Thursday, September 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Kalluumeysiga XFS oo doon casri ah guddoontay

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Kalluumeysiga XFS oo doon casri ah guddoontay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda kalluumeysiga iyo Khayraadka badda DFS ayaa doon kalluumeysi oo lagu tababarayo kalluumeystada waxaay maanta kala wareegtay heyโ€™adda Qaramada Midoobay u qaabishan Cunnada iyo Beeraha (FAO).

Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumeysiga iyo Khayraadka badda, Maxamuud Sh. Cabdullaahi Cabdiraxmaan, oo doonta kala wareegay FAO ayaa ka mahad celiyay taageerada joogtada ah, waxuuna caddeeyay in doontani oo ah tii ugu horreysay ee wasaaraddu yeelato ay qayb weyn ka qaadaneyso horumarinta xirfadda kalluumeysiga iyo soo nooleynta hannaanka kalluumeyiga dalka.

Related posts

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

September 9, 2026
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐€๐ค๐š๐๐ž๐ž๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง

Doonta ayaa waxaa maamulaya shaqaala ka tirsan wasaaradda kalluumeysiga oo horay loogu tababaray inay tababaraan shaqaalaha iyo iskaashatooyinka.

Agaasimaha Qorsheynta ee wasaaradda Kalluumeysiga Cabdullaahi Cabdi Cadow, oo munaasabadda wareejinta ka hadlay ayaa shaqaalaha loo tababaray inay gacanta ku hayaan doonta kula dardaarmay inay xafidaan si looga faaโ€™iideeyo shacabka Soomaaliyeed.

Doontaan oo cabirkeedu yahay 10.3 mitir oo ay FAO ugu deeqday wasaaradda waxaa sameeyay mashruuca Kaluumeeysiga CCAP oo midawga Yurub uu maal geliyo, waxaanaย  ka faaโ€™iideysanaya waaxda maamulka kalluunka iyo iskaashatooyinka wasaaradda kalluumeysiga si ay u dhisto awoodda shaqaalaha iyo iskaashatooyinka.

Mashruuca kalluumeysiga CCAP oo la billaabay sanadkii 2016 ayaa u jeedada laga lahaa waxay aheyd in lagu xoojiyo qaybta kalluumeysiga dalka iyada oo dhallinyarada loo sameynayo shaqo abuur, la siinayo xirfadaha muhiimka ah iyo qalab ka saacidaya inay noloshooda iyo nolosha qoysaskooda wax ka bedlaan.

Mashruuca oo kaashanaya wasaaradaha kalluumeysiga DFS iyo dowlad gobaleedyada ayaa ku guuleystay in dhallinyaro badan loo tababaro hannaanka kalluumeysigaย iyo hababka casriga ah ee loo kalluumaysto, sidoo kalana siiyay doomo ay ku jillaabtaan, arrintaas oo waxbadan kusoo kordhisay xirfadooda, agabkooda iyo waxsoosaarkooda dhinca kalluumeysiga, horumuudna u noqotay inay qayb ka qaataan kobcinta dhaqaalaha dalka.

Doonta ay maanta wasaaraddu la wareegtay ayaa qayb ka ah agabka kalluumeysi oo wax lagu tababaro oo FAO ay ka qaybsisay dalka ayaa qayb ka qaadaneysa horumarinta xirfadda Kalluumeysatada iyo iskaashatooyinka, taas oo qayb ka ah hagaajinta guud ee qeybta kalluumeysiga dalka.

Hayโ€™adda FAO ayaa 24 doonyood oo cabbirkoodu kala yahay 7.5 iyo 8.3 waxay ku wareejisay wasaaraddaha kalluumaysiga dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Puntland iyo Galmudug sanadkii 2019 iyo billaawga sannadkaan 2020, waxaana loo qaybiyay iskaashatooyinka kalluumaysatada ee xeebaha Soomaaliya.

Previous Post

Maxkamada ciidamada qalabka sida oo xukuno kala duwan ku ridey dad ku eedeysanaa dembiyo kala duwan

Next Post

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo Galmudug gaarsiisay qalab looga hortago Karoona Fayras

Next Post
Wasaaradda Caafimaadka XFS oo Galmudug gaarsiisay qalab looga hortago Karoona Fayras

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo Galmudug gaarsiisay qalab looga hortago Karoona Fayras

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

September 9, 2026
0

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika ayaa maanta isugu yimid Muqdisho, iyadoo la furay Shirka Golaha...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐€๐ค๐š๐๐ž๐ž๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐€๐ค๐š๐๐ž๐ž๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง

September 9, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ah Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shir muhiim ah la qaatay Guddiga Sare iyo Maamulka...

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

September 9, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta ka qeybgalay furitaanka Madasha Caalamiga ah...

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In