Wednesday, March 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Caafimaadka oo Gaadiika gargaarka deg dega ah ku wareejisay Maamulka gobolka Hiiraan

Idman Yahye by Idman Yahye
10 months ago
in Wararka
0
Wasaaradda Caafimaadka oo Gaadiika gargaarka deg dega ah ku wareejisay Maamulka gobolka Hiiraan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN):Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku wareejisay seddax Gaari oo cusub oo nooca gargaarka degdega ah maamulka Caafimaadka ee Gobolka Hiiraan.

Gawaaridan, oo laga soo iibiyey mashruuca Damal Caafimaad, isla markaana ay fududeysay Hey’adda Save the Children ayaa loogu talagalay inay kor u qaadaan tayada adeegyada Caafimaadka ee Gobolka.

Related posts

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

March 25, 2026
Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

March 25, 2026

Wasaaradda Caafimaadka waxay gacanta ku haysaa 60 xaruumo Caafimaad oo ay ka mid yihiin Isbitaalka weyn ee Gobolka Hiiraan iyo Isbitaalada degmooyinka Matabaan, Buuloburde, Jalalaqsi, Maxaas, iyo Moqokori, kuwaas oo dhammaantood bixiya adeegyo Caafimaad oo bilaash ah.

Adeegyada Caafimaadka ee gobolka waxaa ka shaqeeya in ka badan 500 shaqaale, oo ay ka mid yihiin dhaqaatiir, kalkaaliyaal, umulisooyin, iyo shaqaale kale oo muhiim ah, sanadkii la soo dhaafay, in ka badan 1,300,000 qof oo isugu jira caruur, haween, waayeel, barakacayaal, iyo reer guuraa ayaa ka faa’iideystay adeegyada bilaashka ah ee gobolka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxay mar walba ka shaqeynaysaa sidii loo gaarsiin lahaa adeegyo caafimaad oo loo wada siman yahay, loona horumarin lahaa tayada adeegyada caafimaadka, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa isla xisaabtanka hawlaha Caafimaad.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka teleefonka kula hadlay Madaxweyne Erdoğan

Next Post

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay waxqabadkeeda bilaha tagay ee sannadkan

Next Post
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay waxqabadkeeda bilaha tagay ee sannadkan

Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay waxqabadkeeda bilaha tagay ee sannadkan

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

March 25, 2026
0

Boqolaal qoys oo ka mid ah dadka ay saameysay abaarta daran ayaa gargaar biyo dhaamin ah laga gaarsiiyay deegaanno hoostaga...

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

March 25, 2026
0

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan caalami ah oo lagu qabtay dalka Shiinaha, iyagoo matalayay magaca iyo...

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
0

Cabdisalaam Maxamed Xasan, Cabdullahi Cusmaan Maxamed, Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr, Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo Leylo Seef Faarax Axmed, Ayaa...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In