Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

(Warbixin)”Aabahay waxaa dilay Al-Shabaab, waxaana i korineysa Dowladda”

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
3 years ago
in Wararka
0
(Warbixin)”Aabahay waxaa dilay Al-Shabaab, waxaana i korineysa Dowladda”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waa arrin xanuun badan in aad weyso adigoo sabi ah qeyb kamid ah Waalidkaa ka oo qeyb ka qaadan lahaa koriimada iyo daryeel noloshaada intaba,waxa aan ka hadlaayo waa Carruurta Agoonta ciidanka Booliiska Soomaaliyeed kuwaa oo ay khawaarijtu dileen Aabayaashood.

Sida ay rabtay khawaarijtu in nolosha carruutaan ay mugddi u gasho ma aysan dhicin dowladda Soomaaliya ayaa u istaagatay in ay kafaala qaado nolosha,Caafimaadka, waxbarasho Amni ee caruurtani oo wajiyadooda laga dheehan karay sida ay ugu farax sanyihiin daryeelka ay ka heleen dowladooda.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026

Warbaahinta qaranka ayaa booqatay xarunta Barbaarinta Agoonta ciidanka Booliska Soomaaliyeed, halkaa oo lagu xananeeyo in ku dhow 300 (saddex Boqol) oo ah carruurta Agoonta ciidanka Booliska soomaaliya,kuwaa oo dowaladu kafaalla qaaday in ay helaan inta Carruurta lamidka ah ay helaan sida waxbarsho,Caafimaad yo guud ahaan waxyaabaha nolosha Aas-aasiga u ah,iyagoo labaro waxbarashada Maadi iyo Diini intaba.

Ilama kasta waxa xaruntan keenna hoyooyinkood  kadib markey agoonteyeen oo Aabayashood ay dileen khawaarijta,haddaba sidii carruurtan loo keena xaruntan waxaa su’ashan weydiina sareeyo Guuto Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo ah maamulaha xaruntan.

“Waa in la soo maraa taliyaha ciidanka Booliiska  lana xaqiijiyo qofka dhimashadiisa,codsi  Maxkamada laga soo qorto wayo waxa macquul ah in marxuumku laba xaas katagay wanu xaqiijina kadib ayaa xerada la kenaa” sidaa waxa yiri taliye Cali Gaab.

Arrinta cajiibka ah ayaa ah in ha’adda Booliiska sameeysay isku tashi kana dhabeeysay in koriima bilaash ah ay helaan carruurta ay ka dhintaan askarta iyo sarakiisaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed waxana  si ay arintaa u dhaqan gasho talisku uu sameeyay in bil walba askariga Booliiska mushaarka uu qaato looga jaro Hal doolar,lacgtaa oo kaalin weyn ka qaadata daryeelka iyo waxbarashada caruurta Agoonta ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

“Wax aan la kulanno oo caqabad ah ma jiraan,cidnna looma baryo caruurtaan lacagta Akoonbaa loogu shubaa lacgtaa oo bil walba gaarto14,700(Afar iyo toban kun todoba boqol oo doolar) taa ayanu wax ugu tarikarnaa”ayuu yiri markale Cali Gaabo.

Carruurta qaarkood oo anu la hadalnay aya sheegay in ay u mahadcelinayaan dowladda askarta musharkooda qeyb uga jara,waxa ayna qabaan raja ah in markey waxbarataan ay ugu adegaan dalkooda iyo dadkooda si lamid waddadii ay ku baxeen abayashood oo ahaa geysiyaal wax badan u soo qabtay dalkood.

“Siddeed Agoon ah ayaan heystaa oo mid kamid ah ayaa  halkaan ku jiro kuwa kalana in aan keno oo wax la ii baraan rajeynaa  wana u mahadcelinayaa dowladda iyo Abbo Cali oo ah Maamulaha xarunta”waaxa sidaa yiri mid kamid ah walidiinta caruurtood ay ku jiraan xarunta Agoonta ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Intaasi caruur ah hal mar abayashood lama dilin midba meel ayuu Alle ku oofsaday Aabihiis,intooda badan waxa uu Alle ku sababay gacanta kooxada arxanka daran ee khawaarijta ah hada waxa loo soo jeeystay dowlad soomaaliya hadafka kowaad u ah dabar gooynta khawaarijta Agoonteeysay caruurtaan iyo kuwa kale oo fara badan.

Caruurtaani oo qarkood aad u yar yar ayaan u kuurgalnay sida ay u helaan adegayda ay u baahanyihiin iyo xananeyntooda waxana waxa kaweydiinay hooyo Xaawo Ayaanle oo kmaid ah walidiinta ay xaruntani u xil saaratay Caruurtani  daryeelkooda.

“Qaar wey xanuun sanayan habeenkii kuwa wey sasayaan oo iska baxayaan waxas oo dhan waa in ad u tagnaata sidii ad uga caawin lahayd oo booskii waalidnimo u buuxin lahayd wana ku dadaalnaa” ayay tiri hooyo Xaawo.

Xarunta Barmaarinta Agoonta carruurta ciidanka Booliiska soomaaliyeed oo ku taal Degmada Wadajir waxa ay furantahy mudda shan sanadood ah ,waxasa xusid mudan in gobolada dalkeenna uu ka howlgallo ciidanka Booliska soomaaliyed aysan xarummo  ku lahayn balsa mustaqbalka dhaw la rajeynayo in xaruma laga furo deegaanadasi.

Previous Post

Duqa Caasimada oo Gudoomiyay Shirka Banbaxa Maamulka Gobolka Banaadir

Next Post

Aadan Madoobe oo la kulmay siyaasiyiinta ka aragtida duwan maamulka K/Galbeed

Next Post
Aadan Madoobe oo la kulmay siyaasiyiinta ka aragtida duwan maamulka K/Galbeed

Aadan Madoobe oo la kulmay siyaasiyiinta ka aragtida duwan maamulka K/Galbeed

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Go'aan kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa looga joojiyay ka-qeybgalka kulamada...

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo saaray go’aanno rasmi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In