Saturday, February 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo Kismaayo ku soo gaba-gabeeysay Shirka Istaraatiijiyadda Xalka Waara ee dowlada gobaleedka Jubaland

caqiil by caqiil
4 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Qorsheynta XFS oo Kismaayo ku soo gaba-gabeeysay Shirka Istaraatiijiyadda Xalka Waara ee dowlada gobaleedka Jubaland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wada-tashiga oo socday muddo shan cisho ahaa ayaa diirradda lagu saaray diyaarinta qorshe howleedka Istaraatijiyada xalka waara ee dowlad gobaleedka Jubbaland, iyadoo ay ka qeyb-galeen Wasaraadaha iyo hay’adaha ay quseeyso ee dowlad gobaleedkaasi  oo gacan weyn ka geystay dar-dargelinta tallaabooyinka wax looga qabanayo mushaakilaadka kala duwan ee dabiiciga ah sida abaaraha, colaadaha iyo fatahaada.

Mudane Cabdirashiid Cumar faratoon oo ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Jubbland oo kulanka ka hadalay waxaa uu sheegay in muddada wadatashiga socday ay ka faa’iideyn qodobbo muhiim ah, sida Xalka Waara loogu heli lahaa dadka ku jiro xeryaha barakacayaasha iyo qaxootiga soo Guruprem-noqday sidoo kalena ay helaan waxyaabaha aas-aasiga u ah sida biyo, goobo caafimaad, waxbarasho iyo dhul iyo guri ay degaan tasoo ka dhigayso in ay la mid noqon karaan dadka kale caadiga ah nolasha ay ku noolyihiin.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad lagu soo bandhigayay guulihii DFS ee Shirweynaha Isbadalka Cimilada Adduunka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad lagu soo bandhigayay guulihii DFS ee Shirweynaha Isbadalka Cimilada Adduunka

February 14, 2026
Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka Heerka Wasiirrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee A3

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka Heerka Wasiirrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee A3

February 14, 2026

Ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Maamulka Jubaland Mudane Cusmaan Xasan Cabdi ayaa yiri “waxaan bogaadinayaa hay’adaha kala duwan ee ka qeygalay wadatashiga ee quseeyso arrinta sida ay u muujiyeen dhabar adeeg iyo talooyinka dhaxal galka ahaa ku biiriyeen qorshe howleedka sanadlaha 2021-2022 ee Istaraatiijiyadda Qaran ee Xalka Waara ee dowlada gobaleedka Jubbalad, tani waxa ay naga caawinaysaa ka maamul ahaan inaa xalka ka gaarno mushkiladahan soo noq-noqday ee IDPs”.

Agaasimaha Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Marwo Zahra Cabdi Maxamed ayaa tilmaamtay in watashigan maanta la soo gaba-gabeeyay qorshaha hirgelinta dowlad goboleedka Jubbaland uu la jaanqaadi doono Istaaraajiyadda Qaranka Xalka Waara, iyada oo mashaariicda horumarineed loo sameenayo Maamulka Jubland ee loogu talagalay in xal waara loogu helo barakacayaasha, qaxootiga soo guryo-noqday iyo dadka nugul.

“Ujeeddadu waa inaa qorshaha u sameeyno mudnaansiin kala duwan oo hadba sida ay u kala culus yihiin inaa u qabanno, isagoo kala jaanqaadayo Istaraajiyadda xalka waara iyo Qorshaha Horumarinta Qaranka Soomaaliyeed, marka mudnaan siinno waxaa innoo hirgelayo fulinta Istaraajiyadda qaranka ee xalka waara, iyada oo la fududeynaayo lana dar-dar gelinaayo qorshayaasha oo kor u qaadi doono awoodda iskuwidda ee waxqabadyada xalka waara ku sallaysan isla markaana hay’adaha ku howlgalaan ay tahay” ayeey tiri Zahra Cabdi Maxamed.

Xafiiska Xalka waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ayaa waxaa ka taageerayaa barnaamijkaan Urur gobaleedka IGAD-DRDIP iyo Baanka Adduunka (WorId Bank), Iyada oo gebagabadii shirka laga soo saaray qorshe howleedka sannadka 2021-2022 ee Istaraajiyadda Xalka Waara ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Previous Post

Maxkamadda gobalka Mudug  oo xukuno ku riday dhalinyaro lagu soo eedeeyay danbiyo kala duwan

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo booqday Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Galmudug

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo booqday Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Galmudug

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo booqday Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Galmudug

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad lagu soo bandhigayay guulihii DFS ee Shirweynaha Isbadalka Cimilada Adduunka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad lagu soo bandhigayay guulihii DFS ee Shirweynaha Isbadalka Cimilada Adduunka

February 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay guulihii...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka Heerka Wasiirrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee A3

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka Heerka Wasiirrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee A3

February 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka Heerka Wasiirrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay A3 ee Xoojinta Doorka Afrika ee Golaha...

AKHRISO:-Guudmarka Khudbadda Madaxwayne Xasan Sheekh ee Shir Madaxeedka Labaad ee Afrika iyo Talyaaniga

AKHRISO:-Guudmarka Khudbadda Madaxwayne Xasan Sheekh ee Shir Madaxeedka Labaad ee Afrika iyo Talyaaniga

February 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guudmarka Khudbadda Madaxwayne Xasan Sheekh ee Shir Madaxeedka Labaad ee Afrika iyo Talyaaniga Addis Ababa, Ethiopia Febraayo 13, 2026...

Madaxweynaha JFS oo Itoobiya kaga qayb galay Shir Madaxeedka Africa iyo Talyaaniga

Madaxweynaha JFS oo Itoobiya kaga qayb galay Shir Madaxeedka Africa iyo Talyaaniga

February 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay Shir Madaxeedka labaad ee Talyaaniga iyo Afrika oo ay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In