Saturday, September 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Beeraha oo Muqdisho ka daahfurtay shirka Madasha Qaran ee Horumarinta Ganacsiga Beeraha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Beeraha oo Muqdisho ka daahfurtay shirka Madasha Qaran ee Horumarinta Ganacsiga Beeraha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madasha Koowaad ee Qaran ee Horumarinta Ganacsiga Beeraha oo ay muhiimadeedu tahay ka tashiga sidii loo Horumarin lahaa Wada-hadalada dowliga ah iyo kuwa gaarka ah, si loo dhiirigaliyo Ganacsiga Beeraha iyo wax soo saarka dalka ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya gaar ahaan waaxda Horumarinta ganacsiga beeraha.

Shirka oo ay ka qeyb galeyn masuuliyiinta Wasaaradda, xubno ka socday maamul Goboleedya, iskaashatooyinka Beeraha, qubaro, ganacsato iyo Bangiyada ka shaqeeya Horumarinta Beeraha ayaa waxaa

Related posts

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shir-Goboleedka Wasaaraddaha Maaliyadda ee Arrimaha Cimilada Maaliyadda

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shir-Goboleedka Wasaaraddaha Maaliyadda ee Arrimaha Cimilada Maaliyadda

September 12, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xaflad sagootin ah u sameeyay Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xaflad sagootin ah u sameeyay Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya

September 12, 2026

labada maalin ee uu socdo looga doodi doonaa qaabka looga wada shaqeyn karo Horumarinta Ganacsiga Beeraha, dhiirigelinta beeraleyda Soomaaliyeed iyo sidii suuq geyn la isku haleyn karo loogu sameyn lahaa, sida uu xusay Agaaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Siyaasadda ee Wasaaradda Beeraha Maxamuud Yaasiin Cartan.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ahna ku simaha Wasiirka mudane Asad Cabdirisaaq Maxamed oo si rasmiya u furay shirka ayaa xusay In loo baahnahay in laga faaiideystay Dhul Beereedka aynu qaniga ku nahay si loo tiigsado yoolka Xukuumadda DanQaran ee ah in la gaaro isku filnaansho cuno oo dhameytiran.

Madasha Qaran ee Sanadlaha ah ee hormarinta Ganacsiga Beeraha oo berri lasoo gabagabeyn doono ayaa qeyb ka ah dadaallada isdaba jooga ah oo ay Wasaaradda beeruhu ugu jirto horumarinta Beeraha Dalka.

Previous Post

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Hirshabeele Oo Dhagax dhigay Suuqa Xoolaha

Next Post

Mudanayaasha labada Aqal ee BJFS oo ka dooday miisaaniyadda sanadka 2023

Next Post
Mudanayaasha labada Aqal ee BJFS oo ka dooday miisaaniyadda sanadka 2023

Mudanayaasha labada Aqal ee BJFS oo ka dooday miisaaniyadda sanadka 2023

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shir-Goboleedka Wasaaraddaha Maaliyadda ee Arrimaha Cimilada Maaliyadda

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shir-Goboleedka Wasaaraddaha Maaliyadda ee Arrimaha Cimilada Maaliyadda

September 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada Soomaaliya, Mudane Liban Obsiye, ayaa magaalada Salvador, ee dalka Brazil uga qaybgalay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xaflad sagootin ah u sameeyay Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xaflad sagootin ah u sameeyay Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya

September 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa magaalada Muqdisho xaflad sagootin ah...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka Islaamka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka Islaamka

September 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka...

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
0

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Shirka Heerka Sare ee Iskaashatada Horumarinta iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed ee Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi, kaas oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In