Monday, June 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda oo xarigga ka jaray dib u dayactir lagu sameeyay Waaxda Carabta

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Jawaabta Dowladda Federaalka ee ku aaddan baarista SOMA
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga  Mr. Mukhtar Mahad Daud oo uu wehliyo Amb. Hamoud Samaran Al Jowhary Al Huwaidi Madaxa Ergada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya ayaa maanta xarigga ka jaray dib u dayactir iyo qalabayn lagu sameeyay xafiisyada cusub ee ay ku howlgali doonto Waaxda Carabta.

Agaasimaha Waaxda Carabta Mustafa Adam Dagaal ayaa ku soo dhoweeyay Madaxda kala duwan ee Wasaaradda qeybaha la dayactiray ee Waaxdiisa, isaga oo bogaadiyay dadaalka Jaamacadda Carabta ay ugu jirto taageeridda Soomaaliya.

Related posts

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

June 15, 2026
Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

June 15, 2026

Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Cali Maxamed Cali ayaa sheegay in dib loo dayactiri doono, lana qalabayn doono waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda oo uu ku jiro Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda, isaga oo xusay in Waaxyuhu isku fidin doonaan dhammaan dhismaha Wasaaradda, si loo xoojiyo howlaha shaqo iyo shaqaale.

Dhankiisa, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Mukhtaar Mahad Daauud ayaa tilmaamay in Wasaaraddiisu ay la kaashan doonto Wasaaradaha kale ee dalka si loo suurageliyo dib u dhis ballaaran oo lagu sameeyo dhammaan hey’adaha qaranka ee ku burburay dagaaladii sokeeye.

Ergeyga Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Danjire Hamoud Al Huwaidi ayaa sheegay in Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Ahmed Aboul-Gheit uu qaban-qaabinayo shir ballaaran oo dhammaan dowladaha carbeed ay ka soo qeybgali doonaan oo lagu uruurin doono lacago dib loogu dhisayo dalka Soomaaliya, isaga oo qiray in Jaamacadda Carabta aanay marnaba ka gaabin doonin in ay ka shaqeyso sidii Soomaaliya ay dib uga soo kabsan laheyd dhibtii colaaduhu ay gaarsiiyeen.

Previous Post

Dhageyso: Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Aadan Macalin

Next Post

Horjooge ka tirsan maleeshiyaadka Shabaab oo isu soo dhiibay Ciidamada XDS

Next Post
Horjooge ka tirsan maleeshiyaadka Shabaab oo isu soo dhiibay Ciidamada XDS

Horjooge ka tirsan maleeshiyaadka Shabaab oo isu soo dhiibay Ciidamada XDS

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

June 15, 2026
0

AMNIGA • Xoreynta deegaanno iyo magaalooyin ka badan 120 oo horay uga maqnaa gacanta dowladda. • Xaqiijinta amniga caasimadda Muqdisho....

Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

June 15, 2026
0

Muqdisho – Waxaa maanta si rasmi ah loo daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir, Sanad-dugsiyeedka 2025–2026,...

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ

June 14, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayaha Guud...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Gamacsato iyo Maalgashadayaal ka socda Talyaaniga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Gamacsato iyo Maalgashadayaal ka socda Talyaaniga

June 14, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi ganacsato iyo maalgashadayaal ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In