Monday, June 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

WARBIXIN:- Maxaa ka Haray Magaalada Mowsil?

caqiil by caqiil
August 14, 2017
in Maqaallo, Wararka
0
WARBIXIN:- Maxaa ka Haray Magaalada Mowsil?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

June 23, 2025
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

June 23, 2025
Burburka baahsan ee Magaalada Mowsil waa xaqiiq jirta oo uu reebay dagaalka u dhexeeya Ciidamada Ciraaq oo gacan ka helaya Ciidanka cirka Mareykanka iyo kooxda la magac baxday dowladda islaamiga ee Daacish.

Dagaalka ka dhanka ah Ururka Argagixisada ee Daacish waxa uu dhibaateeyay gabi ahaan Muuqaalkii Qurxoonaa ee magaalada, sidoo kale waxaa ku dhintay Kumanaan Qof iyada oo inta nolol ku hartayna ay Qaxeen.

Su’aasha taalo ayaa ah intee ayuu la’egyahay Burburka ay dagaaladaasi reebeen?. Maxaase ka danbeeya?

Dagaalo qaatay saggaal billood ka dib, dadka ku nool Mowsil waxa ay wajahayaan haatan Xaalad bini’aadamnimo oo adag, dhimashadana waxaa lagu qiyaasayaa Kumanaan qof, dadka guryahooda ka tagay bilowgii dagaalka ee Oktoobar waxa ay tiradoodu gaaraysaa Hal Milyan oo qof.

Dagmooyin ayaa baaba’ay, dhismayaashiina dhulka ayaa lala simay,dadkii ku dhintay duqeymaha qaarkood ayaa wali Guryaha hoostooda ku jira, Miinooyin aanan wali qarxina waxa ay ku duuganyihiin wadooyinka oo idil.

Burbur Baahsan ayaa Magaaladii hore haleelay.

Mowsil (Magaaladii Labaad ee Ciraaq ku faani jirtay) oo Gacanta u gashay Daacish ayaa noqotay dambas badankeed, dagaalka Mowsil ayaana lagu tilmaamaa in uu yahay dagaalkii ugu weynaa Tan iyo Dagaalkii labaad ee aduunka.

Kala bar Xaafadaha gaar ahaan dhanka Galbeed ee qaybta 54aad ee Magaalada ayaa burbur weyn gaaray, iyadoo Qaramada Midoobe ay ku tilmaamtay in 15 Degmo ay si aad ah u burbutay, taasoo macnaheedu yahay in aanan la dagi Karin magaalada, halka 23 degmo ay ku tilmaamtay in burburkeedu dhex dhexaad yahay, oo macnaheedu yahay in kala bar Guryaha xaafadahaasi ay burbureen, sidoo kale 16 degmo ayaa burburkooda fududyahay.

Waxaa la aaminsanyahay in burburku uu ka weynyahay sida ka muuqato sawirada uu Saterleytka Qaramada Midoobe qaaday kaas oo burburka ku qiyaasay in 10kun oo dhismo gabi ahaanba burbureen, in kastoo ay jiraan dhismoyaal burburay kuwaas oo aanu dayax Gacmeedku sheegi Karin.

Qaramada Midoobe waxa ay ku qiyaaseysaa dhismayaasha Burburay 32kun oo dhisme.

Waxa ay leedahay isku Xiraha qaramada Midoobe ee arimaha insaanka dalka Ciraaq in goobaha burburay ay u baahanyihiin waqti badan si loogu soo celiyo noloshii caadiga aheyd “ in la soo celiyo dhismayaashii Magaalada iyo in dadkii ka qaxay dib loo soo celiyo waxa ay noqonaysaa Taxadi adag”, sidoo kale waxa ay sheegtay in dhaqaale dhan Halmilyaar oo Doolarka Mareykanka ah ay qaadan doonto.

Dadka ka Qaxay dagaalada.

Inkastoo Magaaladii oo idil ay burbrutay haddana waxaa Musiibada ugu weyn  ee Reer Mowsil haysata ay Noqonaysaa in aanan ilaa hadda la garaneyn Tirada dhabta ah ee dhimatay.

