𝐁𝐀𝐘𝐀𝐀𝐍 𝐃𝐀𝐃𝐖𝐄𝐘𝐍𝐄
𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒
𝐊𝐮 𝐒𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn u soo dhoweynaysaa una hambalyaynaysaa shacabka Soomaaliyeed kadib markii 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐀𝐪𝐚𝐥 𝐞𝐞 𝐁𝐚𝐚𝐫𝐥𝐚𝐦𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 ay ansixiyeen Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Go’aankan taariikhiga ah wuxuu soo gabagabaynayaa 𝐠𝐞𝐞𝐝𝐝𝐢-𝐬𝐨𝐜𝐨𝐝 𝐝𝐢𝐛-𝐮-𝐞𝐞𝐠𝐢𝐬 𝐝𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫 𝐨𝐨 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐦𝐮𝐝𝐝𝐨 𝐤𝐚 𝐛𝐚𝐝𝐚𝐧 𝟏𝟒 𝐬𝐚𝐧𝐨, tan iyo markii la meel mariyey Dastuurkii Ku-Meel-Gaarka ahaa ee 2012. Mudadaas waxaa la qabtay dadaallo siyaasadeed, sharci iyo farsamo oo ballaaran, iyo wadatashiyo qaran oo lala yeeshay dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowlada Federaalka, khubarada dastuurka, hay’adaha dowladda, bulshada rayidka ah, haweenka, dhalinyarada, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.
Ansixinta Dastuurka waxay astaan u tahay horumar muhiim ah oo Soomaaliya ka gaartay dhismaha dowladnimada, iyadoo dalka laga saarayo marxaladdii dheerayd ee 𝐝𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫 𝐤𝐮-𝐦𝐞𝐞𝐥-𝐠𝐚𝐚𝐫 𝐚𝐡 loona gudbayo nidaam dastuur oo dhammaystiran oo hagaya dowladnimada, siyaasadda, iyo horumarinta qaranka.
𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐫𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐍𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦𝐤𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚
Muddo ka badan 14 toban sano, Soomaaliya waxay ku jirtay marxalad kala-guur ah oo lagu dhisayay nidaamka federaalka. Si kastaba ha ahaatee, 𝐜𝐚𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐮𝐠𝐮 𝐰𝐚𝐚𝐰𝐞𝐲𝐧 𝐞𝐞 𝐡𝐨𝐫𝐭𝐚𝐚𝐠𝐧𝐚𝐚 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐛𝐭𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐧𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦𝐤𝐚 𝐟𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐚𝐡𝐚𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐝𝐡𝐚𝐦𝐦𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫 𝐥𝐚’𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚. Iyadoo Dastuurku ahaa mid ku-meel-gaar ah, qaar ka mid ah qodobbada aasaasiga ah ee nidaamka federaalka—gaar ahaan 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐰𝐨𝐨𝐝𝐚𝐡𝐚, 𝐰𝐚𝐚𝐣𝐢𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐮 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞𝐞𝐲𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝-𝐠𝐨𝐛𝐨𝐥𝐞𝐞𝐝𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 —ma aysan helin qeexitaan buuxa oo la isku raacsan yahay.
Arrintani waxay sababtay in Soomaaliya muddo dheer ku sii jirto 𝐧𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚-𝐠𝐮𝐮𝐫 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐚𝐚𝐧 𝐰𝐞𝐥𝐢 𝐬𝐢 𝐛𝐮𝐮𝐱𝐝𝐚 𝐮𝐠𝐮 𝐭𝐚𝐥𝐥𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐧𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦 𝐟𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥 𝐨𝐨 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐞𝐲𝐧𝐚𝐲𝐚. Sidaas awgeed, Soomaaliya si buuxda ugama guurin nidaamkii ku dhisnaa dowlad dhexe oo 𝐚𝐰𝐨𝐨𝐝𝐝𝐚 𝐬𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐦𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐮𝐠𝐮 𝐰𝐞𝐲𝐧 𝐚𝐲 𝐤𝐮 𝐮𝐫𝐮𝐫𝐬𝐚𝐧 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 una gudbin nidaam federaal oo si cad u qeexan.
Dhammeystirka Dastuurka ayaa sidaas darteed meesha ka saaraya mid ka mid ah caqabadihii ugu waaweynaa ee hortaagnaa hirgelinta nidaamka federaalka. Tani waxay Soomaaliya u suurtagelinaysaa:
● in si buuxda loo dhammaystiro qaab-dhismeedka federaalka
● in si cad loo qeexo awoodaha iyo waajibaadka heerarka kala duwan ee dowladda
● in la xoojiyo wada shaqaynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada
● in la dhiso hay’ado dowladeed oo awood u leh bixinta adeegyada dadweynaha
● iyo in dalka si dhab ah loogu gudbiyo 𝐧𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦 𝐟𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥 𝐨𝐨 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐞𝐲𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐰𝐚𝐱𝐭𝐚𝐫 𝐮 𝐥𝐞𝐡 𝐬𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝.
Dastuur dhammaystiran ayaa sidoo kale muhiim u ah 𝐝𝐢𝐛-𝐮-𝐡𝐚𝐛𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚, maadaama hirgelinta nidaam amni oo qaran ay ku xirantahay caddeynta qaab-dhismeedka dowladeed iyo wadaaga awoodaha u dhexeeya heerarka kala duwan ee dowladda.
𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚
Horumarka dhaqaale iyo mid bulsho ee dalka wuxuu si toos ah ugu xiran yahay nidaam dowladeed oo cad oo lagu heshiiyey. Iyadoo aan si cad loo qeexin qaab-dhismeedka federaalka, awoodda dowladda ee 𝐮𝐫𝐮𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐜𝐚𝐧𝐬𝐡𝐮𝐮𝐫𝐚𝐡𝐚, 𝐦𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝, 𝐢𝐲𝐨 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐬𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐡𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 waxay ahaan lahayd mid xaddidan. Sidoo kale, haddii aan la qeexin awoodaha heerarka kala duwan ee dowladda, waxaa sii jiri kara khilaafaad siyaasadeed oo joogto ah, kala qaybsanaan siyaasadeed, iyo curyaannimo hay’adeed oo wiiqi karta wadajirka bulshada iyo dowladnimada dalka.
Dastuur dhammaystiran wuxuu sidaas darteed muhiim u yahay dhismaha 𝐱𝐚𝐬𝐢𝐥𝐨𝐨𝐧𝐢 𝐬𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝, 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐣𝐢𝐫 𝐪𝐚𝐫𝐚𝐧, 𝐢𝐲𝐨 𝐣𝐚𝐰𝐢 𝐤𝐮 𝐡𝐚𝐛𝐛𝐨𝐨𝐧 𝐡𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚.
𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐃𝐢𝐛-𝐮-𝐇𝐚𝐛𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐍𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka waxay si gaar ah u xoojinaysaa in dastuurku yahay 𝐚𝐬𝐚𝐚𝐬𝐤𝐚 𝐮𝐠𝐮 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐬𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐝𝐢𝐛-𝐮-𝐡𝐚𝐛𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐧𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦𝐤𝐚 𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚.
Garsoor madax-bannaan, hufan oo wax ku ool ah laguma dhisi karo iyada oo aan la hayn dastuur si cad u qeexaya qaab-dhismeedka iyo awoodaha hay’adaha garsoorka.
Iyadoo aan dastuurka la dhammaystirin:
● lama dhisi karo hay’adaha garsoorka ee muhiimka ah sida 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐝𝐞𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚 (𝐇𝐢𝐠𝐡 𝐉𝐮𝐝𝐢𝐜𝐢𝐚𝐥 𝐒𝐞𝐫𝐯𝐢𝐜𝐞 𝐂𝐨𝐦𝐦𝐢𝐬𝐬𝐢𝐨𝐧)
● lama hirgelin karo 𝐌𝐚𝐱𝐤𝐚𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡
● lama horumarin karo dib-u-habaynta sharciyada muhiimka ah
● mana suurtageli karto ilaalinta madaxbannaanida garsoorka.
Nidaam garsoor oo shaqeynaya wuxuu u baahan yahay dastuur qeexaya sida hay’adaha garsoorka uga shaqeynayaan heerarka kala duwan ee dowladda, iyadoo si cad loo qeexayo awoodaha, waajibaadka, iyo xiriirka hay’adahaas.
Garsoor hufan oo madax-bannaan ayaa laf-dhabar u ah:
● dowlad wanaagga
● dimuqraadiyadda
● ilaalinta xuquuqda aadanaha
● Dhisida dhaqaalaha
● iyo nabadda iyo amniga dalka
𝐁𝐢𝐥𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐱𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐢𝐫𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka waxay xoojinaysaa in ansixinta Baarlamaanka Federaalka ay tahay 𝐭𝐚𝐥𝐥𝐚𝐚𝐛𝐨 𝐭𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐢 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡, balse sidoo kale ay calaamad u tahay bilowga marxalad cusub oo ah 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚.
Hadda waxaa bilaabanaya dadaallada lagu xaqiijinayo:
● hirgelinta qodobbada dastuurka
● dhismaha hay’adaha dastuuriga ah
● dhammaystirka nidaamka federaalka
● xoojinta nidaamka garsoorka
● iyo dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo ku dhisan sharci, isla xisaabtan iyo adeeg dadweyne oo wax ku ool ah.
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka waxay mar kale hambalyo u diraysaa shacabka Soomaaliyeed, waxayna u mahadcelinaysaa 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐀𝐪𝐚𝐥 𝐞𝐞 𝐁𝐚𝐚𝐫𝐥𝐚𝐦𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚, 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝-𝐠𝐨𝐛𝐨𝐥𝐞𝐞𝐝𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚, 𝐤𝐡𝐮𝐛𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐟𝐚𝐫𝐬𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚, 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐦𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐝𝐚𝐧𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 ka qayb qaatay geeddi-socodkan qaran ee taariikhiga ah. Ansixinta Dastuurku waxay Soomaaliya u furaysaa waddo cusub oo lagu xaqiijinayo dowlad 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐧 𝐝𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫, 𝐧𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦 𝐟𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥 𝐨𝐨 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐞𝐲𝐧𝐚𝐲𝐚, 𝐢𝐲𝐨 𝐬𝐚𝐫𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚.










