Sunday, May 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlayay Dhismaha Wadada Xeebta ee isku xirta Muqdisho iyo Hobyo Oo Xamar Lagu Qabtay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankaan oo ahaa mid Balaaran ula jeedkiisuna ahaa ka Hadalka Dhismaha Wadada Xeebta Marta Ee isku Xirta Muqdisho iyo Degmada Hobyo Ee Gobolka Mudug ayaa Maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho Waxaana ka qayb galay Xildhibaano .Siyaasiyiin.Salaadiin .iyo Marti sharaf kale oo isugu jira qaybaha Bulshada.

Kulankaas ayaa Waxaa ka Hadlay Mas,uuliyiin kala Duwan oo dhamaantood ka mideysnaa in Dhibaato ka jirto Xirnanshaha Wadadaas oo isku xirta Dhul Muhiim ah Gawaari aan ahayn Gaariga TM ka Soomalaidu u taqaana uusan Mari Karin Waxaana ay Soomaali weyn ugu baaqeen in ay ka wada qayb qaataan Wadadaas Dhismaheeda.

Related posts

DAAWO SAWIRRO:-Diyaar garowga doorashooyinka qof iyo cod ee gobolka Bakool

DAAWO SAWIRRO:-Diyaar garowga doorashooyinka qof iyo cod ee gobolka Bakool

May 10, 2026
Taliska Booliska Soomaaliyeed oo wargelin iyo digniin amni soo saaray

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo wargelin iyo digniin amni soo saaray

May 10, 2026

Imaam Maxamed Yuusuf Cumar  ayaa ka mid ahaa Dhaqanka ka hadlay Kulankaan waxaana uu ku Baaqay in aan arintaas look ala harin.Ismaaciil Macalin Muuse Gudoomiyaha Gudiga Dib u Heshiisiinta Qaranka Soomaaliyeed oo isna ka mid aha Mas,uuliyiinta ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Somalia hadii ay u istaagto in ay Wax Qabsato ay waqti yar ku qadan karto iskuna filan tahay isagoo soo jeediyay in laga wada qayb qaato Dhismaha Wadadaas.

Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa ka mid ahaa Mas,uuliyiinta ka qayb gashay Kulankaan Waxa ka mid ahaa Xildhibaan Cabdi Rashiid Xidig.Xildhibaan Cumar maxamed Maxamuud {Finish} iyo Xildhibaan Shiiraar Dhamaantood waxaa ay isku raaceen in ay Bilaabayaan Tabarucaada Dhismaha wadada.

Cali Maxamed Geedi Ra,iisul Wasaarhii Hore Ee Somalia oo ka hadlay Kulankaan looga hadlayay Dhismaha Wadada Xeebta ah ayaa waxaa uu ku tilmaamay Talaabadaan looga tashanayo Dhismaha Wadadaan Muhiimka u ah Bulshada Soomaaliyeed  mid muujineysa isku duubnida Dadka Soomaaliyeed iyo sida ay uga Go.antahay in ay Dalkooda Dhistaan iyagoo aan Cid kale Gacan ka sugin.

Cali Geedi ayaa waxaa uu ugu Baaqay Bulshada Soomaaliyeed Dalka iyo Dibada Meel kasta oo ay Joogaan in ay u istaagaan ka qayb qaadashada Howshaan isla markaana ay ku taageeraan Xoog iyo Hanti intaba Maadaama ay tahay Howl Qaran.

Previous Post

Sii hayaha wasiir ku- xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiiragelinta Maalgashiga oo Si weyn loogu soo dhaweeyay Degmada Guurceel

Next Post

Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Oo Qalab Isboorti ku Wareejisay Maamulada Dalka Ka Jira “Sawirro”

Next Post

Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Oo Qalab Isboorti ku Wareejisay Maamulada Dalka Ka Jira "Sawirro"

DAAWO SAWIRRO:-Diyaar garowga doorashooyinka qof iyo cod ee gobolka Bakool

DAAWO SAWIRRO:-Diyaar garowga doorashooyinka qof iyo cod ee gobolka Bakool

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL):-Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta loo asteeyay, si ay uga qayb galaan doorashada golayaasha...

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo wargelin iyo digniin amni soo saaray

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo wargelin iyo digniin amni soo saaray

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Booliiska Gobolka Banaadir ayaa wargelin iyo digniin amni ka soo saaray bannaan baxa ka...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA JABUUTI

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA JABUUTI

May 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Jamhuuriyadda...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dawladda Qatar u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In