Saturday, July 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Soo Bandhigtay Qorshaha Wada xaajoodka Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka Ee Arrimaha Doorashooyinka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Soo Bandhigtay Qorshaha Wada xaajoodka Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka Ee Arrimaha Doorashooyinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shirka Guddi hoosaadka Golaha Wasiirrada ee Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay maanta kusoo badhigtay qorshe faahfaahsan oo ku saabsan sidii loo wajihi lahaa wada xaajoodka Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ee arrimaha doorashooyinka.

Soo Bandhigidda Qorshaha ayaa ka dambeysay amarkii Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda ee ku saabsanaa dardargelinta arrimaha doorshooyinka si loo hubiyo in doorashadu ay waqtigeeda ku dhacdo.

Related posts

Ururka JSP  oo xarun cusub ka hirgeliyey Gaalkacyo

Ururka JSP oo xarun cusub ka hirgeliyey Gaalkacyo

July 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Hoggaanka Dalladda Midowga Dalxiiska

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Hoggaanka Dalladda Midowga Dalxiiska

July 11, 2026

Qorshahaan ayaa la filayaa in loo gudbiyo Golaha wasiirrada oo fadhiyadooda uga doodi doona, si uu dhaqan gal u noqdo loona billaabo in lagu howlgalo.

Shirka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sidoo kale looga hadlay hab-raaca dhameystirka wada xaajoodyada muhiimka u ah geedi socodka federaalaynta iyo demoqoraadiyadaynta dalka, awood-qaybsiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee DF iyo dowlad gobaleedyada iyo iskaashiga heerarka dowladda ee Qabashada doorashooyinka 2020-2021.

Previous Post

Wasaaradda Caafimaadka Oo Xaqiijisay In 29 Qof Oo Cusub Ay Ka Bogsoodeen Feyruska Karoona

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Ururka JSP  oo xarun cusub ka hirgeliyey Gaalkacyo

Ururka JSP oo xarun cusub ka hirgeliyey Gaalkacyo

July 11, 2026
0

Mas'uuliyiin ka tirsan hoggaanka sare ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), xubno isugu jira Xildhibaanno, Wasiirro, Sanatarro, iyo masuuliyiin ka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Hoggaanka Dalladda Midowga Dalxiiska

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Hoggaanka Dalladda Midowga Dalxiiska

July 11, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta kulan la yeeshay Hoggaanka Dalladda...

TACSI;-Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida halgamaa Xaaji Cali-Shoocaac

TACSI;-Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida halgamaa Xaaji Cali-Shoocaac

July 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada, Ciidamada Qalabka Sida...

Horjoogayaal Khawaarij ah oo iska soo dhiibay furimaha hore ee dagaalka

Horjoogayaal Khawaarij ah oo iska soo dhiibay furimaha hore ee dagaalka

July 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Kadib markii Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay in Ciidamada Qaranka ay qaadayaan howlgal kama dambeys...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In