Wednesday, January 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir C/raxmaan Xoosh oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Midowga Yurub-Sawirro

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Wasiir C/raxmaan Xoosh oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Midowga Yurub-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha dastuurka ee Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa xafiiskiisa maanta ku qaabilay Danjiradda Midowga Yurub (EU) u fadhisa Soomaaliya Veronique Lorenzo iyo masuuliyiin kale oo ka socotay Xafiiska EU ee Soomaaliya, Wasiirka waxaa kulanka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr.

Intii uu kulanka socday ayey laba dhinac isla soo qaadeen arrimo ay kamid ahaayeen Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka iyo wada shaqaynta labada dhinac.

Related posts

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026

Wasiir Cabdi Xoosh ayaa safiiradda iyo masuuliyiintii kale ee la socotay uga mahadceliyay booqashada ay ku yimaadeen Wasaaradda, isaga oo uga warbixiyay hawlaha ay Wasaaradda qabatay.

“Aad ayaan ugu faraxasanahay inaan maanta idinku soo dhaweyno xarunta Wasaaradda oo ah mid qiima wayn ugu fadhisa dalka Soomaaliya, waxa aan halkan ka abaabulnay hawlo baaxad leh oo aan mudooyinkii dambe qabanay haba ugu horeeyaan kulamada wadatashiga ee aan la yeelanay qaybaha kala duwan ee bulshada oo wadada u furaya Geedi-Socod dib u-eegis Dastuur oo ka qaybgalkiisu loo dhanyahay ” ayuu yiri AVV Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Dhinaca kale, Safiiradda ayaa ugu hambalyeysay Wasaaradda shaqada ay wado, islamarkaan waxa ay u ballanqaaday wadashaqayn joogta.

Ugu dambayn, kulankan oo ahaa mid daba socday kulan bishii hore Wasiirka iyo Safiirada ay yeesheen ayaa waxa uu ku soo dhamaaday guul.

Previous Post

Guddoomiye Jawaari oo la kulmay Soomaalida ku nool Capetown K.Arika

Next Post

Maamulka Gobolka Benaadir oo dib u howlgelinayo Dugsiga 15 May

Next Post
Maamulka Gobolka Benaadir oo dib u howlgelinayo Dugsiga 15 May

Maamulka Gobolka Benaadir oo dib u howlgelinayo Dugsiga 15 May

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu Bulshada Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in maanta oo ay Taariikhdu tahay 06-01-2026 Abaaro 10:55am Subaxnimo Xaafad...

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa booqasho shaqo ku tagay Degaanka Gandarshe oo Khawaarijta dhibaato weyn...

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

January 6, 2026
0

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, iyo Sheekh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isu-tagga Imaaraadka...

Golaha Nabadda ee Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay xadgudubka Israiil

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo saaray bayaan ka dhan ah xadgudubka Israiiil ee dalkeenna

January 6, 2026
0

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa soo saaray bayaan ka kooban dhowr qodob. Goluhu wuxuu si adag uga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In