Wasaaradda ciyaaraha iyo dhlinyarada ee Xukuumadda Soomaliya ayaa maanta deeq kubadda cagta ah ku wareejisay wakiilo ka socday maamul gobalaedyada iyo maamulada gobalada dalka, iyadoo deeqadaasi wasaaradaa ciyaaraha iyo dhalinyarada ay wareejisay ayaa gaareysa 4500 kubad.
Deeq wareejinta kaddib ayaa waxa warbaahinta la hadlay sii hayaha wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada mudane Khaalid Cumar Cali, isagoo sheegay in deeqdani kubada cagta ah ay qeyb ka qaadaneyso is dhex galka bulshada islamarkaana maamulada gobalada dalka looga baahan yahay in ay sii xoojiyaan sidii dhalinyarada Soomaliyed loogu wacyi galin lahaa isdhax galka bulshada iyo muhiimada uu leeyahay.
Dowladda Federaalka soomaaliya iyo hey’adaha ka howlgala dalka ayaa waxa ay mudooyinkii dambe dalka ka wadeen olole lagu wacyi galanayo dhalinyarada soomaliyed sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen is dhexgalka bulshada iyo horumarka dalka.