nabad diidka Al shabaab ayaa sidoo kale walwal xoogan ku abuuray horjoogayaasha Argagaxisada, iyagoo ka walwalaya halkii ku noolaan lahaayeen maadaama shacabka ay u soo gudbinayaan Ciidamada Xoogga dalka macluumaad ku saabsan qorshaha ay maleegayaan iyo meelaha ay doonayaan inay u baxsadaan Al shabaab oo gabalkooda uu sii dhacayo.

Taliye ayaa dhinaca kale sheegay in waayihii ugu dambeeyay uu jiray khilaafkan wuxuuna kaliya ku koobnaa Awooda iyo Dhaqaalaha, iyadoo Horjoogayaasha Al shabaab ay isku fahmi waayeen sida loo maareynayo dhaqaalaha baada ah oo shacabka ay ka qaadaan iyo cida looga dambeynayo Talada guracan ee Nabad diidka oo sii daciifeysa, waxaana Horjooge Fiidow iyo Rag kale oo Maleeshiyada galaangal ku leh ku jira damac ah inay talada kala wareegaan Axmed Diiriye.

Wararka kale ee la helayo ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab ay ka qaxeen deegaano ka tirsan Gobolada Jubbooyinka iyo Shabeellaha Hoose, taasina waxaa caddeynaya
Jenaaral Max’ed Axmed Tareetisho oo kamid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Hiiraan, isagoo sheegay in ay ka war-hayaan firxadka Maleeshiyadka argagixiisada ah ee Al-shabaab ee ka so caraaraya Deegaanada Shabeelada hoose, Gado, Jubada Dhexe iyo Jubada hoose, kuwaasi oo doonaya in ay ku dhumaaleystaan deegaanada hoostaga Gobolada Hiiraan, Mudug iyo Galgaaduud, balse ay u diyaarsan yihiin Ciidanka Xoogga dalka sidii ay uga hor istaagi lahaayeen argagixisada dhibaateyneysa Shacabka,islamarkaana ay garab istaagi doonaan, ugu dambeyntiina waxa uu ugu baaqay Dowladda Soomaaliya iney ku taageerto sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa haraadiga Kooxda Argagixisada Al-Shabaab oo hadda bilaabay inay firxadaan.

Dhanka kale,dad shacab ah oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in deegaano ay ku sugan yihiin ku arkeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo ka baxsanaya ggoobihii ay ku sugnaayeen, waayo waxaa la soo gudboonaaday cabsi iyo wel wel joogta ah, waxauyna meelahaasi ka urursanayeen hubkooda iyo wixii ka yiillay halkaasi.

Firxadka Horjoogayaasha Shabaab ayaa bilaabatay inay ka cararaan goobihii ay kaga dhuumaleysanayeen Gobolada Koonfurta,kadib markii ay dareemeen culeys kaga yimid Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibadooda, sida ay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ay u xaqiijiyeen dad shacab ah oo ku kala sugan deegaano kala duwan.

Wararkii ugu dambeeyay ee la helayo ayaa sheegaya in Deegaanka Abal ee hoostaga Degmada Xudur ee Gobolka Bakool uu dhawaan dagaal qaraare ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya, dagaalkaasi ayaa waxaa ka dambeeyey kadib markii ciidamada daacadda u ah Abuu-mansuur ay duulaan ku qaadeen deegaano ku dhow Abal oo hoostaga magaalada Xudur,iyagoo ka warhelay xogo la xiriira in halkaasi ay ku sugan yihiin maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda oo ku sugan Gobolka Bokool ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in dagaalkaasi Al-shabaab looga dilay ilaa 7 maleeshiyo ah,halka kuwo kalena ay dhaawacmeen,sidoo kale qaar oo nolosha lagu soo qabtay, iyadoo Mukhtaar Roobow Abuu mansuur uu muddooyinkan waday abaabul iyo qorshayaal dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana uu dhowaan tagay magaalooyinka Baydhabo, Xudur iyo Kismaayo.

Wararka kale ee laga helayo Gobolka Bakool Magaaladiisa Xudur ayaa sheegaya in Mukhtaar Roobow Abuumansuur oo shalay gelinkii dambe gaarey magaalada Xudur ee Xaraunta Gobolka Bokool, isagoo kulamo la qaadanaya mas’uuliyiin iyo saraakiil,kuwaasi oo looga hadlayo xoojinta abaabulada dagaal ee ka dhanka ah maleeshiyada Shabaab.
Sida uu ku soo waramayo wariyaheena Gobolkaasi Bokool Maxamed Xasan C/raxmaan,waxaa la dareemayaa abaabul dagaal oo xoogan oo ka dhan ah Shabaab,waxaana barbar socda wada tashiyo ku aadan sidii looga wada qeyb qaadan lahaa in cadowga laga xoreeyo deegaanadaasi.

Haddaba Maleeshiyaadka waxaa hadda soo wajahay cabdi iyo wel wel badan, kaaso kaga imanaya Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Saaxiibadood oo ka taageeraya dhinaca Cirka, waxaana la filaya in la joogo dhamaadkooda iyo baaaba’ooda.

W.D. C/laahi Ruush

Previous Post

Mukhtaar Roobow oo Abaabul Dagaal kana dhan ah Al Shabaab ka wada G/Bokool

Next Post

Shirweynaha Qaran ee Dhalinyarada Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho

Next Post
Shirweynaha Qaran ee Dhalinyarada Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Dhalinyarada Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In