Thursday, May 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Shaqooyinka

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS waxay xayeysiineysaa shaqada Shan Boos

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
November 4, 2021
in Shaqooyinka
0
Wasaaradda Waxbarashada Galmudug  oo dib u dhagax dhigtay mid kamid ah dugsiyadii ku burburay dagaaladii sokeeye
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

XAYAYSIIN BOOSAS BANNAAN

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka waxay ogeysiineysaa Aqoonyahanada Soomaaliyeed in Ururka Xakamaynta Ayaxa lama-degaanka ee Bariga Afrika (DLCO-EA) oo ah urur goboleed lagu asaasay Heshiis Caalami ah oo ay saxiixeen Wadamada kala ah: Jabuuti, Eriteeriya, Itoobiya, Keenya, Soomaliya, Koonfurta Suudaan, Suudaan, Tansaaniya iyo Yugandha Shaqadiisuna tahay xakamaynta dullinnada hayaama, gaar ahaan Ayaxa lama degaanka (Desert Locust) Shimbiraha isla-guura (Quelea birds) diirdiir (Fall army worm) iyo dukhsi Gindi (Tsets Fly) ee Bariga Afrika ka banaantahay ilaa Shan Boos waana sida hoos ku faah-faahsan.

Related posts

ogeysiis dadweyne

ogeysiis dadweyne

May 9, 2025
Taariikh nololeed: Boqoradii Fanka Soomaaliyeed Khadra Daahir Cige oo geeriyootay

Taariikh nololeed: Boqoradii Fanka Soomaaliyeed Khadra Daahir Cige oo geeriyootay

July 4, 2022

Ururka wuxuu ku casumayaa codsadayaasha inay soo buuxiyaan araajida codsi boosaska Agaasime, Injineer Diyaaradeed iyo Duuliyayaal .

Codsaduhu waa inuu ka soo jeedo mid ka mid ah wadamada xubnaha ka ah heshiiska asaasidda Ururka.

1.2 Waqtiga Shaqada: 3 sano (Hal mar la cusboonaysiin karo)

1.3 Xarunta Shaqada: Addis Ababa, Itoobiya

1.4 Mushaharka iyo Faa’iidooyinka: Mushahar macno leh iyo xirmo faa;iidooyin ah oo la guddoon siin doono iyadoo saldhig looga dhigayo qaabka mushahar bixinta hay’adda.

1.5 Waajibaadka & Masuuliyadaha: inuu ka hoos shaqeeyo golaha maamulka ee ka kooban wasiirrada, Agaasimaha waxay noqonayaa sarkaalka fulinta u sareeya ee masuulka ka ah jihaynta siyaasadda guud iyo howlgalinta Ururka. Waajibaadka Agaasimaha waa inay noqotaa mid gundhigeedu yahay hubinta hoos u-daadajinta shaqooyinka ugu waawayn ururka oo ay ka mid tahay: 2

1.6.2 Tababarro jaamacadda ka dib ah oo ku saabsan Maamulka Dhaqaalaha / Maaraynta.

1.6.3 Waaya-aragnimo shaqo oo aan ka yarayn (7) sano oo heer maamul oo sare ah oo ku saabsan noocyada aqooneed ee la soo sheegay.

1.6.4 Da’da 35-59 sano.

1.6.5 Waxaa si wayn loo daneenayaa inuu lee yahay awood la soo tijaabiyay dhanka la shaqaynta dad ka soo kala jeeda wadamo kala duwan iyo dhaqanno kala jaan ah.

1.6.5 Waxaa aad loo dhiira gelinayaa musharixiinta dumarka inay soo codsadaan kuwaas oo ka faaideysandoona darajooyin dheeri ah.

(i) Sahannada hawada iyo xakamaynta dullinnada hayaama ee la isla gartay.

(ii) Barnaamijyada Cilmi-baaridda la hawl galiyay iyo wax-qabadka diiradda saaraya xakamaynta dullinnada hayaama, adeegsiga dullin-dilaha iyo bad-qabka.

(iii) Isku-xirka isu-socodka xogaha sare-u-qaadida saadaalinta dullinka hayaama; iyo

(iv) Horumarinta shaqaalaha.

Agaasimuhu waa inuu mas’uul ka noqdo:

(b) Gudbinta warbixinnada soo dhaca ee lugu aadinayo dowladaha xubnaha ka ah Ururka iyo Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay iyo waliba dhinac walba oo rasmi ah oo goluhu u arko inay munaasib tahay in loo gudbiyo xogaha dhamaystiran ee dabeecadda Ayaxa la ma degaannaka iyo dullinyada kale ee hay’addu igmatay, horumarka cilmi-baaridda iyo cabirka heerka xakamaynta gobol;

(t) Hanashada iskaashi buuxa oo la la yeesho hay’adaha kale ee khuseeya talooyinka/jiheynta golaha wasiirada ee ururka;

(j) Aruurinta tabarrucaadka dowladaha xubnaha ka ah ururka;

(x) Gacan ku-haynta koonto xisaabeedyada dhaqaale ee ururka

1.6 SHAHAADOOYINKA LA ISKA RABO:

1.6.1 Ugu yeraan Master Cilmiga Beeraha ama wax u soo dhow oo ay bixisay jaamacad aqoonsi haysata.

2.0 Magaca jagada: Injineer Diyaaradeed (hal boos) 3

2.4.4. Da’da 25-50 sano

2.4.5. Inuu si hamsami leh ula shaqayn karo dad ka soo kala jeeda wadamo kala duwan iyo dhaqanno kala jaan ah waa muhiim.

