Tuesday, May 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Warbixin:- Xuska 26-ka June.!! WQ Sharmake Abukar Amin

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
June 26, 2017
in Maqaallo, Wararka
0
Warbixin:- Xuska 26-ka June.!! WQ Sharmake Abukar Amin
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

26 june Soomaalida Dunida ku nool oo dhan waxa ay u tahay ama ay u arkaan iftiin Shidmay xili gudcur badan uu jiray loona baahnaa ama Neecaaw qaboow oo soo martay halmar dad kuleel badan dareemayay.

Dadka Soomaaliyeed ee degan Gobolada waqooyi ee Jamhuuriyada Soomaaliya oo gumeyste Ingiriis ah gacanta ugu jiray ayaa maalin Axad ah 26 june sanadkii 1960 waxa ay madax banaanida ka qaateen Ingiriis oo in mudo ah u talinayay.

Related posts

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

May 12, 2025
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

May 12, 2025

Dadaal badan, Isu soo baxyo lagu taagerayo gobanimada, isku marxabeen, damaashaad kadib waxaa halkaasi laga taagay calan Soomaaliyeed markaasina waxaa wali gacanta gumeystaha Taliyaaniga ku jiray Dadka Soomaaliyeed ee degan Koonfureed Soomaaliya.

Nasiib wanaag waxaa isla dhamaadka todobaadkaas maalinnimo Jimca ah oo ay taariikhdu ku beegneyd 1-da Luuliyo isla sanadkii 1960 Xurnimadooda Taliyaani ka helay dadka Soomaaliyeed ee degan Koonfurta Soomaaliya sidaasi ayuuna Geyiga Dhulka Soomaalida oo dhan uu xur ku noqday balse kadib maxaa dhacay?

Hadii aad nolosha ku ekeyso kaliya aaga aad taqaano waxaa hubaal ah in aadan dhaafi doonin halkàaga isla markaana aadan gaari karin Dhamaadkaaga sidaasi awgeed Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya oo farxad ay ka muuqato ayaa waxa ay calanka keeneen gobolada Koonfureed kadibna waxaa halkaasi looga dhawaaqay Jamhuuriyda Soomaaliya.

Halkaasi ayay ka bilaabatay talaabada Dad iyo Dal Soomaaliyeed oo ixtaraam iyo karaamo kuwada nool dunida laga aqoonsanyahay Sharaf iyo karaamo aan baryo ku imaanna looga hayo, Dowladnimada dhowr sanadood kadib ayaa waxaa dhacay qaladaad ay qoonsadeen dadka Soomaaliyeed ee deganaa Gobolada waqooyi Galbeed ee Soomaaliya balse kadib Dowladii Soomaaliya ayaaba burburtay.

Waqtiyada adag ee aad soo martay waxa ay soo shaac bixin u noqdaan awoodo badan iyo karti adiga ku jirtay Dadka Soomaaliyeed Ee gobolada waqooyi degan waxa ay Sameesteen maamul u gaar ah si ay Soomaaliya uga go’aan oo ay banaanka ka istaagaan balse si walba oo aad tahay ama aad u qurux badantahay hadii aadan dhameestirneen waxaa tahay qof wali qabyo ah Soomaaliyana meelna kuma kala harto.

Soomaaliya waa dhul cabirkiisu yahay 637,657 Kiiloomitir laba jibaaran waxaana ku nool in ka badan 10 Malyan oo qof Halka Dhulka Soomaaliyeed ee Gobolada waqooyi lagu qiyaaso in uu yahay 137,600 kiiloomitir laba jibaaran dadka ku noolna waxa lagu qayaasay (4) afar Malyan oo qof, hadii la kala jaro dhulka waxaa farqi ah oo u dhaxeeya
637,657 – 137,600 = 500,057 kiiloomitir oo laba jibaaran mana aha wax yar.

Dhulka koonfurta Soomaaliya ku yaala waxa uu ka weynyahay in ka badan afar jibaar dhulka waqooyiga Soomaaliya ku yaala Dadka dega jihooyinka Soomaaliya waxa ay ka badanyihiin dadka degan waqooyi Galbeed Soomaaliya si walba ha ahaato waxa ay Soomaali isku daba socto maaha dhaqaale, dano gaar ah, ee waa jaceylkii iyo farxadii soo bilaabatay 26 june iyo 1-da luuliyo.

Siyaasiyiinta iyo dadka gobolada waqooyi ee sanadkii 1960 waxa ay ahaayeen dad aragti fog leh oo soo raadsaday dad walaala ah balse waxaa lamid ahaa Siyaasiyiinta iyo dadka Soomaaliyeed ee degnaa koonfurta Soomaaliya oo xiligaasi waji furnaan iyo farxad kusoo dhaweeyay.

Gaba gabo mar kale hada sanado badan kadib waxaa Soomaali u dan ah in ay meel wax kuwada cunaan cadowga Soomàaliyana hal meel looga soo wada jeesto waxaana kusoo koobayaa 57 sano kadib hada calanka waxaa laga soo wadaa Koonfurta Soomaaliya waxaana Soo wadaan Siyaasiyiinta iyo Shacabka Soomaaliyeed, ee sidii kuwii 1960 waqooyi ka yimid loogu soo dhaweeyay koonfur ha loo soo dhaweeyo kadibna haleysku raaco Mar Kale Kanna Siib Kanna saar.

WQ Sharmake Abukar Amin

Previous Post

DAAWO SAWIRRADA:-Madaxda Qaranka oo ka qaybgalay Xuska 26-ka June oo ka dhacday Muqdisho

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo maanta Ubax dhigay Taalada Daljirka Daahsoon

Next Post
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo gaaray Dalka Jabuuti

Madaxweyne Farmaajo oo maanta Ubax dhigay Taalada Daljirka Daahsoon

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

May 12, 2025
0

Ciidanka Deegaanka ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa fuliyay howlgal ay ku dileen ugu yaraan saddex...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

May 12, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya mudane Cali Maxamed Cumar (Balcad),ayaa maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

May 12, 2025
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka furmay shir muhiim ah oo u dhexeeya Hay’adaha Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo...

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

May 12, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad oo garab ka helaya Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In