Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Waxbarashada Oo Ka Warbixisay Imtixaankii Mideysnaa Oo Ay Qaaday Dowladda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Waxbarashada Oo Ka Warbixisay Imtixaankii Mideysnaa Oo Ay Qaaday Dowladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

kulan maanta lagu qabtay xarunta Jaamacada Ummada ee magaalada Muqdisho oo ay ka qayb galeen wasiirka wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumada Soomaaliya,wasiir ku xigeenka iyo wasiiru dowlaha wasaaradaas iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa wasaaradu uga dhawaaqday in maanta ay shaacisay natiijada imtixaankii mideysnaa ee dhawaan laga qaaday ardayda dugsiyada sare ee gobolada bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya .

kulankaasi ayaa waxaa wasaaradu ay ka sheegtay in Natiijada imtixaankii laga qaaday ardayda ay ku soo bandhigi doonto website-ka rasmiga ah ee wasaaradda waxbarashada halkaana ay kala socon karaan ardada iyo dhamaan bulshada Soomaaliyeed waxaana ay wasaarada uga mahadcelisay suura galnimada in imtixaankaasi uu guuleysto cid walba oo gacan ka geysatay .

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare mudane Xaamud Cali Xasan oo ka hadlay arintaan ayaa waxaa uu si gaar ah mahad balaaran ugu celiyay waalidiinta iyo guud ahaan bulshada wasaarada ka gacansiisay in imtixaankaas taariikhiga ah la qaado laguna guuleysto.

wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada ayaa isna ka hadlay kulankaan waxaan uu dhankiisa bogaadiyay qabsoomida imtixaankaas iyo sida ay wasaarada oo kaashaneysa madaxda qaranka iyo bulshada qaybaheeda kale duwan ugu guuleysatay.

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare marwo Qadar Bashiir Cali oo ka hadashay gaba gabadii ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in maanta ay wasaaradu ku guuleysatay in ay soo bandhigto natiijada imtixaankii la qaaday.

“Maanta waxaan rabaa bisha sideedaad ay tahay 20 in aan idiin sheego natiijada imtixaanka in aan maanta soo saari doono ilaahay haduu yiraa taasna waxaa noo keentay waa guul aan u soo hoynay wadankeena ilaah ayaa ku mahadsan”ayay tiri wasiirada.

15 kii bishii June ee sanadkaan ayay ahayd markii wasaarada waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ay suura galisay in gobolada koofurta iyo bartamaha dalka ay imtixaan mid ah ka qaado ardada dhigatay dugsiyada sare taasoo  ahayd markii ugu horeysay mudo 25 sano ah .

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Shirka Golaha Wasiirada Ee Maanta Oo Looga Hadlay Arrimo kale Duwan oo la Xiriira Amniga iyo Geedi Socodka Dastuurka

Next Post
Shirka Golaha Wasiirada Ee Maanta Oo Looga Hadlay Arrimo kale Duwan oo la Xiriira Amniga iyo Geedi Socodka Dastuurka

Shirka Golaha Wasiirada Ee Maanta Oo Looga Hadlay Arrimo kale Duwan oo la Xiriira Amniga iyo Geedi Socodka Dastuurka

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In