Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Isloow” Har iyo Habeen waxaan diyaar u nahay inaan Difaacno shacabka”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Amniga iyo xubno Wasiiro ah oo xalay kormeeray baraha ciidamada ee ku yaala caasimadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow ayaa balan ku qaaday iney ka shaqeynayaan sidii looga hortagi lahaa weerarada Cadowga Soomaaliyeed ee Al-Shabaab u soo maleegayaan Shacabka Soomaaliyeed kuna doonayaan iney ku qal qal geliyaan amaanka Caasimaddu Horumartay ee Muqdisho.

Wasiir Isloow ayaa sheegay in Ciidamada Xasilinta Caasimadda har iyo Habeen u soo jeedaan sidii loo difaaci lahaa madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Muqdisho,wuxuuna ciidamada ka dalbaday iney inta ay howgalka ku jiraan u turaan shacabka.

Related posts

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026

“Mudane Ra’iisal wasaare Waxaan diyaar u nahay inaan har iyo habeen idin difaacno,Ciidamada waxaan kula dardaarmayaa ugu danbeyntii iney iyagana shacabka u turaan”,Ayuu yiri Wasiir Isloow oo shalay la hadlay Ciidamada Xasilinta Caasimadda.

Ciidamada Xasilinta Caasimadda Muqdisho oo dhiira gelin loo sameeyay ayaa hadda bilaabaya howlgal lagu xasilinayo Muqdisho,islamarkaana lagulana dagaalamayo Hubka sharcidarada ah iyo kooxaha lidka ku ahaa Amaanka.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo shalay dhiira gelin ugu tagay Ciidamada Xasilinta Caasimadda ayaa dhamaan Ciidamada iyo Taliyeyaashoodaba ka codsaday iney ka shaqeeyaan sidii magaalada Muqdisho Amnigeeda u noqon lahaa boqolkiiba boqol(100%).

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre,Wasiirka Amiga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow,Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Nabad sugida iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa shalay dhiira gelin ugu tagay Ciidamada Xasilinta Caasimadda kuna booriyay iney dardar geliyaan sugida Amniga Muqdisho.

Cabsi xooggan ayaa hadda soo wajahday Argagaxisada Al-Shabaab oo caadeystay iney dhiiga shacabka micnadaro ku daadiyaan,waxaana Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed dhaxanta iyo dhulka howdka ah ugu dhabar adeegayaan sidii shacabkooda uga dul qaadi lahaayeen Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo feker iyo Militari ahaanba markaan jabay.

Previous Post

Haddiiba Kalsoonaanta Nafta Tahay Furaha Guusha Kalsooni Daradana Waa Fashilka Nolasha.

Next Post

Rabshado ay Dad ku dhinteen oo ka socda Dalka Koongada Dimoqraaddiga

Next Post
Rabshado ay Dad ku dhinteen oo ka socda Dalka Koongada Dimoqraaddiga

Rabshado ay Dad ku dhinteen oo ka socda Dalka Koongada Dimoqraaddiga

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Janaraal Xasan Dhicisow, ayaa gaaray deegaanka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay degmada Matabaan ee...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

January 8, 2026
0

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu qabtay munaasabad lagu dhiirrigelinayay saraakiisha booliska...

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

January 8, 2026
0

Culimada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa si adag u cambaareeyay faragelinta qaawan ee ay YH-da Israa’11l ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In