2.4.6. Waxaa aad loo dhiira gelinayaa musharixiinta dumarka inay soo codsadaan kuwaas oo ka faaideysandoona darajooyin dheeri ah

2.1 Nooca Shaqada: Shaqaale Xirfadle ah

2.2 Waqtiga Shaqada: 3 sano (la cusboonaysiin karo)

2.3 Mushaharka iyo Faa’iidooyinka: Mushahar macno leh iyo xirmo faa;iidooyin ah oo la guddoon siin doono iyadoo saldhig looga dhigayo qaabka mushahar bixinta ururka.

Hordhac:

Injineer Diyaaradeed wuxuu mas’uul ka yahay shaqada dayactirka maalinlaha ee diyaaradaha ururka, agabyada kale ee yaala saldhigyada iyo diyaaradaha ururka ee ka shaqeeya ururka dhexdiisa ama dibadiisa. Intaa waxaa dheer inuu qabto waajibaadkii kale ee ay u wakiishaan madaxa injineerada ama injeerada ka sareysa.

2.4 SHAHAADOOYINKA LA RABO:

2.4.1. Dibloma ama wax ka sareeya Aeronautical Engineering (A &C) ama wax dhigma

2.4.2 Rukhsad gacan ku hayn injineernimo diyaaradeed ((professional Aircraft Engineering License (A & C)) taas oo kasoo baxdey hay’ad hubisa badqabka diyaaradaha oo la aqoonsanyahay islamarkaana ay ku caddahay in rukhsad sidaha uu ku takhasusey (piston engines).

2.4.3. Ugu yaraan 3 sano oo waaya aragnimo qaybta (piston engines).

3.0 Magaca jagada: Duuliye wax buufiya (Saddex boos)

3.1 Nooca Shaqada: Shaqaale Xirfadle ah

3.2 Waqtiga Shaqada: 3 sano (la cusboonaysiin karo)

3.3. Mushaharka iyo Faa’iidooyinka: Mushahar macno leh iyo xirmo faa;iidooyin ah oo la guddoon siin doono iyadoo saldhig looga dhigayo qaabka mushahar bixinta hay’adda.

Hordhac: 4

 

Duuliyaha wuxuu mas’uul ka yahay badqabka iyo habsami u socodka duulimaadyada loo xilsaaarey iyo inuu duulimaadyada u fuliyo si waafaqsan qorsha hawleedka guud. Intaa waxaa dheer inuu qabto waajibaadkii kale ee ay u wakiisho madaxa duuliyayaasha.

3.4 Shahaadooyinka la rabo:

3.4.1 Rukhrad duuliyenimo (CPL)

3.4.2 Ugu yaraan waa inuu diyaarad duuliyey wadarta (1,000) saacadood

3.4.3 Da’da 25-50 sano

3.4.4 Khibrad buufinta beeraha, qiimaynta tilmaamaha , Dibloma ama wax ka sareeya oo Saynis ah waxay faa’ido dheeri tahay codsadaha.

3.5.5 Waxaa aad loo dhiira gelinayaa musharixiinta dumarka inay soo codsadaan kuwaas oo ka faaideysandoona darajooyin dheeri ah

Sida loo codsanayo: 5

Si aad u codsatid, booqo mareegtayada www.dlco-ea.org ama la soo dag foomka ay ku hoos qorantahay “News and Events/Vacancies and Announcements”. Qofkii daneenaya wuxuu buuxin karaa foomka la tilmaamay isagoo ku lifaaqaya warqadda ajiga (Cover latter), CV faahfaahsan iyo nuqullo ka mid ah shahaadooyinka. Waxaa wakhtiga codsi qaabiliddu ku egyahay 30 bari oo ka 3da luulyo 2020.

Agaasimaha

DLCO-EA

P.O. Box 4255

Addis Ababa

Itoobiya

Email: [email protected]

CC sii:

[email protected] / [email protected]

[email protected]

AMA

Nuqul caadi ah farta ka saar :

DLCO-EA Registry

Gurd Shola

Wadada CMC – saacadaha shaqada inta lugu jiro (8.00 a.m to 4.30pm)

Addis-Ababa

AMA

Gacanta uga dhiib:

Wakiilka Xarumeedka DLCO-EA

 

Previous Post

In ka badan 100 Xuutiyiin ah oo lagu dilay magaalada Marib ee dalka Yemen

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo faahfaahin ka bixiyay sababta dalka looga ceyrinayo Simon Mulongo

Next Post
Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo la magacaabay Maxamed Cabdirisaaq

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo faahfaahin ka bixiyay sababta dalka looga ceyrinayo Simon Mulongo

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

May 15, 2025
0

Kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa....

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

May 15, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, xilli...

Danjiraha Soomaaliya ee Jarmalka oo ku soo dhoweeyay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga

Danjiraha Soomaaliya ee Jarmalka oo ku soo dhoweeyay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga

May 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Jarmalka,Mudane Cabdicasiis Maxamed Maxamuud Farabadan, ayaa xarunta safaaradda ku soo dhaweeyay Wasiiru Dowlaha...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan milatariga

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan milatariga

May 15, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In