Wednesday, January 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo safiirka Shiinaha kala wareegtay qalab lagu baaro Covid-19+Sawirro

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Caafimaadka XFS oo safiirka Shiinaha kala wareegtay qalab lagu baaro Covid-19+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Diyaarad siday qalab caafimaad iyo dawooyin loogu tala-galay ka hor-tagga iyo in lagula tacaalo cudurka Covid-19 ayaa xalay kasoo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Qalabkan ayaa waxaa qaar ka mid ah dalalka Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya ugu deeqay Jack Ma, oo ah aas-aasaha shirkadaha Alibaba, sidoo kalena ah ninka ugu taajirsan dalka Shiinaha oo cudurkan saf-mareenka ku noqday dunida uu kolkii hore ka dillaacay.

Related posts

Lacagaha Mashaariicda horumarinta oo la soo jeediyay in loo weeciyo dhanka abaaraha

Lacagaha Mashaariicda horumarinta oo la soo jeediyay in loo weeciyo dhanka abaaraha

January 14, 2026
NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

January 14, 2026

Diyaaradaan ayaa ka timid dalka Itoobiya, waxaana garoonka ku sugayey Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar), Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada, Maxamed Saciid Cabdullaahi, iyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Itoobiya Cabdixakiim Cabdullahi Cumar Camey, kuwaas oo safiirka dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian, kala wareegay deeqdaas.

Gargaarka ayaa waxaa qayb ka ah qalabka dadka looga baaro cudurka Coronavirus iyo qalabka ay isticmaalaan dhakhaatiirta ka howlgala xarumaha caafimaad iyo goobaha lagu baaro dadka looga shakiyo cudurka Coronavirus ee dunida ku baahay.

 

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaadda Wararka Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha Galmudug oo kulan la qaatay guddiga qaban qaabada caleema saarka

Next Post
Madaxweynaha Galmudug oo kulan la qaatay guddiga qaban qaabada caleema saarka

Madaxweynaha Galmudug oo kulan la qaatay guddiga qaban qaabada caleema saarka

Somalia Holds High-Level Meeting to Tackle Worsening Drought and Food Insecurity

Somalia Holds High-Level Meeting to Tackle Worsening Drought and Food Insecurity

January 14, 2026
0

Somalia’s Disaster Management Commissioner on Tuesday opened a high-level humanitarian meeting in Mogadishu, bringing together government institutions and international agencies...

Lacagaha Mashaariicda horumarinta oo la soo jeediyay in loo weeciyo dhanka abaaraha

Lacagaha Mashaariicda horumarinta oo la soo jeediyay in loo weeciyo dhanka abaaraha

January 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Maxamed Ibraahim Nuur, ayaa soo jeediyay in boqolkiiba 50 (50%)...

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

January 14, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal qorsheysan oo ay si taxaddar leh uga fuliyeen duleedka degmada Afgooye...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo guddoomiyay shirka Amniga oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo guddoomiyay shirka Amniga oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

January 14, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta guddoomiyay shir amni oo ka dhacay magaalada Laascaanood. Shirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In