Thursday, July 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Warbixin:- Xuska 26-ka June.!! WQ Sharmake Abukar Amin

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
Warbixin:- Xuska 26-ka June.!! WQ Sharmake Abukar Amin
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

26 june Soomaalida Dunida ku nool oo dhan waxa ay u tahay ama ay u arkaan iftiin Shidmay xili gudcur badan uu jiray loona baahnaa ama Neecaaw qaboow oo soo martay halmar dad kuleel badan dareemayay.

Dadka Soomaaliyeed ee degan Gobolada waqooyi ee Jamhuuriyada Soomaaliya oo gumeyste Ingiriis ah gacanta ugu jiray ayaa maalin Axad ah 26 june sanadkii 1960 waxa ay madax banaanida ka qaateen Ingiriis oo in mudo ah u talinayay.

Related posts

𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ¬π’π’π«π«πšππš 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐒𝐱𝐒𝐲𝐞𝐲 𝐝𝐑𝐒𝐬𝐚𝐦𝐚𝐑𝐚 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π’πšπ«πž 𝐞𝐞 π€ππžπžπ π πš π†πšπ«π¬π¨π¨π«π€πš

𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ¬π’π’π«π«πšππš 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐒𝐱𝐒𝐲𝐞𝐲 𝐝𝐑𝐒𝐬𝐚𝐦𝐚𝐑𝐚 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π’πšπ«πž 𝐞𝐞 π€ππžπžπ π πš π†πšπ«π¬π¨π¨π«π€πš

July 23, 2026
Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Khaliijka iyo Afrika

Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Khaliijka iyo Afrika

July 23, 2026

Dadaal badan, Isu soo baxyo lagu taagerayo gobanimada, isku marxabeen, damaashaad kadib waxaa halkaasi laga taagay calan Soomaaliyeed markaasina waxaa wali gacanta gumeystaha Taliyaaniga ku jiray Dadka Soomaaliyeed ee degan Koonfureed Soomaaliya.

Nasiib wanaag waxaa isla dhamaadka todobaadkaas maalinnimo Jimca ah oo ay taariikhdu ku beegneyd 1-da Luuliyo isla sanadkii 1960 Xurnimadooda Taliyaani ka helay dadka Soomaaliyeed ee degan Koonfurta Soomaaliya sidaasi ayuuna Geyiga Dhulka Soomaalida oo dhan uu xur ku noqday balse kadib maxaa dhacay?

Hadii aad nolosha ku ekeyso kaliya aaga aad taqaano waxaa hubaal ah in aadan dhaafi doonin halkΓ aga isla markaana aadan gaari karin Dhamaadkaaga sidaasi awgeed Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya oo farxad ay ka muuqato ayaa waxa ay calanka keeneen gobolada Koonfureed kadibna waxaa halkaasi looga dhawaaqay Jamhuuriyda Soomaaliya.

Halkaasi ayay ka bilaabatay talaabada Dad iyo Dal Soomaaliyeed oo ixtaraam iyo karaamo kuwada nool dunida laga aqoonsanyahay Sharaf iyo karaamo aan baryo ku imaanna looga hayo, Dowladnimada dhowr sanadood kadib ayaa waxaa dhacay qaladaad ay qoonsadeen dadka Soomaaliyeed ee deganaa Gobolada waqooyi Galbeed ee Soomaaliya balse kadib Dowladii Soomaaliya ayaaba burburtay.

Waqtiyada adag ee aad soo martay waxa ay soo shaac bixin u noqdaan awoodo badan iyo karti adiga ku jirtay Dadka Soomaaliyeed Ee gobolada waqooyi degan waxa ay Sameesteen maamul u gaar ah si ay Soomaaliya uga go’aan oo ay banaanka ka istaagaan balse si walba oo aad tahay ama aad u qurux badantahay hadii aadan dhameestirneen waxaa tahay qof wali qabyo ah Soomaaliyana meelna kuma kala harto.