“Tiro koobkii ugu danbeeyay ee Qaramada Midoobe ayaa sheegaya in dadka dhintay tiradoodu tahay 2463 Qof halka Hay”add kalena ay sheegayso in tirada ay dileen weeraradii cirka kaliya ay gaarayaan 5805, Sidoo kale sirdoonka Kurdiyiinta ayaa sheegay in 40kun oo Qof ay dagaaladaasi ku naf waayeen”

Wali waxaa socda baaritaan ku aadan dadka ku dhintay dagaalka Magaalada mowsil, sida qaramada midoobe ay sheegtayna waxaa Magaalada ka qaxay Hal milyan oo qof oo Macnaheedu yahay Kala bar intii daganayd Magaaladaas.

Kala bar dadka Qaxay ayaa lagu sheegay in ay Caruur u badnaayeen, halka ku dhawaad 700kun oo qof ay yihiin dadkii daganaa daanta Galbeed ee Mowsil waana qaybta uu aadka u saameeyay dagaalkan,  iyadoo la sheego in ay noqonayso qixii ugu badnaa ee dhaca dhawaanahan.

Bilowgii Bishan waxaa la sheegay in 800kun oo qof ay yihiin kuwo aanan heysan meel ay dagaan, sida ay xaqiijisay Hay”adda Qaxootiga Caalamiga.

Haatan dadka Reer Mowsil ayaa kusoo laabtay Magaalada iyadoo qaarkood ay u kiraysan yihiin Guryo halka qaarka kalena ay la daganyihiin saaxiibadood ama qaraabadooda, Sidoo kale 440 kun oo Qof ayaa ku nool Xeryaha Qaxootiga

Hay’addo badan ayaa walaac ka Muujinaya in dadka deegaanka ay ku soo laaban waayaan Guryahooda cabsi ay ka qabaan Weeraro aargudasho ah in ay dhacaan, sidoo kale in badan oo dadkaasi ka mid ah ayaanan heysan Nolol Maalmeedkooda ama meelo ay seexdaan maadaama Hantidoodi Burburtay

Dhanka kale Ergayga gaarka ee Golaha amaanka ayaa ka digay in haddii la waayo howlo dib u heshiisiin oo laga sameeyo deegaankaas ay dhici karto Qalalaaso daran.

Ma jirto wax dib u soo celin dhismayaashii hore ah oo bilowday marka laga reebo Howlo ay Fuliso Qaramada midoobe kuwaasi oo ay ugu talagashay dib usoo celinta Meelaha muhiimka ah, Sida isbitaalada iyo iskuulada.

Waxa uu leeyahay Ibraahiim Mustafa oo ah dadka daganaa Magaalada haddana qeyb ka ah dad sameynayo olole looga leexinayo dhagaxaanta Dagmada Zuhuur “ Halkan wax walbo waan waynay, Guryaheenii, Bakhaaradeenii iyo wax walba oo aan lahayn balse maanan waayin Nafteenii. Dadka Magaaladana waxa ay ku hawlanyihiin sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen Bilicda Magaaladooda”.

Xuquuqda Qoraalka: BBC ARABIC

Tarjumaad: Maxamed Cabdiqaadir Axmed “Socdaal”

Previous Post

Agaasimaha SONNA iyo danjiraha China ee Soomaaliya oo kulmay

Next Post

Guddoomiye Jawaari oo la kulmay Soomaalida ku nool Capetown K.Arika

Next Post
Guddoomiye Jawaari oo la kulmay Soomaalida ku nool Capetown K.Arika

Guddoomiye Jawaari oo la kulmay Soomaalida ku nool Capetown K.Arika

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

June 23, 2025
0

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Maleeshiyaadka Khawaarijta   Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waaberigii...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

June 23, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda XFS Yuusuf Maxamed Aadan oo loogu soo dhaweeyay garoonka diyaarada magaalada Algeris ee Caasimada...

Wararka 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: “𝐒𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚𝐠𝐚𝐥 𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐧 𝐝𝐢𝐛 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐚𝐛𝐭𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐝𝐚𝐝𝐛𝐚𝐧”

Wararka 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: “𝐒𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚𝐠𝐚𝐥 𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐧 𝐝𝐢𝐛 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐚𝐛𝐭𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐝𝐚𝐝𝐛𝐚𝐧”

June 23, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo caawa xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, kaga qeyb-galay munaasabad casho...

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

June 22, 2025
0

RADIO MUQDHISHO:  Guutada 9aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo lagu burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta ka sameeyay deegaanno...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In