Dhismahaan cusub ee laga hirgalinayo xarunta wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiis Soomaaliya oo ka koobnaan doona labo dabaq oo leh in ka badan 20 qol ayna maalgalinayso wasaaradda maaliyadda dalka ayaa qeyb ka ah barmaamijka dalkaaga dhiso ee ku dhawaaqay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhismaha oo isku jira qaar u baahan dayactir iyo qeyb bilow ah ayaa la qorshaynayaa in lagu dhamaystiro mudo 6 bilod ah Wasiirka Warfaaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” uu uu wehliyo agaasimaha guud ayaa kormeer ay ugu kuur galiyeen sida uu u socdo dhismaha qeybta cusub wasaaradda ku sameeyey .
Agaasimaha guud wasaradda warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdirisaaq Cali Yuusuf “Bahlaawi”oo warbaahinta qaranka la hadlay ayaa sharaxaya Mudada u socday qorshaan lagu dhisaayo qaybtaan cusub lagu soo kordhinayo wasaaradda.
“Waxaa sharaf wayn inoo ah in wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiisku uu inagu soo booqdo mudane Maareye xaruntaan cusub laga hirgalinayo wasaaradda warfaafinta,mashruucani Mudane Wasiir waxaa an ku fikiraynay mudo labo sano,waxaa uuna ku soo aaday fursad weyn oo ah in aad adigu nala joogto”ayuu yiri Bahlaawi.
Wasiirka warfafinta Dhaqaranka iyo dalxiiska ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareye” ayaa tilmaamay in Lixda bilooda ee inagu soo aadan ay wasaaradda yeelan doonto muuqaal wanaagsan oo isugu jira dhismooyinka kale duwan oo laga hirgalindoono.
”Lixda bil ee soo socota wasaarada warfaafintu xagga bannaamijyada xagga waxqabadka iyo xagga dhismaha ay yeelan doonto muuqaal aad uga duwan kii burburka in ay yeelan doonto sidaad arkeysaan meeshaan burbursan bilo ka dib waxaad arkeysaan iyadoo aad u qurux badan sidoo kale waxaa inoo qorsheeysan in aan wasaaraada ka dhisni laabareeri ( Maktabad) aad iyo aad u qalabeysan oo internedkiisa iyo wixiisaba ay u dhanyihiin ayaa dhawaan halka dambe laga dhisi doonaa oo dadka imaanaya oo barnaamijyada ka qeybgalaya iyo weriyiyaasha ay ka soo sameystaan daraasado cilmiyeed buugaag ay akhristaan internedyo ay galaan taariikh ay soo xigtaan oo ay barnaamijyo ay ka sameeyaan qofkii marti ahna wasaaradu uu halkaasi ku nasto coffee ka cabo shaax ka cabo buugaag uu ku akhristo”,ayuu yiri wasiirka.
“Mashruuca sadaxaad ee noo qorsheysan sanada 2015 dhamaadkiisa wariyeyaasha wasaarada maadaama ay shaqeeyaan 24 saac oo habeenadii ku jiraan shifti ku jiraan in aan u dhisno hotel”.
Wasiir Maareeye ayaa xusay in weriyaasha ka howlgala warbaahinta qaranka ay qiimo weyn u leeyihiin qaranka Soomaaliyeed ,isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay warka ay qoreen warbaahinta waxba hubsan ee laxariira weriyeyaasha Radio Muqdisho iyo SNTV in laga burburyey guryihii ay ka deganaayeen oo wasaaradda key dhex yaalay.
Wasiirka warfafinta Dhaqaranka iyo dalxiiska ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa mudadii uu xilka wasiirka hayey waxaa uu wax badan ka qabtay wasaaradda oo ay ka mid tahay dhismahaan cusub ee la doonayo In lagu kordhiyo,isla markaana waxaa uu wadaa qorshe lagu horumarinayo guud ahaan warbaahnta dalka.
Sawir Qaade: Qadar Cali Nuur