Tuesday, September 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirweynaha Qaran ee Dhalinyarada Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Shirweynaha Qaran ee Dhalinyarada Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay Shirweynaha Qaran ee siyaasadda dhalinyarada Soomaaliyeed,kaasi oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka iyo dibadiisa,madaxda Dowladda,ururada bulshada Rayidka iyo marti sharaf kale.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo guddoomiyay Shirka Wasiirrada Warfaafinta Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Wasiirka Warfaafinta XFS oo guddoomiyay Shirka Wasiirrada Warfaafinta Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

September 8, 2026
Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer ku tegay Isbitaalka Rajab Tayib Erdoğan

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer ku tegay Isbitaalka Rajab Tayib Erdoğan

September 8, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kamid ah masuuliyiinta dowladda ee shirkaasi ka qeyb galay, iyadoo ay goog ahaayeen Wasiirka wasaaradda Dhalinyarada iyo masuuliyiin kalei.

Maalmihii ugu dambeeyey Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray dhalinyaro badan oo ka yimid qurbaha iyo gobolada dalka,kuwaasi oo isku diyaarinayay in ay ka qeybgalaan shirkaan looga hadlayo mustaqbalka Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Shirka ayaa inta uu socda qodobada looga hadlayo waxaa ka mid ah siyaasada dhalinyarada ee dhawaan ay ansixiyeen xubnaha Golaha Wasiirada,iyadoo talooyin iyo afkaaro ku aadan siyaasadaasi la isku dhaafsan doono

Sidoo kale shirka waxaa loogu hadlayaa sidii loo mideyn lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa dowr muhiim ah ku leh horumarka dalka,maadaama dalka 70% boqolkiiba uu yahay Dhalinyaro,waxaana tani ay dhiirogelinaysaa rajada dhalinyaradu ay ka qabaan in laga talo geliyo arrimaha dalka.

Previous Post

Warbixin:- Maleeshiyaadka Al-shabaab oo cabsi soo wajahday

Next Post

Madaxa Hay’adda Qaxootiga Aduunka ee UNHCR oo Muqdisho soo gaaray

Next Post
Madaxa Hay’adda Qaxootiga Aduunka ee UNHCR oo Muqdisho soo gaaray

Madaxa Hay'adda Qaxootiga Aduunka ee UNHCR oo Muqdisho soo gaaray

Wasiirka Warfaafinta XFS oo guddoomiyay Shirka Wasiirrada Warfaafinta Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Wasiirka Warfaafinta XFS oo guddoomiyay Shirka Wasiirrada Warfaafinta Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

September 8, 2026
0

Muqdisho, 8 Sebtembar 2026: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta guddoomiyay Shirka...

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer ku tegay Isbitaalka Rajab Tayib Erdoğan

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer ku tegay Isbitaalka Rajab Tayib Erdoğan

September 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer ku tagay Isbitaalka Raji dayib Erdoğan, oo hore loogu...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Tacsi Tiiraanyo leh u diray Madaxweynaha dalka Tanzania

September 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania...

Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

September 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa Dowladda Soomaaliyeed ku metelay Kalfadhiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In