Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka XFS oo soo saartay Tallooyin & warbixin ku saabsan fatahaadaha iyo daadadka Roobka

caqiil by caqiil
6 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka XFS oo soo saartay Tallooyin & warbixin  ku saabsan fatahaadaha iyo daadadka Roobka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Soomaaliya ayaa manta soo saartay warbixinta  ku sadaasha fatahaadaha iyo daadadka roobka Guga ee bisha May oo dhan.

Warbixin ka kooban ilaa shan bayj ayay Wasaaradda uga hadashay heerarka biyaha labad webi ee Dalka Shabeelle iyo Jubba.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Waxaa sidoo kale Warbixinta ay soo saartay Dowladda looga hadlay meelaha iyo deegaannada ay sadaashu tilmaameyso in ay saamey ku yeelan karaan fatahadaadaha iyo daadadka roobka ee ka bilowday Goballada iyo Demooyinka Dalka

Fatahaadaha Webiyada iyo Daadadka ka dhasha xilli roobaadyada oo ah kuwa soo noq noqday ayaa waxey saameyn ku yeeshaan Bulshooyinka ku nool meelaha ay ka dhacaan.

Laba ka mid ah seddexdii xilli roobaad ee ugu dambeysay waxaa ka dhashay oo ay sababeen xaalad bani’aadannimo oo saameeyay nolosha iyo dhaqaalaha bulshooyinka ku nool meelihi ay ka dheceen

Xilligii Deyr-ta ee dhammaadkii sanadkii hore 2019, waxaa Dalka ka dhacay mid ka mid ah fatahaadihi ugu ba’naa ee abid ka dhaca Soomaaliya.

Sidoo kale Gugi sanadkii ka horreeyay ee 2018 waxa dhacday fatahaad maasheysay hanti iyo kaabaashi dhaqaale iyagoo barakiciyay kumannaan dad ah.

Hadaba sanadkan xiligan Gu’ga waxaa la saadaalinayaa in ay di’I doonaan roobab cabbirkooda lagu qiyaasay in ay ka badan doonaan roobabkii hore uga di’i jiray Dalka.

Sida sadaashu tibaaxayso, waxaa laga cabsi qabaa in inta lagu guda jiro bisha May,2020-ka ay fatahaado ka dhici doonaan dhowr Degmo oo Webigu oo ah ka mid ah kuwa uu Webigu maro. Kuwa halista ugu badan wajahaya waxaa ka mid ah Jowhar, Baardheere, Baladweyne iyo qaar kale.

Marka loo barbar dhigo dhulalka wabi mareenka ah dalka intiisa kale waa dhul lugu tiriyo dhulalka qalalan, iyadoo ay taasi jirto ayaa xilli roobaadyada sida xilliga Gu’ga markuu si fiican u roob dhigo ayuu wuxuu sababaa in ay dooxyadu biya badan soo rogaan kuwaas oo loo yaqaanno “daadad” waxayna saameeyn iyo waxyeelaba u geeystaan kaabayaasha dhaqaale iyo hab-nololeedka bulshooyinka u badan xoolo dhaqatada ee halkaas degan iyo sidoo kale dadka ku nool magaalooyinka.

Inta lugu guda jiro bisha May 2020ka, meelaha ay saadaashu ka digeeyso in ay dadka ku dhaqani aad u feejignaadaan ayaa waxaa ka mid ah gobollada sida Bari, Nugaal, Sanaag, Sool, Awdal iyo kuwa kale.

Iyadoo ay bulshooyinkeennu haatan la daalaa dhacayaan saameeynta dhaqaale iyo mida caafimaad ee uu keenay caabuqa safmarka ah ee COVID19, waxaa murugo iyo tiiraanyaba leh sida ay u muuqato in fatahaaduhu ay sii murjinayaan xaalad horeba dadku ay ula daalaa dhacayeen dhaqaale xumi baahsan iyo xaalad bani’aadannimo oo ka jirta wadanka dacaladiisa.

Warbixintan oo ay diyaariyeen qubarada ka howl-gasha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS waxaa ku jirta talooyin muhiim ah oo haddii ay bulshooyinka qaataan yareyn karta halista ay wajahayaan

“Sida aan ka garan karno saadaasha cilmiga ku dhisan ee roobabka, waxaanu qiyaasi karnaa baaxadda ay yeedlan karto khatarta fatahaad dhici karta, dhinaca kale waxaa adkaan doonta in loo gurmado bulshooyinka ay fatahaaduhu saameeyn doonaan iyadoo ay sababtu tahay in isku socodku adagyahay xaaladda COVID19 darteed”, ayaa lagu yiri warbixinta.

  • In bulshooyinka aadka u nugul ee ku nool meelaha ay ka dhici karaan khataraha fatahaaduhu ay goor hore si iskood ah ugu guuraan oo ay tagaan dhul sareeya oo naftooda iyo hantidooduba ku badbaadi karto.
  • in xilligan xasaasiga ah dartiis la mideeyo ka jawaab bixinta caabuqa COVID19 iyo ka jawaab celinta Fatahaadaha iyo Daadaka roobka si loo baajiyo dayac ku imankara qeyb bulshadeena ka mid ah.
Previous Post

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XfS oo dhiirrigaliyay howlwadeennada Caafimaadka ee Isbitaalka Martiini

Next Post

Dowladda Oo Gurmad Gaarsiisay Baardheere

Next Post
Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka XFS oo soo saartay Tallooyin & warbixin  ku saabsan fatahaadaha iyo daadadka Roobka

Dowladda Oo Gurmad Gaarsiisay Baardheere

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In