Thursday, March 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Dawlaha Waxbarashada XFS oo Muqdisho ka furay shir looga hadlayo kor u qaadista tayeynta waxbarashada “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Wasiir Dawlaha Waxbarashada XFS oo Muqdisho ka furay shir looga hadlayo kor u qaadista tayeynta waxbarashada “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Waxbarashadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle jaabir ayaa maanta magaaladda muqdisho ka furay shir looga hadlayo kor u qaadista tayeynta waxbarashada dalka.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Axmed Xasan Yuusuf, Agaasimaha Hiddaha &Tacliinta sare ismaaciil Yuusuf Cismaan Agaasime waaxeedyo ka tirsan wasaaradda waxbarashada & wakiilo ka socday jaamacadaha ku yaalla Gobalka Banaadir.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

March 12, 2026
Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

March 12, 2026

Kulanka ayaa intii uu socday looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen, Horumarinta waxbarashada dalka iyo in lala yimaado iskaashi dhab ah oo kor loogu qaadayo tayeynta waxbarashada Soomaaliya.

Agaasimaha Hiddaha iyo tacliinta Sare ee Wasaaradda waxbarshada Cismaacil Yuusuf Cismaan oo lahaa qabsoomida kulanka looga hadlayo Horumarinta waxbarashada dalka ayaa sheegay in loo baahan yahay wadashaqeyn dhab ah iyo in lahelo xiriir joogto ah oo ka dhaxeya wasaaradda waxbarashada iyo jaamacaddaha dalka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada XFS,Axmed Yuusuf Xasan ayaa waxa uu shegay in markasta ay muhiim tahay horumarinta waxbarshada, islamarkaana jaamacaddaha dalka looga baahan yahay in ay soo saaraan arday aqoontoodu sareyso.

Wasiiru dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir ayaa ka hadlay ahmiyada ay leedahay kor u qaadista tayeynta waxbarashada dalka.

“Horumarka iyo wax wada qabsiga waa tan kaliya ee Guul ay ku gaari karaan ardayda Soomaaliyeed, jaamacadaha dalka ka jira waxa ay leeyihiin in lagu xasuusto wanaagga ay dalka soo gaarsiiyeen annaga oo og in ay darruufo adag ku soo shaqeyeen xiligii dhibaatada ay ka jirtay dalka, waxaan dooneynaa in aan helno wada shqeyn dhab ah, si loo helo waxbarasho tayo leh waa in aad ka fakartaan arigtida aad qaadaneysaan in uu ahaado arday soo buuxiyay sharuudaha looga baahanyahay marka uu iska diiwaan galinayo jaamacadda”

Wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirto siddii loo heli lahaa arday aqoon wanaagsan leh.

Previous Post

Guddoomiyaha Aqalka sare oo kulan la qaatay u qeybsanaha xoghayaha QM u qaabilsan dhinaca dembiyada jinsiga.

Next Post

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Maanta Kulan Qado ah la qaatay xildhibaanada Maamulkaasi “Sawirro”

Next Post
Madaxweynaha Hirshabeelle oo Maanta Kulan Qado ah la qaatay xildhibaanada Maamulkaasi “Sawirro”

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Maanta Kulan Qado ah la qaatay xildhibaanada Maamulkaasi “Sawirro”

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

March 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Soomaali , ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo xiray Madasha Bandhigga...

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

March 12, 2026
0

Ilaa 1,000 qoys oo ay si daran u saameysay abaarta ka jirta qaybo ka mid ah dalka ayaa ka faa’iideystay...

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

March 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) S/Guuto Ibrahim Mohamed Mahmoud ayaa kulan sagootin iyo dardaaran ah la qaatay ciidamo gaar...

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In