Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Batroolka Soomaaliya oo soo dhaweysay xukun ay gaartay Maxkamadda sare ee Boqortooyada Ingiriiska

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Jawaabta Dowladda Federaalka ee ku aaddan baarista SOMA
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya waxay soo dhoweyneysaa xukunka ay gaartay Maxkamadda Sare ee Boqortooyada Ingriiska ee ku saabsanaa baaritaankii uu waday Xafiiska Baarista Musuqmaasuqa Daran (Serious Fraud Office) oo ahaa in shirkadda Soma Oil ay siisay lacag qubarada Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliyeed. Xukunkaan ayaa shirkadda Soma Oil u xaqiijinaya eedeeyntii hayadda Qaramada Midoobey u qaabilsan la socoshada cunaqabataynta Soomaaliya iyo Eriteriya in uu yahayn mid aan loo heyn cadeyn.

Natiijadan ayaa la mid ah tii ay soo saareen sanadkii hore guddi madaxa banaan ee Soomaaliya ee u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Guddigaan madaxa banaan ayaan wax cadeyn ah u helin waqtigaas in heshiiska tayaynta shaqalaha ee u dhexeeyay Wasaaradda Batroolka iyo shirkadda Soma oil uu ahaa mid wax kala bedelasho ah. Wasaaraddu waxey mar walba diyaar u tahay wada-shaqeyn iyo ka hortagidda eedeymaha lidka ku ah howlaha wasaaradda.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, waxay ku dadaalaysaa dhamaystirka hawlaha ku saabsan sahminta shidaalka Soomaaliya iyo la macaamilka shirkadaha batroolka. Wasaaradda waxay aaminsan tahay shuruudaha ugu horeeya ee batrool baaris laga sameeyo wadamada dahan sida Soomaaliya in uu yahay in la helo xeerar iyo sharci ku haboon.

Sidaa daraadeed, anagoo la kaashanayna Bangiga Aduunka, ayaan dhameystirnay dib u eegis lagu sameeyay sharciga batroolka, xeerarka iyo nidaamka maaliyadda. Wasaaraddu waxey kaloo dib u eegis ku samneeysay hanaanka heshiiska u dhaxeeynaya Soomaaliya iyo shirkadaha shidaalka ayadoo taageero ka heleysa Bangiga Horumarinta Africa. Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ayaa magacaabay guddi qubaro ah kana kooban qubarada wasaaradda, xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda, iyo Bangiga Aduunka si ay dib u eegis ugu sameeyaan sharciga Shidaalka Soomaaliyeed ee 2008, Hayadda Nidaaminta Batroolka iyo Shirkadda Batroolka Qaranka Soomaaliyeed.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya way ka warqabtaa in ku howlaha ka faa’ideysiga kheyraadka dabiiciga ah in uu halis gelin karo nabadda iyo xasiloonida wadan kasta, haddii aanan la marin wado sax ah ee lagu maamulo kheyraadka ayadoo marka hore la yeelanayo aragti mideysan oo ku aadan ka faaidaysiga kheyraadka waddanka.

Sidaa daraadeed Wasaaraddu waxay ku howlan tahay iminka helida heshiis ku meelgaar ah oo ku saabsan sidii batroolka dakhligiisa iyo maamulkiisaba loo wadaagi lahaa.
Waxaan dooneynaa in aan sii wadno inta awoodeena ah fulinta waajibaadka naga saaran qaranka iyo shacabka soomaaliyeedba oo ay masuuliyadnimo iyo daahfurnaansho ku dheehan tahay.

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Cumar oo kulamo lagu xalinayo colaadda Gaalkacyo la qaatay madaxda Galmudug

Next Post

Maxkamad ku taala Mareykanka oo dacwad ku soo oogtay rag qaraxyo ka fulin rabay gobolka Kansas

Next Post
Maxkamad ku taala Mareykanka oo dacwad ku soo oogtay rag qaraxyo ka fulin rabay gobolka Kansas

Maxkamad ku taala Mareykanka oo dacwad ku soo oogtay rag qaraxyo ka fulin rabay gobolka Kansas

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In