Thursday, March 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Isloow” Har iyo Habeen waxaan diyaar u nahay inaan Difaacno shacabka”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Amniga iyo xubno Wasiiro ah oo xalay kormeeray baraha ciidamada ee ku yaala caasimadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow ayaa balan ku qaaday iney ka shaqeynayaan sidii looga hortagi lahaa weerarada Cadowga Soomaaliyeed ee Al-Shabaab u soo maleegayaan Shacabka Soomaaliyeed kuna doonayaan iney ku qal qal geliyaan amaanka Caasimaddu Horumartay ee Muqdisho.

Wasiir Isloow ayaa sheegay in Ciidamada Xasilinta Caasimadda har iyo Habeen u soo jeedaan sidii loo difaaci lahaa madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Muqdisho,wuxuuna ciidamada ka dalbaday iney inta ay howgalka ku jiraan u turaan shacabka.

Related posts

CXDS iyo AUSSOM oo ku dilay Mubaarak 40 ka tirsan khawaarijta 

CXDS iyo AUSSOM oo ku dilay Mubaarak 40 ka tirsan khawaarijta 

March 26, 2026
Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

March 26, 2026

“Mudane Ra’iisal wasaare Waxaan diyaar u nahay inaan har iyo habeen idin difaacno,Ciidamada waxaan kula dardaarmayaa ugu danbeyntii iney iyagana shacabka u turaan”,Ayuu yiri Wasiir Isloow oo shalay la hadlay Ciidamada Xasilinta Caasimadda.

Ciidamada Xasilinta Caasimadda Muqdisho oo dhiira gelin loo sameeyay ayaa hadda bilaabaya howlgal lagu xasilinayo Muqdisho,islamarkaana lagulana dagaalamayo Hubka sharcidarada ah iyo kooxaha lidka ku ahaa Amaanka.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo shalay dhiira gelin ugu tagay Ciidamada Xasilinta Caasimadda ayaa dhamaan Ciidamada iyo Taliyeyaashoodaba ka codsaday iney ka shaqeeyaan sidii magaalada Muqdisho Amnigeeda u noqon lahaa boqolkiiba boqol(100%).

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre,Wasiirka Amiga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow,Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Nabad sugida iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa shalay dhiira gelin ugu tagay Ciidamada Xasilinta Caasimadda kuna booriyay iney dardar geliyaan sugida Amniga Muqdisho.

Cabsi xooggan ayaa hadda soo wajahday Argagaxisada Al-Shabaab oo caadeystay iney dhiiga shacabka micnadaro ku daadiyaan,waxaana Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed dhaxanta iyo dhulka howdka ah ugu dhabar adeegayaan sidii shacabkooda uga dul qaadi lahaayeen Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo feker iyo Militari ahaanba markaan jabay.

Previous Post

Haddiiba Kalsoonaanta Nafta Tahay Furaha Guusha Kalsooni Daradana Waa Fashilka Nolasha.

Next Post

Rabshado ay Dad ku dhinteen oo ka socda Dalka Koongada Dimoqraaddiga

Next Post
Rabshado ay Dad ku dhinteen oo ka socda Dalka Koongada Dimoqraaddiga

Rabshado ay Dad ku dhinteen oo ka socda Dalka Koongada Dimoqraaddiga

CXDS iyo AUSSOM oo ku dilay Mubaarak 40 ka tirsan khawaarijta 

CXDS iyo AUSSOM oo ku dilay Mubaarak 40 ka tirsan khawaarijta 

March 26, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED, Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada Uganda ee AUSSOM, ayaa jab culus gaarsiiyay maleeshiyaadka ka tirsan Khawaarijta, oo...

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

March 26, 2026
0

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo dhidibada u aasaya hannaan wadatashi siyaasadeed oo joogto ah....

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

March 26, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 26 Maarso 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilalkii ka qaaday...

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

March 26, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho ugu tegay askartii ku soo dhaawacantay dagaallada ka dhanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In