Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Washington oo xayiraadii hubka ka qaaday Qubrus, kadib markii uu Turkiga bilaabay dhaqdhaqaaqyo Milatari

caqiil by caqiil
6 years ago
in Wararka
0
Washington oo xayiraadii hubka ka qaaday Qubrus, kadib markii uu Turkiga bilaabay dhaqdhaqaaqyo Milatari
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in dalkiisa uu qaaday xayiraadihii saarnaa Qubrus ee ku saabsanaa iibinta agabaka difaaca, Turkiga ayaa dhaleeceeyay tallaabada Mareykanka uu qaaday wuxuuna si maldahan u sheegay inuu qaadayo tallaabooyin uu kaga jawaabayo arrintaas.

War qoraal ah oo uu bartiisa Twitter-ka  ku baahiyay ayuu Pompeo ku tilmaamay i Qubrus  in ay tahay saaxiibka Mareykanka ee bariga Mediterranean-ka, waxuuna intaasi ku daray inuu ka shaqeynayo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga xagga ammniga ah ee ka dhaxeeya.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Dhinaceeda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa dhaleeceysay go’aanka Mareykanka ee xayiraadda hubka looga qaaday Qubrus.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in go’aankaas uusi cadd sumeeyey jawiga nabadda iyo xasilloonida gobolka, isla markaana uu ka hor imanayo heshiisyadii hore iyo iskaashigii labada dal.

Maalintii Talaadada aheed Waqooyiga Qubrus oo sidoo kale loo yaqaano (Turki Cyprus) ayaa dhaleeceeyay go’aanka Mareykanka ee ah in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Qubrusta dhanka  Giriigga.

Turkiga wuxuu dhawaan bilaabay dhoolatus milatari oo dhanka bada ah isaga oo adeegsanaya Rasaas nool waxana dhoola tuskani intiisa badan uu ka dhacay xeebta magaalada Iskanderun ee bariga Badda Mediterranean-ka.

Turkiga wali  waxuu sii wadaa sameeynta dhoola tus dhanka Badda ah, waxuuna ka wadaa  gooba kale oo ka baxsan xeebta bariga Mediterranean-ka, taasi oo soo bilaabatay 29-kii bishii tagtay, sida ay sheegayaan saraakiisha militariga, waxay ujeedadoodu tahay in la kordhiyo astaamahooda baddeed ee ka qeyb qaadanaya dhoola tuska Milatari.

Wasiirka arrimaha dibadda Mowlud Jawish Oglo ayaa dhankiisa sheegay in Giriigga uu qaadayo tillaabooyin daandaansi ah oo dhanka badda Mediterranean-ka , iyada oo ay taageerayaan qaar ka mid ah dalalka reer Yurub.

Wuxuu intaa ku daray in jasiiradda Meiss  oo cabirkeedu  yahay 10 km2 ay 580 Km u jirta Griiga  halka 2 Km oo Qurah ay u jirto Antalya.

Mowlud Jawish Oglo ayaa carabka ku adkeeyay  intii uu ku guda jiray shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Ankara  xilli uu dhinac taagnaa dhigiisa Algeria in shacabka iyo madaxda Turkigaba aanay marnaba aqabali doonin xadgudub kasta oo la damacsanyahay dalkooda.

Previous Post

Maxaabiis Taliban ah oo loo Wareejinayo dalka Qatar

Next Post

Alshabaab oo Miinooyin ku aasay degaanka Shabeellow ee Gobolka Mudug

Next Post
Alshabaab oo Miinooyin ku aasay degaanka Shabeellow ee Gobolka Mudug

Alshabaab oo Miinooyin ku aasay degaanka Shabeellow ee Gobolka Mudug

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In