Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee XFS Cali Ifiye Cali ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray shir looga hadlay horumarinta kaabayaasha kalluumeysiga.
Mashruucan ay iska kaashanayaan Wasaaradda Kalluumeysiga, Dowladda Japan iyo FAO, wuxuu sare u qaadi doonaa adeegyada, ilaalinta kheyraadka badda iyo awoodsiinta bulshada xeebaha.
Mashruuca aan maanta daahfuray wuxuu muhiim u yahay kobac dhaqaale, abuurista fursado shaqo iyo la-dagaalanka kalluumeysiga sharci-darrada ah” ayuu yiri Wasiir Cali Ifiye.