Thursday, January 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Daa’uud oo tilmaamay in Soomaaliya ay gaartay heerka ugu sareeya ee Maamulka Hawada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirada oo soo dhaweeyay Go’aankii QM ee qaadista cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo ka hadlay munaasabad lagu xusayey maalinta duulimaadyada Rayidka caalamiga ayaa sheegay in Soomaaliya ay gaartey heerka ugu sareeya ee maamulka hawada.

Wasiir Daa’uud ayaa sheegay in munaasabaddaan ay muhiim u tahay Hay’adda duulista Rayidka maadaama mudnaan gaar ah ay u tahay Soomaaliya, isaga oo sheegay in Hay’addaan ay tahay muraayadda laga dheehan karo horumarka ay Soomaaliya sameenayso.

Related posts

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

January 14, 2026
Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

January 14, 2026

“Muddo dheer oo Soomaaliya ku soo jirtay dhabaatooyin kala duwan meesha kaliya ee Soomaali isku xiraysay haba noqoto mid gaabis ku bilaabato, waxa ay ahayd duulimaadyada Rayidka ah oo qeyb ka qaadanayeen hay’adda,” sida uu yiri Wasiir Daa’uud.

Dhanka kale  Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in Wasaaradda ay farxad weyn u tahay in ay aragto adeegga duulimaadyada uu si wanaagsan u hana qaado.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xusan in maalintaan aysan ahayn dabaal dag oo kaliya balse ay muujinayso in Soomaaliya dib u soo kabatay.

 

Previous Post

Hay’adda SoDMA oo shixnad gargaar ah u dirtay Degmada Mahadaay iyo deegaannada ku xeeran “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay ku jirtaa hey’adaha ugu kobaca badan marka loo fiiriyo kuwa dhiggeeda ah”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa “Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay ku jirtaa hey’adaha ugu kobaca badan marka loo fiiriyo kuwa dhiggeeda ah”

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay ku jirtaa hey’adaha ugu kobaca badan marka loo fiiriyo kuwa dhiggeeda ah”

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

January 14, 2026
0

Howlgal culus oo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka fuliyeen nawaaxiga deegaanka Buulo-Xaaji ee...

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

January 14, 2026
0

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee golaha Aqalka Sare ee BJFS Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ...

Wafdiga Dowladda JFS oo qado sharaf loogu sameeyay Laascaanood

Wafdiga Dowladda JFS oo qado sharaf loogu sameeyay Laascaanood

January 14, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabduullaahi Cali Xersi (Timacadde), oo ay wehliyaan Wasiirada...

Shirka ka jawaabista abaaraha iyo amni darrada cuntada dalka oo la soo gabagabeeyay

Shirka ka jawaabista abaaraha iyo amni darrada cuntada dalka oo la soo gabagabeeyay

January 14, 2026
0

Waxaa magaalada Moqdisho ku soo gabagaboobay, Shirka Ka-Jawaabista Abaaraha iyo Amni-Darrada Cuntada dalka kadib dood iyo xog is-weydaarsi miro-dhal ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In