Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir ku-xigeenka Xanaanada xoolaha oo sheegay in dib u dayactir lagu sameyn doono xarumihii Wasaaradda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Dhalinyarada degmada Dhuusamareeb oo hogaan cusub doortay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdinaasir Maxamed Gaarane oo kormeeray xaruntii xanaanada xoolaha ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in sida ugu dhiqsiyaha badan dib-u-dayactir lagu sameeyn doono.

Wasiir ku-xigeenka Xanaanada Xoolaha ayaa howlo indho indheyn ah ku soo sameeyay xarunta xanaanada xoolaha ee ku taala Gobolka Galgaduud ayaa waxa uu Warbixinno ka dhageystay dadkii gacanta ku hayay, isagoo u jeedka kormeerkiisu ahaa u kuurgelidda xaruntaasi.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Faadumo Jaamac oo ah haweeneyda gacanta ku haysto muddada bur burka kaddib, xarunta, isla markaana iminka ku xanaaneyso xoolo ayaa sheegtay inay diyaar u tahay in xarunta xanaanada xoolaha ay ku wareejiso dowladda, si markale loogu adeego bulshada oo lagu xanaaneeyo xoolaha.

Mudane Cabdinaasir Maxamed Gaarane ayaa sheegay in xaruntii uu booqday ay ka muuqato bur bur ah, una baahan in dib loo howlgeliyo, isagoo uga mahadceliyay dadkii gacanta ku hayay xarunta Xanaanada Xoolaha.

“Wax dayactir iyo dib u habeyn lagu ma sameynin tan iyo bur burkii dalka kaddib, runtii xarumihii lagu xanaaneyn jiray xoolaha laguma fekerin in dib u habeyn lagu sameeyo, balse waxaan qorsheyneynaa in arrintaan aan ka shaqeyno oo aan dib u yagleelno dib u soo nooleeynta xarumaha” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Xanaanada Xoolaha.

Previous Post

RW oo Dhuusamareeb uga qeybgalay xuska maalinta Haweenka, dibna ugu soo laabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In