Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Qorsheynta oo ku howlan u diyaar garowga diyaarinta Qorshaha 10aad ee Horumarinta Qaranka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Qorsheynta oo ku howlan u diyaar garowga diyaarinta Qorshaha 10aad ee Horumarinta Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa ku yeeshay magaalada Muqdisho banbax labo-maalin ah (29-30ka Oktoobar, 2023), si loo dar-dargeliyo horumarinta qorshaha wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Farax (Beenebeene) oo uu weheliyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa shir- guddoomiyay banbaxa labada maalin.

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Wasiir ku-xigeenno

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Wasiir ku-xigeenno

March 30, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

DFS oo ka warbixisay xaaladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

March 30, 2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Mohamed Shire, dhammaan Agaasimeyaasha Waaxyaha kala duwan iyo lataliyeyaasha sare ayaa ka qeyb-galay banbaxa iyaga oo soo jeediyay talooyin iyo afkaar wax-ku-ool ah si loo sii ambo qaado guud ahaan gudashada waajibaadka ee Wasaaradda.

Banbaxa ayaa si guud diiradda loogu saaray arrimo istaratiiji u ah Wasaaradda iyo wax-qabadkeeda oo ay ka mid yihiin; Qorshaha 5ta sano ee Wasaaradda, u diyaar garowga diyaarinta Qorshaha 10aad ee Horumarinta Qaranka, isku-dubbaridka deeqaha caalamiga ah, xoojinta iyo tayeynta karaanka wasaaradda, iskaashiga guud, hannaanka kormeerka iyo qiimeynta qaranka, bahwadaagta horumarinta iyo qorsheynta dhaqaalaha deyn-cafinta kadib.

Kulanka banbaxa ayaa hoosta looga xariiqay baahida loo qabo dar-dargelinta fulinta waajibaadka Wasaaradda iyo in sare loo qaado kartida wasaaradda oo horseedi doonta isku-duwidda Qorshaha Horumarinta Dhaqaalaha (QHDH), si loo xaqiijiyo horumar dhaqaale oo waara.





Previous Post

Somalia and Italy sign historic Media cooperation agreement

Next Post

Isra’iil oo markale duqeysay isbitaalada Qaza

Next Post
Isra’iil oo markale duqeysay isbitaalada Qaza

Isra’iil oo markale duqeysay isbitaalada Qaza

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Wasiir ku-xigeenno

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Wasiir ku-xigeenno

March 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa soo saaray wareegto uu kumagaacabayo Wasiir Ku xigeenno cusub...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

FGS STATEMENT ON THE DEVELOPMENTS OF SOUTH WEST STATE

March 30, 2026
0

The Federal Government of Somalia has long sought to address the concerns of the South West State through measures intended...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

DFS oo ka warbixisay xaaladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

March 30, 2026
0

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay in muddo ah ku mashquulsaneyd in arrimaha Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed lagu xaliyo talo ay...

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

March 30, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn ah ayaa gaaray magaalada Baydhabo, ka dib markii ay waddada dheer...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In