Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda 

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka XFS oo soo saartay Tallooyin & warbixin  ku saabsan fatahaadaha iyo daadadka Roobka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay madal (Twitter space) ay isugu yimaadeen siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa ku baaqay in loo midoobo dagaalka Khawaarijta.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kormeer ku tagay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, kulamana la yeeshay odayaasha dhaqanka, shacabka iyo ciidamada.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

3- Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa daah furay tartan uugaaneedka HIRGELI HIBADAADA oo si gaar ah loogu baratamayo suugaanta ka dhanka Khawaarijta.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer uu ugu kuurgalayo hawlaha shaqo ee socda ku tegay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Muqdisho.

5- Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo booqanaya Qatar ayaa kulamo la yeeshay madaxda dalkaasi.

6- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo ka qeyb galay dibad-bax lagu taageerayo Ciidanka Qaranka ee dagaalka kula jira Khawaariijta ayaa  shacabka uga mahad celiyay garab istaagga joogtada ah ee ciidanka qaranka.

7- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa guddoomiyay kulan lagu dardargelinayo sare u qaadida dakhliga gudaha.

8- Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo maxkamadda Gobolka Banaadir u gudbiyay dacwada 7 sargaal oo ka tirsan hay’adha  dowladda oo ku eedaysan musuqmaasuq.

9- Hawlgal milateri oo  ka dhacay deeegaanka Dumaaye ee Gobolka Mudug ayaa lagu dilay in ka badan 167 maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta.

10- Ciidamada Qalabka Sida ayaa ilaa iyo afartan ka mid ah Khawaarijta ku dilay degaannada Xiin Tubaal iyo Ceel Cali Wayd oo ka tirsan Gobolka Galguduud.

11- Ciidamada Qalabka Sida iyo saaxiibada Caalamka oo ilaa 20 ka mid ah Khawaarijta ku dilay degmada Kuntuwaaray ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

12- Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin oo  ayaa kormeeray Ciidanka Daraawiishta Booliska ee ku sugan Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

13- Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa fashiliyey qarax gaari oo kooxda Khawaarijtu rabeen in ay ku haligaan shacabka ku nool Gobolka Banaadir, waxaana ay gacanta ku dhigeen laba dhagar qabe oo saarnaa gaarigii qaraxa waday.

14-  Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi oo kormeeray xarumaha loogu adeego bulshada ee Degmada Xarar Dheere.

15-  Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo dadka caasimadda ugu baaqay in ay si buuxda u taageeraan hawlgalka ciribtirka Khawaarijta.

16-  Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa taageeray dagaalka ka dhanka ah Al Shabab ee dalka ka socda.

17- Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku baaqay in la garab istaago ciidamada qaranka ee ku jira howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta.

18- Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo warbaahinta la hadlay ayaa ku baaqay in la garab istaago ciidanka qaranka ee dagaalka kula jira Khawaarijta.

19- Guddoomihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa sheegay in aan xilligaan aysan wanaagsaneyn in siyaasada laga dhex raadiyo dagaalka Khawaarijta looga ciriibtirayo dalka.

20- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenkii hore Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku baaqay in lala shaqayno ciidamada iyo madaxda dalka ee ku howlan ciribtirka Khawaarijta.

21-  Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka tacsiyadeeyay geerida abwaan/fannaan Axmed Naaji Sacad.

22-  Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Somaliland Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo qaabilay xubno ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Norway.

23- Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo kaashanaysa dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa tababar ku saabsan doorka gabdhaha  ee maamulka warbaahinta   ku qabatay magaalada Jowhar.

Previous Post

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka oo safar aan la shaacin ku tagay Ukraine

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay Taliyaha ciidanka qalabka sida ee Qatar

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay Taliyaha ciidanka qalabka sida ee Qatar

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay Taliyaha ciidanka qalabka sida ee Qatar

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In