Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

WARBIXIN:- Maxaa ka Haray Magaalada Mowsil?

caqiil by caqiil
9 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
WARBIXIN:- Maxaa ka Haray Magaalada Mowsil?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
Burburka baahsan ee Magaalada Mowsil waa xaqiiq jirta oo uu reebay dagaalka u dhexeeya Ciidamada Ciraaq oo gacan ka helaya Ciidanka cirka Mareykanka iyo kooxda la magac baxday dowladda islaamiga ee Daacish.

Dagaalka ka dhanka ah Ururka Argagixisada ee Daacish waxa uu dhibaateeyay gabi ahaan Muuqaalkii Qurxoonaa ee magaalada, sidoo kale waxaa ku dhintay Kumanaan Qof iyada oo inta nolol ku hartayna ay Qaxeen.

Su’aasha taalo ayaa ah intee ayuu la’egyahay Burburka ay dagaaladaasi reebeen?. Maxaase ka danbeeya?

Dagaalo qaatay saggaal billood ka dib, dadka ku nool Mowsil waxa ay wajahayaan haatan Xaalad bini’aadamnimo oo adag, dhimashadana waxaa lagu qiyaasayaa Kumanaan qof, dadka guryahooda ka tagay bilowgii dagaalka ee Oktoobar waxa ay tiradoodu gaaraysaa Hal Milyan oo qof.

Dagmooyin ayaa baaba’ay, dhismayaashiina dhulka ayaa lala simay,dadkii ku dhintay duqeymaha qaarkood ayaa wali Guryaha hoostooda ku jira, Miinooyin aanan wali qarxina waxa ay ku duuganyihiin wadooyinka oo idil.

Burbur Baahsan ayaa Magaaladii hore haleelay.

Mowsil (Magaaladii Labaad ee Ciraaq ku faani jirtay) oo Gacanta u gashay Daacish ayaa noqotay dambas badankeed, dagaalka Mowsil ayaana lagu tilmaamaa in uu yahay dagaalkii ugu weynaa Tan iyo Dagaalkii labaad ee aduunka.

Kala bar Xaafadaha gaar ahaan dhanka Galbeed ee qaybta 54aad ee Magaalada ayaa burbur weyn gaaray, iyadoo Qaramada Midoobe ay ku tilmaamtay in 15 Degmo ay si aad ah u burbutay, taasoo macnaheedu yahay in aanan la dagi Karin magaalada, halka 23 degmo ay ku tilmaamtay in burburkeedu dhex dhexaad yahay, oo macnaheedu yahay in kala bar Guryaha xaafadahaasi ay burbureen, sidoo kale 16 degmo ayaa burburkooda fududyahay.

Waxaa la aaminsanyahay in burburku uu ka weynyahay sida ka muuqato sawirada uu Saterleytka Qaramada Midoobe qaaday kaas oo burburka ku qiyaasay in 10kun oo dhismo gabi ahaanba burbureen, in kastoo ay jiraan dhismoyaal burburay kuwaas oo aanu dayax Gacmeedku sheegi Karin.

Qaramada Midoobe waxa ay ku qiyaaseysaa dhismayaasha Burburay 32kun oo dhisme.

Waxa ay leedahay isku Xiraha qaramada Midoobe ee arimaha insaanka dalka Ciraaq in goobaha burburay ay u baahanyihiin waqti badan si loogu soo celiyo noloshii caadiga aheyd “ in la soo celiyo dhismayaashii Magaalada iyo in dadkii ka qaxay dib loo soo celiyo waxa ay noqonaysaa Taxadi adag”, sidoo kale waxa ay sheegtay in dhaqaale dhan Halmilyaar oo Doolarka Mareykanka ah ay qaadan doonto.

Dadka ka Qaxay dagaalada.

Inkastoo Magaaladii oo idil ay burbrutay haddana waxaa Musiibada ugu weyn  ee Reer Mowsil haysata ay Noqonaysaa in aanan ilaa hadda la garaneyn Tirada dhabta ah ee dhimatay.

“Tiro koobkii ugu danbeeyay ee Qaramada Midoobe ayaa sheegaya in dadka dhintay tiradoodu tahay 2463 Qof halka Hay”add kalena ay sheegayso in tirada ay dileen weeraradii cirka kaliya ay gaarayaan 5805, Sidoo kale sirdoonka Kurdiyiinta ayaa sheegay in 40kun oo Qof ay dagaaladaasi ku naf waayeen”

Wali waxaa socda baaritaan ku aadan dadka ku dhintay dagaalka Magaalada mowsil, sida qaramada midoobe ay sheegtayna waxaa Magaalada ka qaxay Hal milyan oo qof oo Macnaheedu yahay Kala bar intii daganayd Magaaladaas.

Kala bar dadka Qaxay ayaa lagu sheegay in ay Caruur u badnaayeen, halka ku dhawaad 700kun oo qof ay yihiin dadkii daganaa daanta Galbeed ee Mowsil waana qaybta uu aadka u saameeyay dagaalkan,  iyadoo la sheego in ay noqonayso qixii ugu badnaa ee dhaca dhawaanahan.

Bilowgii Bishan waxaa la sheegay in 800kun oo qof ay yihiin kuwo aanan heysan meel ay dagaan, sida ay xaqiijisay Hay”adda Qaxootiga Caalamiga.

Haatan dadka Reer Mowsil ayaa kusoo laabtay Magaalada iyadoo qaarkood ay u kiraysan yihiin Guryo halka qaarka kalena ay la daganyihiin saaxiibadood ama qaraabadooda, Sidoo kale 440 kun oo Qof ayaa ku nool Xeryaha Qaxootiga

Hay’addo badan ayaa walaac ka Muujinaya in dadka deegaanka ay ku soo laaban waayaan Guryahooda cabsi ay ka qabaan Weeraro aargudasho ah in ay dhacaan, sidoo kale in badan oo dadkaasi ka mid ah ayaanan heysan Nolol Maalmeedkooda ama meelo ay seexdaan maadaama Hantidoodi Burburtay

Dhanka kale Ergayga gaarka ee Golaha amaanka ayaa ka digay in haddii la waayo howlo dib u heshiisiin oo laga sameeyo deegaankaas ay dhici karto Qalalaaso daran.

Ma jirto wax dib u soo celin dhismayaashii hore ah oo bilowday marka laga reebo Howlo ay Fuliso Qaramada midoobe kuwaasi oo ay ugu talagashay dib usoo celinta Meelaha muhiimka ah, Sida isbitaalada iyo iskuulada.

Waxa uu leeyahay Ibraahiim Mustafa oo ah dadka daganaa Magaalada haddana qeyb ka ah dad sameynayo olole looga leexinayo dhagaxaanta Dagmada Zuhuur “ Halkan wax walbo waan waynay, Guryaheenii, Bakhaaradeenii iyo wax walba oo aan lahayn balse maanan waayin Nafteenii. Dadka Magaaladana waxa ay ku hawlanyihiin sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen Bilicda Magaaladooda”.

Xuquuqda Qoraalka: BBC ARABIC

Tarjumaad: Maxamed Cabdiqaadir Axmed “Socdaal”

Previous Post

Agaasimaha SONNA iyo danjiraha China ee Soomaaliya oo kulmay

Next Post

Guddoomiye Jawaari oo la kulmay Soomaalida ku nool Capetown K.Arika

Next Post
Guddoomiye Jawaari oo la kulmay Soomaalida ku nool Capetown K.Arika

Guddoomiye Jawaari oo la kulmay Soomaalida ku nool Capetown K.Arika

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In