RADIO MUQDISHO: Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Danjire Cabdixakiin Ashkir ,ayaa si rasmi ah u furay Shirka Wadajirka Bulshada Iyo Ka Hortagga Colaadaha Soo Noqnoqda.
Wasiir Ashkir oo ka hadlayย Munaasabadda ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda Iskaashiga, isagoo yiriโ Waxaan adkaynayaa muhiimada ay leedahay in la helo iskaashi dhab ah oo ka dhaxeeya bulshada rayidka ah iyo dowladda, si wadajir loogu wajaho baabiโinta kala qeybsanaanta bulshadaโ.
Ugu Dambayn, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha Cabdixakiin Ashkir,ayaa u mahadceliyay Ka qaybgalayasha Kulanka oo ka kala socda DF, Dowlad Goboleedyada Dalka, Gobolka Banaadir iyo Ururrada Bulshada Raydka ah.











