Tuesday, March 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keydka Sawirrada

Wasaaradda Maaliyada oo hirgalisay mashruuc lagu hormarinayo maamulada Gobolada “SAWIRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Keydka Sawirrada, Wararka
0
Wasaaradda Maaliyada oo hirgalisay mashruuc lagu hormarinayo maamulada Gobolada “SAWIRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda faderaalka Soomaaliya talaadadii 19-kii julay 2016, ayaa kulan isugu yeertay gudigga la talinta mashruuca Adeegga maagelinta gaarka ah ee hormarinta gobolada, oo ka kooban Wasaaradda Maaliyadda, Maamul goboleedyada dalka ka jira iyo masuuliyiin matalaysa  Gobolada Banaadir iyo Shabeellaha Dhexe, kulankaasi oo ujeddkiisu ahaa sidii ay talo ay uga  bixin lahaayeen sida mashruuca loo gaarsiin karo Gobolada, iyada oo baahiya ay ka imaanayaan dadaka deegaanka.

Mashruuca Adeegga Maalgelinta Gaarka ee hormarinta Gobolada (Special Financing Facility for Local Development) wuxuu daba socdaa hawlahii uu bilaabay mashruucii SFF ee ay maalgelisay Dowladda Nowray oo howshisu la soo gaba gabeeyay 31/12/2015.

Related posts

Tartamayaasha Degmada Kaaraan oo caawa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Kaaraan oo caawa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee tartanka “SAWIRRO”

March 17, 2026
Wasiirka Cadaaladda XFS oo  lagu soo dhaweeyey UK

Wasiirka Cadaaladda XFS oo lagu soo dhaweeyey UK

March 16, 2026

Ujeedada mashruuca waa dib-udhiska kaabayaasha dowladda dadwaynaha (Public infrastructure) iyo tayeeynta awooda wax qabad ee hay`adaha maamul goboleedyada. Mashruuca waxaa dowladda Soomaaliya ka taageeraysa bangiga Aduunka iyo Qaramada midoobay xafiiska Nada-dhiska (peace building) Hirgelinta mashruuca waxaa hoggaaminaysa Wasaaradda Maaliyadda ee Dowaldda faeraalka Soomaaliya, gaar ahaan waaxda fulinta mashaariicda (project implementation Unit)

Wasiirka Maaliyada mudane Maxamed aadan Ibraahim Fargeeti oo furay kulanka gudiga  ayaa sharaxaya  muhiimadda Barnaamijkaan, oo ay ka mid tahay in uu shaqo abuurid u samaynayo dadka deegaanka, in uu gacan ka gaysanayo dhismaha hay`adaha maamulka, sidoo kalana uu dhiiri galinayo shirkadaha ganacsi ee deegaanka laga fulinayo.

“Ahmiyada barnaamijkaan uu leeyahay waa tira  badan, mid wuxuu salka ku hayaa xasiloonida wadanka waan la soconaa ilaa iyo dhowr iyo labaatan sano wadanku in uu bur bur ku jiray  degaan kasta waxaa uu u baahan yahay in la hormariyo  dadku markay hormar arkaan waxaa meesha ka baxaysa colaadii badneed, “ayuu yiri wasiir fargeeti .

Gudoomiyaha Gobolka Baay oo matalayay maamulka Koofur Galbeed, Rashiid Cabdulaahi  oo ku hadlayay magaca maamul goboleedyada  ka soo qeyb galay kulanka ayaa sheegay in ay aad u soo dhawayanyaan mashruuca , uuna gacan ka gaysanayo hormarka dalka, Shaqo abuurka, tayeynta maamulada, isaga oo balan qaaday in ay gacan ka gaysan  doonaan fulinta mashruucaan, ay u muujin doonaan wada shaqeyn haboon.

0 2 3 4 6 7 8

Previous Post

Duqa Muqdisho oo ciidanka ilaalada deeganka kala hadlay soo celinta bilicda Caasimadda

Next Post

Qarax miino oo lagu Dilay Suxufi Caan ah

Next Post
Qarax miino oo lagu Dilay Suxufi Caan ah

Qarax miino oo lagu Dilay Suxufi Caan ah

Tartamayaasha Degmada Kaaraan oo caawa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Kaaraan oo caawa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee tartanka “SAWIRRO”

March 17, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Cadaaladda XFS oo  lagu soo dhaweeyey UK

Wasiirka Cadaaladda XFS oo lagu soo dhaweeyey UK

March 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macalin, oo safar shaqo ku jooga United...

Somali Leaders Honor Fallen Soldiers and Celebrate Military Gains During Ramadan

Somali Leaders Honor Fallen Soldiers and Celebrate Military Gains During Ramadan

March 16, 2026
0

The Ministers of Defense, Ahmed Moallim Fiqi; Education, Culture and Higher Education, Farah Sheikh Abdulkadir; Transport and Civil Aviation, Mohamed...

SoDMA, South West Ministry Launch Emergency Food Aid for Drought-Affected Families in Baidoa

SoDMA, South West Ministry Launch Emergency Food Aid for Drought-Affected Families in Baidoa

March 16, 2026
0

The Somali Disaster Management Agency (SoDMA), in collaboration with the South West State Ministry of Humanitarian Affairs, today launched the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In