Friday, March 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Awqaafta oo shaacisay in berri ay ciid tahay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo soo dhoweysay dadaalka lagu dhex dhexaadinayo Soomaaliya iyo Imaaraadka.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Awqaafta iyo Diinta  Sheekh Kheyroow Aadan oo si toos ah Bulshada uga hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in maalinta beri  ay tahay maalin ciid ah,  isla markaana Ummadda ugu hambalyeeyay bilasha 1-da bisha Shawaal.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Diinta ayaa sheegay in culimada xiriiro kala duwan oo ay sameeyeen ay u cadaatay in beri ay tahay maalin ciid ah, kadib markii laga arkay magaalooyin dhowr ah oo ka mid ah dalka.

Related posts

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026
“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

March 27, 2026

Sheekh Kheyroow Aadan ayaa Ummadda ka codsaday inay ka faa’iideystaan tukashada ciida, isla markaana si Islaami ah loogu ciido, lana joojiyo bandhig faneedyada lagu soo dhaweynayo ciidda.

Sheekh Cali Sheekh Maxamuud (Sheekh Cali Dheere) Agaasimaha Diinta ee Wasaaradda Cadaaladda ayaa xusay in aragtida bisha ay Wasaaradda iyo culimo Soomaaliyeed la wadeegeen bulsho badan oo ay khadka si toos ah u soo geliyeen, waxaana uu hambalyo u diray Ummadda Soomaaliyeed meelkast oo ay jogaan.

Sheekh ku sugan degmada Xeraale ee gobolka Galguduud ayaa sheegay in uu dhaariyay wiilasha arkay bisha.

Sheekh Cabdiqaadir Soomow oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in markii ay la xiriireen culimada Degmada Xeraale ay  tahay mid ay ku kalsoonyihiin, isla markaana beri ay ku beegantahay maalinta koowaad ee ciidda.

Sheekh Yuusuf Cali Ceynta Guddoomiyaha Majmaca Soomaaliyeed ayaa shacabka u sheegay in salaadda ciida loo soo deg dego, isla markaana qofka Muslimka ah jidka uu ku yimaado Masjidka jid aan ahayn uu ku laabto, taasi oo uu ku tilmaamay in ay wadato ajir fara badan.

Previous Post

Taliyaha ciidanka Asluubta oo soo xiray tartan aqooneed loo qabtay maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe “SAWIRRO”

Next Post

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud Keating oo diray hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidul Fitriga

Next Post
Qaramada midoobay oo ammaantay wax qabadka Dowladda Soomaaliya

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud Keating oo diray hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidul Fitriga

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026
0

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa diyaar garowgii ugu dambeeyay ugu jira kulan muhiim ah oo ay galabta...

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

March 27, 2026
0

Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada  XFS,Ururka Dhaqaatirta iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu talagalay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay Horjoogihii isku xirka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

March 26, 2026
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ka qeyb galay Shirweynaha 14aad ee Wasiirrada ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In