Tuesday, December 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Cali Xoosh “Dowladdu way dhistay Guddiga Doorashooyinka Qaranka balse ma fara-gelinayso shaqadooda.”

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
6 months ago
in Wararka
0
Wasiir Cali Xoosh “Dowladdu way dhistay Guddiga Doorashooyinka Qaranka balse ma fara-gelinayso shaqadooda.”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay dhiseysay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, balse aysan faragelin doonin shaqadiisa.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay soo dhaweynta loo sameynayay Urrada siyaasadda ee ka diwaan galshan dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ku qabtay Muqdisho, isaga oo si cad u sheegay in guddigan uu yahay mid madax-bannaan, loona xil saaray qabashada doorashooyin hufan, cadaalad ah oo waafaqsan dastuurka dalka iyo qawaaniinta u yaalla.

Related posts

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025

“Guddiga Doorashooyinka Qaranka wuxuu leeyahay madax-bannaani buuxda. Dowladdu waxay kaliya ka caawin kartaa dhanka amniga iyo dhaqaalaha haddii loo baahdo, balse ma faragelinayso shaqada guddiga,” ayuu yiri Wasiirka.

Wuxuu sidoo kale xusay in isdiiwaangelinta codbixiyeyaasha ay si wanaagsan uga socoto qaybo badan oo ka mid ah dalka, isla markaana la doonayo in dhammaan qeybaha bulshada ay si siman uga qayb qaataan geedi socodka dimuqraadiyadda.Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli dalku isu diyaarinayo marxalado doorasho oo muhiim ah, kuwaas oo ka tarjumaya dadaallada dowladda ee ku aaddan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

Next Post

Wasiir Al-Cadaala oo ka hadlay guulaha laga gaaray dagaalka khawaarijta

Next Post
Wasiir Al-Cadaala oo ka hadlay guulaha laga gaaray dagaalka khawaarijta

Wasiir Al-Cadaala oo ka hadlay guulaha laga gaaray dagaalka khawaarijta

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 22-aad. Kulanka waxaa...

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa daahfuray kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo ku saabsan hagaajinta...

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

December 15, 2025
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta hoggaamiyay munaasabadda dhagax-dhigga xarumo muhiim u...

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

December 15, 2025
0

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa wasaaradaha ay wada-shaqeeyaan iyo bah-wadaagta horumarinta, ayaa si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In