Kulankan oo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxmed Cabdi Xayir Maareeye uu la yeeshey maamulka iyo shaqaalaha Wasaaradda ayaa ujeedkiisu ahaa warbixin wasiirka laga siinayay howlaha kaladuwan ee ka socda Wasaaradad iyo isbarashada wasiirka cusub iyo shaqaalaha.
C/llaahi Xayir Ducaale Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa Wasiirka siiyay warbixin ku aadan howlaha wasaaradda maamulka iyo shaqaalaha.
“Shaqaalaha waa in ay laga helaa waajibkooda in ay gutaan,mar hadii mushaharaadkoodi ay helayaan,mudane Wasiir Shaqaalaha Wasaradda waxaa ay ka howlgalaan,qofka fasax ayuu qaadanayaa wuu xanuunsankaraa,laakiise waa in uu u sheegaa agaasimihiisa,shaqaalah waxaa ay isugu jiraan 137 qof oo ka howlgalaa Muqdisho iyo 34 attaacjii oo ka howlgalala dibadda,hadda waxay isku bedeshey arrintii 21 attaajii,waana loo yeerey dibadda ayay ku maqan yihiin”. Ayuu yiri Agaasime Xayir Ducaale.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalak Soomaaliya mudane Maxmed Cabdi Xayir Maareeye ayaa dhageysiga warbixinada kadib wuxuu kula dardaarmay shaqaalaha iyo maamulk ain ay dardargeliyaan howlaha horyaala,isagoo intaasi ku daray in uu jiro isla xisaabtan dhab ah abaal marino iyo ciqaab intuba leh.
“Aniga hadii aan iska bilaabo ka wasiir ahaan ilaa shaqalaah hoose waxaa waajib inugu ah in aan dalka u adeegno, fursad waxaan u heysanaa in aan mushaharad aan ka helno Dowladda,waxaa jira dad badan oo aanan fursadahaasi helin,maanta shaqaalah Dowladda waa la isku dilaa hadii qof uu dhintana,hadda dadkii oo dhan shaqada dowladda waa ay rabaan lacag badan ayaa lagu arkay,laakiise waxaa loo baahanyahay in dadka Soomaaliyeed oo dhibaataysan aan wax u qabano”. Ayuu yiri Wasiir Maareeye.
Waa kulankii ugu horeeyey oo uu wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha uu la wada yeeshey shaqaalah aiyo maamulka,tan iyo markii uu xafiiska la wareegay,wuxuuna muujiyay in talaabo adaga laga qaadidoono dadka shaqadooda gudan wayao,iyo abaalmarino la siindoono dadka waajibkooda guta.