Friday, February 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda 

caqiil by caqiil
2 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka XFS oo soo saartay Tallooyin & warbixin  ku saabsan fatahaadaha iyo daadadka Roobka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay madal (Twitter space) ay isugu yimaadeen siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa ku baaqay in loo midoobo dagaalka Khawaarijta.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kormeer ku tagay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, kulamana la yeeshay odayaasha dhaqanka, shacabka iyo ciidamada.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫e 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐚𝐥𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚 “𝐁𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐨𝐨𝐛𝐤𝐢𝐢 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫e 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐚𝐥𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚 “𝐁𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐨𝐨𝐛𝐤𝐢𝐢 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚”

February 12, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wafdi ka socday Boqortooyada Ingiriiska

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wafdi ka socday Boqortooyada Ingiriiska

February 12, 2026

3- Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa daah furay tartan uugaaneedka HIRGELI HIBADAADA oo si gaar ah loogu baratamayo suugaanta ka dhanka Khawaarijta.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer uu ugu kuurgalayo hawlaha shaqo ee socda ku tegay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Muqdisho.

5- Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo booqanaya Qatar ayaa kulamo la yeeshay madaxda dalkaasi.

6- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo ka qeyb galay dibad-bax lagu taageerayo Ciidanka Qaranka ee dagaalka kula jira Khawaariijta ayaa  shacabka uga mahad celiyay garab istaagga joogtada ah ee ciidanka qaranka.

7- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa guddoomiyay kulan lagu dardargelinayo sare u qaadida dakhliga gudaha.

8- Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo maxkamadda Gobolka Banaadir u gudbiyay dacwada 7 sargaal oo ka tirsan hay’adha  dowladda oo ku eedaysan musuqmaasuq.

9- Hawlgal milateri oo  ka dhacay deeegaanka Dumaaye ee Gobolka Mudug ayaa lagu dilay in ka badan 167 maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta.

10- Ciidamada Qalabka Sida ayaa ilaa iyo afartan ka mid ah Khawaarijta ku dilay degaannada Xiin Tubaal iyo Ceel Cali Wayd oo ka tirsan Gobolka Galguduud.

11- Ciidamada Qalabka Sida iyo saaxiibada Caalamka oo ilaa 20 ka mid ah Khawaarijta ku dilay degmada Kuntuwaaray ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

12- Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin oo  ayaa kormeeray Ciidanka Daraawiishta Booliska ee ku sugan Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

13- Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa fashiliyey qarax gaari oo kooxda Khawaarijtu rabeen in ay ku haligaan shacabka ku nool Gobolka Banaadir, waxaana ay gacanta ku dhigeen laba dhagar qabe oo saarnaa gaarigii qaraxa waday.

14-  Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi oo kormeeray xarumaha loogu adeego bulshada ee Degmada Xarar Dheere.

15-  Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo dadka caasimadda ugu baaqay in ay si buuxda u taageeraan hawlgalka ciribtirka Khawaarijta.

16-  Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa taageeray dagaalka ka dhanka ah Al Shabab ee dalka ka socda.

17- Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku baaqay in la garab istaago ciidamada qaranka ee ku jira howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta.

18- Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo warbaahinta la hadlay ayaa ku baaqay in la garab istaago ciidanka qaranka ee dagaalka kula jira Khawaarijta.

19- Guddoomihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa sheegay in aan xilligaan aysan wanaagsaneyn in siyaasada laga dhex raadiyo dagaalka Khawaarijta looga ciriibtirayo dalka.

20- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenkii hore Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku baaqay in lala shaqayno ciidamada iyo madaxda dalka ee ku howlan ciribtirka Khawaarijta.

21-  Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka tacsiyadeeyay geerida abwaan/fannaan Axmed Naaji Sacad.

22-  Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Somaliland Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo qaabilay xubno ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Norway.

23- Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo kaashanaysa dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa tababar ku saabsan doorka gabdhaha  ee maamulka warbaahinta   ku qabatay magaalada Jowhar.

Previous Post

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka oo safar aan la shaacin ku tagay Ukraine

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay Taliyaha ciidanka qalabka sida ee Qatar

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay Taliyaha ciidanka qalabka sida ee Qatar

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay Taliyaha ciidanka qalabka sida ee Qatar

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫e 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐚𝐥𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚 “𝐁𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐨𝐨𝐛𝐤𝐢𝐢 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫e 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐚𝐥𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚 “𝐁𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐨𝐨𝐛𝐤𝐢𝐢 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚”

February 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa ka qaybgalay Baalfurka Buugga “Baadigoobkii Nabadda Geeska Afrika”,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wafdi ka socday Boqortooyada Ingiriiska

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wafdi ka socday Boqortooyada Ingiriiska

February 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday Boqortooyada Ingiriiska oo ay hoggaaminaysay...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo kulan la qaatay Wafdi ka socday Ingiriiska

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo kulan la qaatay Wafdi ka socday Ingiriiska

February 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan la qaatay wafdi sare oo ka socday Boqortooyada...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo Nairobi ka daahfuray bandhigga todobaadka ganacsiga Soomaaliya iyo Kenya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo Nairobi ka daahfuray bandhigga todobaadka ganacsiga Soomaaliya iyo Kenya

February 12, 2026
0

Maanta waxaa si rasmi ah looga daahfuray Magaaladda Nairobi Bandhigga Todobaadka Ganacsiga Soomaaliya-Kenya iyo Qurbajoogta (Somalia-Kenya and Diaspora Trade Week),...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In