Kulankaan oo ay soo agaasintay Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Dowlad Gobaleedka Galmudug oo wada howlaha xoojinta dib u heshiisiinta beelaha iyo bulshada ayaa isugu yeertay Odayaasha, Salaadiinta, Waxgaradka iyo duubabka beelaha Galmudug Qaarkood .
Kulanka oo socon doonaa muddo dhowr maalmood ah ayaa waxaa daahfurkiisa ugu horeyn ka hadlay Wasiiru-dowlaha wWasaaradda Arimaha Gudaha Galmudug Cumar Maxamed Diiriye oo sheegay in kulankaan uu ujeedkiisu yahay dar dargalinta Nabadda iyo dib u heshisiinta odayaasha dhaqanka ay u yihiin udub dhaxaad Wasaaradda arimaha guduhuna ay ka caawin doonto
Kulanka oo ay sidoo kale goob joog ahaayeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Galmudug ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay qaar ka mid ah Wasiiradii dowlad gobaleedka ee furitaanka shirka lagu casuumay waxa ayna bogaadiyeen Dadaalka Wasaaradda Arimaha Gudaha Galmudug iyo madaxdeeduba ugu jiraan Nabadda iyo dib u heshiisiinta, iyagoo ugu baaqay dhamaan waxgaradkii kulankaan lagu casuumay in ay sii xoojiyaan dadaalka mar kasta odayaasha dhaqanku ugu jiraan joojinta Colaadaha ka shaqeynta Nabadda iyo dib u heshiinta ayna la shaqeeyaan Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta Galmudug
Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo dib uheshiisiinta Dowlad Goboleedka Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac Cabdi Waayeel oo isagu si rasmi ah u furay shirkaan ay soo agaasintay Wasaaradda Arimaha Gudaha Galmudug ayaa u mahadceliayay Odayaasha dhaqanka ee soo aqbalay codsiga Wasaaradda isagoo u rajeeyay in uu guul ku soo dhamaado kulanka oo uu xusay in ahmiyad aad uweyn uu u leeyahay Nabadda iyo dib u heshiisiinta maadaana Wasaaraddu ay door weyn ka qaadan doonto