Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Dubbe” Geerida Afrika waxay ahayd mid aad ii taabatay,”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
4 years ago
in Wararka
0
Wasiir Dubbe” Geerida Afrika waxay ahayd mid aad ii taabatay,”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxa aanu sagootinay Cabdicasiis Afrika, Agaasimihii Radio Muqdisho. Salaatul Janaazadiisa waxa nagu hoggaaminayey Raisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Eng. Maxamed Xuseen Rooble.

Geerida Afrika waxay ahayd mid aad ii taabatay. Muddadii aanu wada shaqaynaynay waxan ku bartay dabeecado ay yar yihiin qof kulansaday.

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026

Wuxu ahaa hawl-kar. Radio Muqdisho wuxu gaadhsiiyey meel aanay hore u gaadhin muddo dheer. Waxaanu ka dhigay mid saamayn badan leh oo saaxiibo badan.

Wuxu baarri u ahaa Hooyadiis,  mushaharkiisa oo ahaa 700 bil kasta waxa heli jirtay Hooyadiis, markaas bay iyadu u soo celin jirtay qayb kamid ah.

Wuxu ahaa Samafale; weligii iilama iman dan uu isagu leeyahay, wuxu ii keeni jirey qof Soomaaliyeed oo dhib haysato, waxan dhihi jirey adigu Mother Teresa xitaa waad dhaaftay.

Qabiilku lama weynayn; wuxu saaxiib la’ahaa Soomaali oo dhan, dadkana wuu isku waday. Dhammaan dadka uu ii keeno ama igala hadlo ma ahayn dad ku qabiil ah.

Wuxu ahaa Geesi aan gabbasho aqoon, waxan ku naanaysi jirnay bulldozer ama katarabiil oo wuxu lahaa geesinimo xad dhaaf ah oo uu go’aamada adag ee fulinta u baahan ku meel mariyo

Wuxu ahaa suxufi yaqaan shaqadiisa isla markaana Af Soomaaliga aad u yaqaan oo hodan ku ah.

Shalay galab buu i sii macasalaameeyey isaga oo Maanta oo Axad ah u bixi lahaa waddanka India si uu Hooyadiis oo uu aad u jeclaa ugu soo daaweeyo.

Geerida AbdiAziz Afrika warbaahinta dunida iyo ta dalkuba aad bay wax uga qortay, dadkii tacsida i soo gaadhsiiyey waxa iigu saamayn badnaa Safiir kamid ah Waddama aynu saaxiibka dhow nahay oo igu yiri “markii aan geeridiisa maqlay aniga oo og in uu geeryooday baan haddana telefoonkiisii wacay aniga oo rajaynaya in warkaasi been noqdo, laakiin been ma noqon karayn oo aniguba waan ogaa in uu geeryooday AbdiAziz laakiin waan Ka samri waayey”

Ilaahay ha u naxariisto Agaasime Cabdicasiis Afrika. Nabadgalyo Walaal

Previous Post

Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdicaiis Afrika oo lagu aasay Magaalada Muqdisho.

Next Post

Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda oo ku deeqday 50 booyadood oo biyo ah

Next Post
Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda oo ku deeqday 50 booyadood oo biyo ah

Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda oo ku deeqday 50 booyadood oo biyo ah

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In