Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Dawlaha Waxbarashada XFS oo Muqdisho ka furay shir looga hadlayo kor u qaadista tayeynta waxbarashada “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Wasiir Dawlaha Waxbarashada XFS oo Muqdisho ka furay shir looga hadlayo kor u qaadista tayeynta waxbarashada “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Waxbarashadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle jaabir ayaa maanta magaaladda muqdisho ka furay shir looga hadlayo kor u qaadista tayeynta waxbarashada dalka.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Axmed Xasan Yuusuf, Agaasimaha Hiddaha &Tacliinta sare ismaaciil Yuusuf Cismaan Agaasime waaxeedyo ka tirsan wasaaradda waxbarashada & wakiilo ka socday jaamacadaha ku yaalla Gobalka Banaadir.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026

Kulanka ayaa intii uu socday looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen, Horumarinta waxbarashada dalka iyo in lala yimaado iskaashi dhab ah oo kor loogu qaadayo tayeynta waxbarashada Soomaaliya.

Agaasimaha Hiddaha iyo tacliinta Sare ee Wasaaradda waxbarshada Cismaacil Yuusuf Cismaan oo lahaa qabsoomida kulanka looga hadlayo Horumarinta waxbarashada dalka ayaa sheegay in loo baahan yahay wadashaqeyn dhab ah iyo in lahelo xiriir joogto ah oo ka dhaxeya wasaaradda waxbarashada iyo jaamacaddaha dalka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada XFS,Axmed Yuusuf Xasan ayaa waxa uu shegay in markasta ay muhiim tahay horumarinta waxbarshada, islamarkaana jaamacaddaha dalka looga baahan yahay in ay soo saaraan arday aqoontoodu sareyso.

Wasiiru dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir ayaa ka hadlay ahmiyada ay leedahay kor u qaadista tayeynta waxbarashada dalka.

“Horumarka iyo wax wada qabsiga waa tan kaliya ee Guul ay ku gaari karaan ardayda Soomaaliyeed, jaamacadaha dalka ka jira waxa ay leeyihiin in lagu xasuusto wanaagga ay dalka soo gaarsiiyeen annaga oo og in ay darruufo adag ku soo shaqeyeen xiligii dhibaatada ay ka jirtay dalka, waxaan dooneynaa in aan helno wada shqeyn dhab ah, si loo helo waxbarasho tayo leh waa in aad ka fakartaan arigtida aad qaadaneysaan in uu ahaado arday soo buuxiyay sharuudaha looga baahanyahay marka uu iska diiwaan galinayo jaamacadda”

Wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirto siddii loo heli lahaa arday aqoon wanaagsan leh.

Previous Post

Guddoomiyaha Aqalka sare oo kulan la qaatay u qeybsanaha xoghayaha QM u qaabilsan dhinaca dembiyada jinsiga.

Next Post

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Maanta Kulan Qado ah la qaatay xildhibaanada Maamulkaasi “Sawirro”

Next Post
Madaxweynaha Hirshabeelle oo Maanta Kulan Qado ah la qaatay xildhibaanada Maamulkaasi “Sawirro”

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Maanta Kulan Qado ah la qaatay xildhibaanada Maamulkaasi “Sawirro”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(New Delhi):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta Magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In