Soomaaliya waa dhul cabirkiisu yahay 637,657 Kiiloomitir laba jibaaran waxaana ku nool in ka badan 10 Malyan oo qof Halka Dhulka Soomaaliyeed ee Gobolada waqooyi lagu qiyaaso in uu yahay 137,600 kiiloomitir laba jibaaran dadka ku noolna waxa lagu qayaasay (4) afar Malyan oo qof, hadii la kala jaro dhulka waxaa farqi ah oo u dhaxeeya
637,657 – 137,600 = 500,057 kiiloomitir oo laba jibaaran mana aha wax yar.

Dhulka koonfurta Soomaaliya ku yaala waxa uu ka weynyahay in ka badan afar jibaar dhulka waqooyiga Soomaaliya ku yaala Dadka dega jihooyinka Soomaaliya waxa ay ka badanyihiin dadka degan waqooyi Galbeed Soomaaliya si walba ha ahaato waxa ay Soomaali isku daba socto maaha dhaqaale, dano gaar ah, ee waa jaceylkii iyo farxadii soo bilaabatay 26 june iyo 1-da luuliyo.

Siyaasiyiinta iyo dadka gobolada waqooyi ee sanadkii 1960 waxa ay ahaayeen dad aragti fog leh oo soo raadsaday dad walaala ah balse waxaa lamid ahaa Siyaasiyiinta iyo dadka Soomaaliyeed ee degnaa koonfurta Soomaaliya oo xiligaasi waji furnaan iyo farxad kusoo dhaweeyay.

Gaba gabo mar kale hada sanado badan kadib waxaa Soomaali u dan ah in ay meel wax kuwada cunaan cadowga SoomΓ aliyana hal meel looga soo wada jeesto waxaana kusoo koobayaa 57 sano kadib hada calanka waxaa laga soo wadaa Koonfurta Soomaaliya waxaana Soo wadaan Siyaasiyiinta iyo Shacabka Soomaaliyeed, ee sidii kuwii 1960 waqooyi ka yimid loogu soo dhaweeyay koonfur ha loo soo dhaweeyo kadibna haleysku raaco Mar Kale Kanna Siib Kanna saar.

WQ Sharmake Abukar Amin

Previous Post

DAAWO SAWIRRADA:-Madaxda Qaranka oo ka qaybgalay Xuska 26-ka June oo ka dhacday Muqdisho

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo maanta Ubax dhigay Taalada Daljirka Daahsoon

Next Post
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo gaaray Dalka Jabuuti

Madaxweyne Farmaajo oo maanta Ubax dhigay Taalada Daljirka Daahsoon

𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ¬π’π’π«π«πšππš 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐒𝐱𝐒𝐲𝐞𝐲 𝐝𝐑𝐒𝐬𝐚𝐦𝐚𝐑𝐚 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π’πšπ«πž 𝐞𝐞 π€ππžπžπ π πš π†πšπ«π¬π¨π¨π«π€πš

𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ¬π’π’π«π«πšππš 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐒𝐱𝐒𝐲𝐞𝐲 𝐝𝐑𝐒𝐬𝐚𝐦𝐚𝐑𝐚 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π’πšπ«πž 𝐞𝐞 π€ππžπžπ π πš π†πšπ«π¬π¨π¨π«π€πš

July 23, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo...

Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Khaliijka iyo Afrika

Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Khaliijka iyo Afrika

July 23, 2026
0

Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya lagu soo gebagebeeyay shirkii ugu horreeyay ee heer gobol ee Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga...

Soomaaliya iyo Kuuriyada koofureed oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Kuuriyada koofureed oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

July 23, 2026
0

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS, Mudane Xasan Maxamed Cali ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka...

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Taliska Ciidanka XDS oo faahfaahin ka bixiyay howlgalkii ka dhacay deegaanka Teedaan

July 22, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa 21-kii bishan fuliyay howlgal duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday deegaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In