Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Maareeye:” Lixda bilood ee soo aadan wasaaradu waxay yeelan doontaa muuqaal cusub”-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Wasiir Maareeye:” Lixda bilood ee soo aadan wasaaradu waxay yeelan doontaa muuqaal cusub”-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dhismahaan cusub  ee laga  hirgalinayo  xarunta wasaaradda warfaafinta  Dhaqanka iyo  Dalxiis   Soomaaliya oo ka koobnaan doona labo dabaq oo leh in ka badan 20 qol  ayna maalgalinayso wasaaradda  maaliyadda dalka ayaa qeyb ka ah  barmaamijka dalkaaga dhiso  ee  ku dhawaaqay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhismaha oo isku jira qaar u baahan  dayactir iyo qeyb  bilow ah  ayaa la qorshaynayaa  in lagu dhamaystiro mudo  6 bilod ah Wasiirka Warfaaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye”  uu  uu wehliyo agaasimaha guud  ayaa  kormeer ay  ugu kuur galiyeen sida uu u socdo dhismaha qeybta cusub  wasaaradda ku sameeyey .

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Agaasimaha guud wasaradda warfaafinta  Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdirisaaq  Cali Yuusuf  “Bahlaawi”oo warbaahinta qaranka  la hadlay ayaa sharaxaya Mudada u socday qorshaan  lagu dhisaayo qaybtaan  cusub lagu soo kordhinayo wasaaradda.

“Waxaa sharaf wayn inoo ah in wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiisku uu inagu soo booqdo mudane Maareye xaruntaan cusub laga hirgalinayo wasaaradda warfaafinta,mashruucani  Mudane Wasiir waxaa an ku fikiraynay  mudo  labo sano,waxaa uuna ku soo aaday fursad weyn oo ah in aad adigu nala joogto”ayuu yiri Bahlaawi.

Wasiirka warfafinta Dhaqaranka iyo dalxiiska   ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareye”  ayaa tilmaamay in Lixda bilooda ee inagu soo aadan ay wasaaradda  yeelan doonto muuqaal  wanaagsan oo isugu  jira dhismooyinka  kale duwan  oo laga hirgalindoono.

”Lixda bil ee soo socota wasaarada warfaafintu  xagga bannaamijyada xagga waxqabadka  iyo xagga dhismaha ay yeelan doonto muuqaal aad uga duwan  kii burburka in ay yeelan doonto sidaad arkeysaan meeshaan burbursan bilo ka dib waxaad arkeysaan  iyadoo aad u qurux badan sidoo kale waxaa inoo qorsheeysan in aan wasaaraada ka dhisni laabareeri ( Maktabad) aad iyo aad u qalabeysan oo internedkiisa iyo wixiisaba ay u dhanyihiin ayaa dhawaan halka dambe laga dhisi doonaa oo dadka imaanaya oo barnaamijyada ka qeybgalaya iyo weriyiyaasha ay ka soo sameystaan daraasado cilmiyeed buugaag ay akhristaan internedyo ay galaan taariikh ay soo xigtaan oo ay barnaamijyo ay ka sameeyaan  qofkii marti ahna wasaaradu uu halkaasi ku nasto coffee ka cabo shaax ka cabo buugaag uu ku akhristo”,ayuu yiri wasiirka.

“Mashruuca sadaxaad ee noo qorsheysan sanada 2015 dhamaadkiisa wariyeyaasha wasaarada maadaama ay shaqeeyaan 24 saac oo habeenadii ku jiraan shifti ku jiraan in aan u dhisno hotel”.

Wasiir  Maareeye ayaa xusay  in weriyaasha  ka howlgala warbaahinta qaranka  ay qiimo weyn u leeyihiin qaranka Soomaaliyeed  ,isagoo  wax laga xumaado ku tilmaamay warka ay qoreen warbaahinta  waxba hubsan ee laxariira weriyeyaasha  Radio Muqdisho iyo SNTV in laga  burburyey guryihii ay ka deganaayeen oo wasaaradda key dhex yaalay.

Wasiirka warfafinta Dhaqaranka iyo dalxiiska ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa mudadii uu xilka wasiirka  hayey waxaa uu  wax badan ka qabtay wasaaradda  oo ay ka mid tahay dhismahaan  cusub ee la doonayo In lagu kordhiyo,isla markaana waxaa uu wadaa qorshe lagu horumarinayo guud ahaan warbaahnta dalka.

IMG_2791 IMG_2792 IMG_2796 IMG_2798 IMG_2803 IMG_2812 IMG_2829 IMG_2836 IMG_2844 IMG_2845 IMG_2846 IMG_2848 IMG_2849 IMG_2855 IMG_2856 IMG_2865 IMG_2870

Sawir Qaade: Qadar Cali Nuur

Previous Post

Sheikh Cali Wajiiz: Ramadaan waa bil Kheyr ee ma ahan bil dagaal

Next Post

Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo dib u dhigay  xuska maalinta Olympikada Aduunka

Next Post
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo dib u dhigay  xuska maalinta Olympikada Aduunka

Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo dib u dhigay  xuska maalinta Olympikada Aduunka

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In